Siilaanyo iyo Cirro oo Hab maamuus Kala Duwan lagu kala martiqaaday iyo sumcad xumada ay somaliland ku Keenen.

0
Saturday December 07, 2013 - 21:36:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siilaanyo iyo Cirro oo Hab maamuus Kala Duwan lagu kala martiqaaday iyo sumcad xumada ay somaliland ku Keenen.

    Jig-jiga (Xogreebnews) Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa la sheegay in ay guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland u soo dirtay martiqaad uu ku tagay Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo ka dhacaysa Jig-jiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jig-jiga (Xogreebnews) Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa la sheegay in ay guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland u soo dirtay martiqaad uu ku tagay Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo ka dhacaysa Jig-jiga.
Siilaanyo iyo Cirro oo Hab maamuus Kala Duwan lagu kala martiqaaday iyo sumcad xumada ay somaliland ku Keenen.

Jig-jiga (Xogreebnews) Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa la sheegay in ay guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland u soo dirtay martiqaad uu ku tagay Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo ka dhacaysa Jig-jiga.

Halka Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisa ay martiqaadka kaga qaybgalayaan xafladaasi uu u soo diray Madaxweynaha Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya.


Martiqaadyadan kala duwan ayaa sababay in Somaliland ay labba jeer kala tagto Jig-jiga, halkii ay ka ahayd in ay habmaamuska ay kala leeyihiin iyagoo huwan ay mar kali ah dalka ka baxaan maadaama oo ay huwan yihiin karamadii shacabka Somaliland, haddii kale sida imikaba muuqata waxa ay muujinaysaa karaamo darro iyo nidaam xumo iyo in hay’adaha dawladdu kala qobqoban yihiin.

Siilaanyo iyo Cirro ayaa u Muuqda kuwo khilaafkooda siyaasadeed kala weynaaday dantii qaranka, waxaana banaanka u soo baxay in ay labada Odey ku kala fogaaden khilaafkii ka dhashay isku shaandhayntii uu cirro ku sameyey golihiisa taasoo uu afka dhulka u daray Xildhibaano madaxtooyada gacan saar la lahaa sida uu cirro ku eedeyey madaxtooyada uu siilaanyo ka arrimiyo.

Sidoo kale safarka cirro ayaa dhinaca kale soo shaac saaray in khilaafkii shirguddoonku wali halkiisi taagan yahay, waxaaana taas laga akhrisan karaa sida ay Warar ay Waaheen heshay sheegayaan in uu diiday in uu Ji-jiga uu u raaco Guddomiye Ku-xigeenkiisa 2aad, kaasoo ku gacansaydhay kaadhkii martiqaadka ahaa.

Guddomiye Cirro ayaa la sheegay in uu isaga tagay ku-xigeenadiisa isla markaana uu kaxaystay xoghayaha guud ee Golaha wakiiladda.

Dhanka Kale Waxa soo shaac baxay in khilaafka golaha sida uu ciro ku dooday uu arrintaas wado Madaxweyne Siilaanyo, taasna waxa marag ma doon u ah waxa waftiga Madaxweyne siilaanyo la socda Guddomiye kuxigeenka Baashe Maxamed Faarax kaasoo la sheegayo in madaxweyne Siilaanyo u ololaynayo in uu ku Bedelo Cirro.


Kilalka Shanaad oo Siilaanyo iyo Farroole Meel Wada Dajiyey.

Jig-jiga(Waaheen) Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya oo xuska qoomiyadaha itoobiya ku martiqaaday Maamul goboleedyada Somaliya ayaa Madaxweyne Siilaanyo Maanta Dajisay Hotelka uu degen yahay Faroole, halka wasiirada la socday geeyeyn Hotelo kale.

Madaxweyne Siillanayo ayaa kulamo kala duwan la yeedhay Af-hayeenka Barlamaanka Kililka Shanaad iyo Madax Sar sarre oo kale kuwaasi oo ku booqday Hoteelka uu degen yahay.

Hase yeeshe lama oga arrimaha ay ka wada hadlee.

Dhinca kale madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa ka qabygalaya xaflad balaadhan oo casho sharaf ah, taasi oo ay ka qayb galayaan dhammaan madaxda lagu soo casuumay Xuska Qoomiyadaha oo si weyn loogu xusayo Jig-jiga Taariikhda markii ugu Horeysay .

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta markii uu gaadhay Jig-jiga kormeer ku maray goobta xaflada Qoomiyadaha lagu qabanayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured