Saxaafadaay Carr juuq dheh,Xisbiyada mucaaridkoow carr ka baxa hargeysa. Saxaafadaay Carr juuq dheh,Xisbiyada mucaaridkoow carr ka baxa hargeysa.

0
Thursday December 05, 2013 - 21:37:57 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafadaay Carr juuq dheh,Xisbiyada mucaaridkoow carr ka baxa hargeysa. Saxaafadaay Carr juuq dheh,Xisbiyada mucaaridkoow carr ka baxa hargeysa.

    Marka hore waxa aan cambaaraynayaa falalka waxashnimada ah ay xukuumada Axmed-siiraanyo kula kacday saxaafada madaxabanaan iyo xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID.Waxa aan ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dayso weriyayaasha xabisiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxa aan cambaaraynayaa falalka waxashnimada ah ay xukuumada Axmed-siiraanyo kula kacday saxaafada madaxabanaan iyo xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID.Waxa aan ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dayso weriyayaasha xabisiga xaqdarada ah lagula kacay.Waa inay ka jawaabtaa sharci darrada ay xukuumadu kaga horjoogsatay xisbiga ucid inuu booqdo gobolka gabiley. Saxaafadaay Carr juuq dheh,Xisbiyada mucaaridkoow carr ka baxa hargeysa.
Saxaafadaay Carr juuq dheh,Xisbiyada mucaaridkoow carr ka baxa hargeysa.

Marka hore waxa aan cambaaraynayaa falalka waxashnimada ah ay xukuumada Axmed-siiraanyo kula kacday saxaafada madaxabanaan iyo xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID.Waxa aan ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dayso weriyayaasha xabisiga xaqdarada ah lagula kacay.Waa inay ka jawaabtaa sharci darrada ay xukuumadu kaga horjoogsatay xisbiga ucid inuu booqdo gobolka gabiley.

Kulmiyoow faduushaada..faras xamar u raacaaga fadaraal u socodkaaga..hadana faanka kaambaynku…alla kala fogaa kulmiye iyo bulshadu.
Saxaafadaay car juuq dheh! Madaxweyne Axmed-siiraanyo waa ninkii dalku ka fadhiyi waayay sanadahii uu hogaaminayay xisbiga kulmiye ee ku mucaaridka ahaa dawladii Riyaale.Waa gudoomiyahii mudaharaadka dhiigu ku daatay u sameeyay saxaafada madaxabanaan,waa gudoomiyahii ay u hiilisay saxaafadu,maantana waad aragtaan shacabyaw halka uu la marayo saxaafadii,kii sawir qaada kii wax ka qora inuu god madaw ku xidhaayo.
Xaqdarada iyo ku tumashada xoriyatal qawlka waa kaa marinaaya carr juuq dheh.Xukuumada Siiraanyo waxay gaadhay xaqdaradii abid lagu sameeyo saxaafada madaxabanaan,waxay gaadhay ugaadhsi dil ay la beegsato saxaafada iyo hal-doorka dalka.Tusaale:
1.Gacan ku dhiiglihii ka tirsanaa ciidanka qaranka ee saqda dhexe hujuumay xarunta wargeyska Hubaal ayay maxkamada ciidanku dhuumasho ku sii daysay ayadoon sharciga la hor gayn.
2.Raggii toos dilka ula badheedhay Muj.Maxamed kaahin oo aan ilaa maanta sharciga la hor keenin.Lana ogyahay halka ay ku suganyihiin.
3.Ninkii dilka badheedhka ah kula kacay Xildhibaan Qabile ee rasaasta ilaahy seejiyay oo aan tan iyo maanta sharciga la hor keenin.
Shacabyaw aamusani falalkaa dilka lagula beegsaday muwaadiniyiinta waxa aan odhan karaa inay ka danbaysay xukuumada Madaxweyne Axmed-siiraanyo.
Shacabyaw hurdaa maanta waxay xukuumada Axmed-siiraanyo maraysaa inay tidhaa xisbiyada mucaaridkii uma gudbi karaan gobolada dalka,waxaanay tidhi (2da xisbi mucaarid hargeysa ma dhaafi karaan).Maxaa hadhay ee aynu ka filaynaa xukuumada Axmed-siiraanyo.
Shacabyaw aamusani talaabooyinkan ay ku kacday xukuumada Axmed-siiraanyo waxay iftiiminayaan inuu raacay talaabooyinkii aad ka dagaalanteen ee mucangagnimadii dawladii Afweyne,isla markaana waxa ay hor-dhac u yihiin midnimada Xamar ee uu Madaxweyne Axmed-siiraanyo innagu qasbaayo,doonayana inuu si madaw maalinba qayb u saxeexo,sida qunsuliyada turkiga ee hargeysa loo ogolaaday,sida hawada oo la hoos geeyay Somaliya,sida wasaarada waxbarashada ee la hoos geeyay Somaliya.Ma dhow-dhowa idinkuna shacabyaw waxaad ku jirtaan khuuro dheer!
Kulmiye Somaliweyn isku keen ayuu kaambayn ugu jiraa..ka dhigtay astaantiisa..ka yidhi carabkiisa..mabda’ana ka yahay..karaamada xornimo ee kobocday buu kuu diidanyoow..kadeedkii iyo dhibtii aan ka soo gudubnay nala daba socdaa.
Shacabyaw aamusani,ma waxaad sugaysaan waxaad ka dagaalanteen ee aad dhiiga u shubteen inaad mar labaad taariikhdu u soo noqoto!
Waxaan fariin u dirayaa Madaxweyne Axmed-siiraayo iyo xukuumadiisa murdiso,waxaanan leeyahay xaq ayaa 2da xisbi qaran u leeyihiin inay qabtaan Dood qaran,lagana laaban maayo,cida leh hargeysa laguma qaban karo habeen may jirin.Waxan xukuumada uga digaya qaska iyo kicinta ay dalka ka wado inay faraha ka qaado.Waxa kale oo aan digniin u dirayaa innamada yar-yar(Bashe,Kulmiye Axmed-Siiraayo iyo Xirsi) ee lagu kibriyay gurigii Morgan maantana la yidhaa Madaxtooyada hadaydaan caga dhigan casar ayaydun ka caraabi hargeysa mar hadii aan lagu dhaqmeen dastuurkii,mar hadaad jiidheen sharciyadii dalka u yaalay.Waa ogaydeen halkuu maray xooggii Afweyne.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured