Macalin L'aanta ka jirta Dugsiyada sare ee Gobolka Saaxil iyo cabashooyinka iyo muda-haraadyada isa soo taraaya ee ardeyda fasalada 4aad ee Berbera.

0
Thursday December 05, 2013 - 21:32:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin L'aanta ka jirta Dugsiyada sare ee Gobolka Saaxil iyo cabashooyinka iyo muda-haraadyada isa soo taraaya ee ardeyda fasalada 4aad ee Berbera.

    London(Xogreebnews)-Xaq-darada ka jirta gobolka Saaxil iyo baahiyaha waxbarasho ee is-barkan ee ka taagan guud ahaan gobolada bariga Somaliland. bal-aynu is-yara dul-taagno Gobolka Saaxil . Gobolka Saaxil oo ah Gobolka ugu dhaqaalaha badan S/land, G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(Xogreebnews)-Xaq-darada ka jirta gobolka Saaxil iyo baahiyaha waxbarasho ee is-barkan ee ka taagan guud ahaan gobolada bariga Somaliland. bal-aynu is-yara dul-taagno Gobolka Saaxil . Gobolka Saaxil oo ah Gobolka ugu dhaqaalaha badan S/land, Gobolka canqariya ee Mas-ruufa Xukuumada S/land, Waxaa marag-madoonto ah in gobolkan London(Xogreebnews)-Xaq-darada ka jirta gobolka Saaxil iyo baahiyaha waxbarasho ee is-barkan ee ka taagan guud ahaan gobolada bariga Somaliland. bal-aynu is-yara dul-taagno Gobolka Saaxil . Gobolka Saaxil oo ah Gobolka ugu dhaqaalaha badan S/land, Gobolka canqariya ee Mas-ruufa Xukuumada S/land, Waxaa marag-madoonto ah in gobolkan lagu xukumo waxa loo aqaan " special degree " maa-daama gobolka ay ka eexdeen xeerarkii dawliga ahaa,sida xeerka kala xadeynta ganacsiyo iyo qaar kale oo badan. Waxa ay xukuumadani ay dheg-jalaq u-siinweydey baahiyaha is-barkan ee kajira waxbarashada gobolkaa oo ah hada Gobolka ugu tayada xun xaga waxbarasha guud ee gobolada Somaliland ,Maadaama uu yahay gobolkii ay Wasaarada waxbarashadu ku soo saartey grade-ka loo yaqaan D-da barakeysan oo ay u-sii qeybisey D- iyo D+ markii ardeydii gobolku ay wax D-grade ka sareeyaba ay keeni waayeen sanadihii la soo dhaafey. Gobolkani waa gobolka ugu cimilada kulul S/land, taas oo ay macalimiintiisu qabaan baahi-dheeraad ah oo cimiladu keentey xaqna-u-lahaayeen in nolosha laga kabo oo ay guno joogto ah ka helaan xukuumada laakiin ay macalimiintii ku-hungoobeen xukuumadii iyo wasaaradeedii waxbarashada ee xilkaasi saar-naa.


Gobolka Saaxil oo ah Gobol balaadhan oo ka kooban 7 degmo iyo 100 tuulo waxaa ku yaala 4 dugsi sare oo keliya halka ay Somaliland guud ahaan ay ku yaalaan 80-Dugsi oo sare oo ah kuwa dawladu gacanta ku hayso. Taasina waxay cid-walba oo leh maskax caafimaad qabta ay u-xaqiijineysaa oo u-cadeyneysaa xaq-darada gobolkaa Saaxil waxbarashadiisa ka jirta,maa-maada uu noqdey gobolka ugu dugsiyo yar 6-da gobol ee JSL, gaar ahaan kuwa sare. Gobolkani isaga oo horeba u-xaqirnaa hadana xukuumada Siilaanyo kamuu helin xaqii uu kaga lahaa 166 iskuul ee dawladu ay sheegatey in ay dhab-dhabtey ama dhisteyba sadexdii sanadood iyo badhkii ay doobineysey ee ay dhibi-shaxleyneysey, Waxaana ay Gobolkan Xukuumadu Dhagax dhi gtey dhowr school oo aaney ilaa hada waxba ka soo naaso cadeyn oo noqonayaa "Qawda maqashii waxna haw-qaban".Nasiin daro gobolkii Saaxil wuxuu noqdey gobolka sanadkasta ugu tayada waxbarasho xun, Gobolka ugu dhacniinka badan hadii ay noqoto dugsi sare iyo mid dhexeba.Imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkana wuxuu noqdey gobolada ugu Grade hooseeya ee ugu liita marka la isku cel-celiyo Grade-kii ay ardeydu kala heleen sanadkan iyo kii ka horeeyeyba .Arintani waxay Bar-madow iyo Weji-gabax ku tahay Xukuumada iyo Wasaaradeeda wax-barashada ee arintan masuulka uga ah ee Dekeda gunadii macalimiinta ka soo dhameyn-weydey.

Nasiib-daro, waxaa Gobolka Saaxil uu ku hungoobey oo uu macalimiin waafi ah ka waayey 3232 Macalin ee ay xukuumada Siilaanyo kaga hugmeysey ee kaga hadaa-qeysey war-baahinta la iska arko iyo ta la iska maqlaba.Wuxuu gobolku ku hun-goobeen 449 ardey ee helay waxbarashadii scholarship-ka aheyd ee sanadkan debeda loo qaadey maa-daama aaney keenin ardeydii grade-kii lagu xidhey. Waxay seegeen ardeydii gobolku oo ku -hun-goobeen 448 ardey ee boosaska waxbarsho ka helay 17-ka Jamaacadood ee wadanka Somaliland ku yaala.

Fadeexada qaawan iyo maa-mul-xumada wasaarada waxbarashada ee gobolka, Macalin-la'aanta , guno-la'aanta, agab-waxbarasho la'aanta ay ma-suulayadeedii wasaarada waxbarshadu ka soo bixi weydey, ayaa waxay dhawaan keentey in markii xiisadahii ardeydii dugsiyada sare ee Berbera loo soo geli waayey ee mudo lagu maa-weelinaayey in shaqsiyaad aan aqoon dhaanta laheyn lagu khasbey in ay ardeyda xiisadaha u-buuxiyaan ayaa waxay keentey in ardeydii dul-qaadkii ka dhamaado oo ay bilaabaan mudaaharaad iyo banaan-baxyo is-daba joog ah maalin kasta labadii isbuuc ( week) ee la soo dhaafeya, banaan -bax-yadaa oo saba-bey khasaare soo gaadhey goobo ganacsi.

Waxaanu xukuumada u-soo jeedineynaa in macalimiinta la guneeyo oo la wada geeyo 4-ta dugsi sare ee gobolka gaar ahaan labada dugsi ee Berbera.waxaanu leenahay xukuumada wadankeenu wuxuu u-baahan yahay maanta in u-badka lagu baraa-rujiyo wadaniyad oo manhajka loo gu soo kordhiyo xiisado fikirka tahriibta ah ee ardeyda ka guuxaaya laga-ga masaxo oo loogu bedelo wadaniyad iyo dal-jaceyl.

Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/fidhinle
Intensive BD ED PA
United Kingdom
London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured