Munaasibad Lagu Soo Beegay Sanad Guurada Koowaad Ee Ka Soo Wareegtay Xasuuqii Ay Xukuumadu U Gaysatay Taageerayaashii Xaqsoor Oo Maanta Loo Qabtay Xubno Aan Heshiis Cad La Galin Xukuumada/Xisbigeeda Oo Sheegay Inay Ku Biireen Kulmiye iyo Buuq iyo Qaylo Ka Dhalatay Xafladaasi.

0
Thursday December 05, 2013 - 21:26:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Lagu Soo Beegay Sanad Guurada Koowaad Ee Ka Soo Wareegtay Xasuuqii Ay Xukuumadu U Gaysatay Taageerayaashii Xaqsoor Oo Maanta Loo Qabtay Xubno Aan Heshiis Cad La Galin Xukuumada/Xisbigeeda Oo Sheegay Inay Ku Biireen Kulmiye iyo Buuq iyo Qaylo Ka Dhalatay Xafladaasi.

    Hargeysa(Xogreebnews):-masuuliyin ka mid ah xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta munaasibad aan dhaafsiinayn soo dhawayn u sameeyey xubno ka mid ah ururka Xaqsoor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews):-masuuliyin ka mid ah xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta munaasibad aan dhaafsiinayn soo dhawayn u sameeyey xubno ka mid ah ururka Xaqsoor.

Hargeysa(Xogreebnews):-masuuliyin ka mid ah xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta munaasibad aan dhaafsiinayn soo dhawayn u sameeyey xubno ka mid ah ururka Xaqsoor.



Munaasibada soo dhawaynta ah ee lagu qaabilay xubnaha ka midka ah ururka Xaqsoor oo lagu soo beegay sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay xasuuqii ay xukuumadu u gaysatay taageerayaasha ururka Xaqsoor oo ku began 06/12/2013 ayaa ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb



galay xubno ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaas Maxamed Kaahin Axmed, gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Shabeel, xoghayaha guud ee xisbigaasi Xasan Siciid Yuusuf iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada.

Munaasibadan oo ahayd mid aan dhaafsiinayn soo dhawayn loo sameeyey xubno ka mid ah ururka Xaqsoor ayaa waxay ka marag kacaysaa sida aanu u jirin heshiis cad oo dhex maray xubnahan oo ka mid ahaa aas aasayaashii ururka Xaqsoor iyo xisbiga ay xukuumadiisa ka tirsanayeen cadaala darada balaadhan ee Kulmiye.

Munaasibada maanta lagu soo dhaweyey xubnahan ka mid ahaa ururka Xaqsoor ayaan lagu soo bandhigin heshiis cad oo kala qeexaya waxyaalaha ay labada dhinac ku heshiiyeen marka laga reebo inay ku dhawaaqeen inay isku mid yihiin ururka Xaqsoor iyo xisbiga Kulmiye.


Xubnahan ka mid ahaa ururka Xaqsoor ayaan gabi ahaanba munaasibadan ku soo hadal qaadin waxyaalaha ay ka tabanayeen xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa oo ay ugu horayso cadaalo daro balaadhan oo ay kula kaceen doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka dhacday, iyo dhibaato balaadhan oo dhimasho gaadhay taas oo ay xukuumadu kaga jawaabtay mudaharaad ay sameeyeen taageerayaasha ururka Xaqsoor kuwaas oo ka dhacay gobolada Salal, Maroodi Jeex iyo meelo ka mid ah gobolada bariga Somaliland.

Munaasibadan maanta lagu soo dhaweeyey xubnaha ka midka ah ururka Xaqsoor ayaan ka duwanayn mid hore uga dhacday magaalada Hargeysa taas oo xisbiga Kulmiye u sameeyey xubno ka mid ah musharixiintii ururka Xaqsoor ee gobolada dalka taas oo xisbiga Kulmiye kaga baxay guud ahaanba balan qaadadii uu u sameeyey isla markaana ay waxba ka fulin qodobadii sababay inay ku biiraan xisbiga Kulmiye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured