Agaasimahii Musuq Maasuqaystaha Ahaa Ee Telefishanka Qarranka Laga Joojiyey Khadar Cali Gaas Oo Ay Wehelinayso Gabadh La Yidhaahdo Salma Sheekh Oo Madaxweyne Siilaanyo Adeer U Yahay Kana Timid Dalka Ingiriiska Oo Lacago Kaash Ah Ugu Qaybinaayey Maanta Shaqaalaha Telefishanka Si Ay Mawqifkoodii Uga Dabcaan Iyo Maareeye Ku Xigeenka Oo Loo Xil Saaray Hawshaasi

0
Friday December 06, 2013 - 11:00:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimahii Musuq Maasuqaystaha Ahaa Ee Telefishanka Qarranka Laga Joojiyey Khadar Cali Gaas Oo Ay Wehelinayso Gabadh La Yidhaahdo Salma Sheekh Oo Madaxweyne Siilaanyo Adeer U Yahay Kana Timid Dalka Ingiriiska Oo Lacago Kaash Ah Ugu Qaybinaayey Maanta Shaqaalaha Telefishanka Si Ay Mawqifkoodii Uga Dabcaan Iyo Maareeye Ku Xigeenka Oo Loo Xil Saaray Hawshaasi

    Hargeysa (Xogreebnews)—Fadeexadaha musuqmaasuq ee maareeyaha shaqada laga joojiyey ee televisionka qaranka Khadar Cali Gaas ayaa ah weli kuwo halkii ka sii socda kuwaas oo marba marka ka danbaysa iska soo daba dhacaya,waxaanay wararkii ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews)—Fadeexadaha musuqmaasuq ee maareeyaha shaqada laga joojiyey ee televisionka qaranka Khadar Cali Gaas ayaa ah weli kuwo halkii ka sii socda kuwaas oo marba marka ka danbaysa iska soo daba dhacaya,waxaanay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in maareeyihii hore ee televisionka qaranka ee shaqada laga joojiyay uu ilaa waaberigii hore ee saaka ka waday

Hargeysa (Xogreebnews)—Fadeexadaha musuqmaasuq ee maareeyaha shaqada laga joojiyey ee televisionka qaranka Khadar Cali Gaas ayaa ah weli kuwo halkii ka sii socda kuwaas oo marba marka ka danbaysa iska soo daba dhacaya,waxaanay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in maareeyihii hore ee televisionka qaranka ee shaqada laga joojiyay uu ilaa waaberigii hore ee saaka ka waday xarrunta wasaaradda warfaafinta hawlgallo lacag dollar ah loogu qaybinayo shaqaalaha wasaaradda , taasoo uu u soo wakiishay maareeye xigeenka tvga qaranka, waxaana la arkaayey isaga iyo gabadh la sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo adeer u yahay oo la yidhaahdo Salma Sheekh kana timid dalka ingiriiska oo lacagahaasi shaqaalaha telefishanka ugu qaybinaayey goob aan xarunta wasaaradda ka fogayn.

Bidix Agaasimaha Musuq Maasuqaystaha Ah Ee Shaqada Laga Joojiyey Khadar Cali Gaas Iyo Midig Gabadh Aan Xil Ka Hayn Xukuumadda Balse Qoyska Madaxtooyada Ka Mid Ah Oo Maanta Lacago Dollar Ah Laaluush Ahaan Ugu Qaybinaayey Shaqaalaha Telefishanka Si Loo Soo Celiyo Khadar Cali Gaas

Ololahan lacagta loogu qaybinayo shaqaalaha, isla markaana uu daaha dabadiisa ka maamulayo maareeyihii shaqada laga joojiyay ,oo qofkiiba lagu siinayay 30 dollar ilaa inta u dhaxaysa 20 dollar,ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga soo horjeesan lahaa taloobooyinka lagu eedaynayo maareeyaha ee fadeexadaha musuqa ,iyo dibu habaynta mushaharka shaqaalaha iyo hanta dhawrka ,

Ololahaas ayaa wararka kazoo baxayaa sheegayaan in badiba shaqaaluhu ka hor yimaadeen,halka badh kamida shaqaaluhuna ka qaateen lacagtaasi ,iyagoo ku tilmaamay inay tahay marka horeba ahayd lacagtani xaqoogii ay lahaayen ee dulmiga kaga maqnaa islamarkaana uu ummadda iyo shaqaalaha maaakiinta ah ka boobay.

Hantida lacageed ee ilaa haatan sida rasmiga ah loo hayo ee uu ka dhacay khaddar cali gaas ayaa sii cagacagaynaysa $1,200,000 ,34 dollar,[hal milyan iyo laba boqol oo kun iyo afar iyo soddon dolar.

Balse baadhitaanka natiijada rasmiga ah ayaa ah mid weli laga dhursugayo inta ay si kama danbays ah usoo dhamaanayso..

source halbeegnews

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured