Kalafadhigii Shanaad Ee G.Deegaanka Dagamada Berbera Oo Ku Bilaabmay khilaaf Ka Dib Markii Kalafadhigii Isku Badalay Shir-jaraa’id Iyo Xildhibaano Ka Biyo Diidey Marin Habaabinta Kalafadhiga–

0
Thursday December 05, 2013 - 21:37:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalafadhigii Shanaad Ee G.Deegaanka Dagamada Berbera Oo Ku Bilaabmay khilaaf Ka Dib Markii Kalafadhigii Isku Badalay Shir-jaraa’id Iyo Xildhibaano Ka Biyo Diidey Marin Habaabinta Kalafadhiga–

    Berbera(Xogreebnews)-Waxaa Maanta La Filaayay Inuu Si Rasmi Ah U Bilaabmo Kalafadhigii Shanaad Ee Golaha Deegaanka Dagmadda Berbera Ka Dib Markii Uu Dib U Dhac Badan Ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(Xogreebnews)-Waxaa Maanta La Filaayay Inuu Si Rasmi Ah U Bilaabmo Kalafadhigii Shanaad Ee Golaha Deegaanka Dagmadda Berbera Ka Dib Markii Uu Dib U Dhac Badan Ku Berbera(Xogreebnews)-Waxaa Maanta La Filaayay Inuu Si Rasmi Ah U Bilaabmo Kalafadhigii Shanaad
Ee Golaha Deegaanka Dagmadda Berbera Ka Dib Markii Uu Dib U Dhac Badan Ku
Yimid ,
Wuxuu Kalafadhigani Ku Bilaabmay Khilaaf Ka Dib Markuu Gudoomiyaha Golaha
Deegaanka Dagmadda Berbera Mudane Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin Uu
Majara-habaabiyay Ujeedadii Kala-fadhiga Ka Dib Markuu Kalafadhigii U
Baddalay Shir-jaraa’id , Waxaa Kalafadhiga Lagu Soo Casuumay Qaar Ka

Tirsan Saxaafadda . Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Dagamada Berbera Mr.Cidin
Ka Dib Markii Uu Makrafoonka Qabsaday Ee Kamaradihiina Soo Diyaar
Garoobeen Ayuu Bilaabay Haddaladiisaa , Hab-dhaqankaas Cusub Ee uu La Soo
Baxay Maayirku Waxaa Ka Biyo Diidey Xildhibaanada Kalafadhiga Fadhiyay
Taas Oo Buuq Iyo Sawaxan Iyo Murax Hadheeyo Goobtii , Taas Oo Maayirku
Doonay Inuu Awood Ku Socodsiiyo Shirkiisa Jaraa’id Xoghayahuna Bilaabay
Qaybinta Waraaqo Ay Hore U Soo Diyaarsadeen . Ka Dib Dood Dheer Oo Ay
Xildhibaanadaasi La Galeen Maairka Wuxuu Dhaliyay Buuq Ka Dib Markii Ay
Xildhibaanadu Ku Doodeen Waar Ajanadaha Kala Fadhiga Keen , Xisaab Xidhkii
Miisanaiyadii SANADKAN , Wax-qabadkii Iyo Mashaariicdii Sanadkan Aynu
Qabanay Taas Oo Gudoomiyahu Ka Biyo Diiday Kuna Jawaabay Muran Iyo
Cabudhin , taas oo sababtay inay Xildhibaanadu Dibada Uga Soo Baxaan .
Ka Dib Xildhibaanadii Ka Soo Baxay Kalafadhigan lamaran-habaabiyay Ayaa
Xafiiskooda Ku Qabtay Shir Jaraa’id
Xildhibaan Maxamed CALI XAAJI AXMED IYO XILDHIBAAN MUUSE DAA’UUD CILMI
AYAA Xafiiskooda ku Qabtay Shir Jaraa’id
Xildhibaanadu Waxay Sheegeen in Dayn Aad U Fara-badan Lagu Leeyahay
Dawlada Hoose Taas Oo Ay Sheegeen In Malyuun iyo Badh Dollar ( 1.5m $ )
Oo Dayn Ah Lagu Leeyahay Dawlada Hoose Tan Iyo Intii Uu Maayirka Ahaa
Mudane Ciddin , Waxaa Kale Oo Ay Xildhibaanadu Ka Dhawaajiyeen Inuu Uu
Maayirku Jabiyay Xeerkii Iyo Dastuurkii Iyo Isaga oo Walaaqay Shaqaalihii
Dawlada Hoose .
Ugu Danbayntii Xildhibaanadu Waxay Baaq U Direen Madaxwaynaha Iyo Wasiiru
Daakhiliga , Waxaa Kale Oo Ay Sheegeen Haddii Aan Laga Soo Gaadhin In
Berbera Ay Ka Dhici Doonaan Gadood Shacbi Iyo Kacdoon .





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured