Jaaliyadda Reer Somaliland ee Toronto oo si weyn u cambaareynaysa,is hortaagii safarkii madaxda Ucid ee gabiley.–

0
Thursday December 05, 2013 - 21:24:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Reer Somaliland ee Toronto oo si weyn u cambaareynaysa,is hortaagii safarkii madaxda Ucid ee gabiley.–

    Toronto(Xogreebnews)-Waxaan idinku wada salaamay salaanta islaamka dhammaantiin,yar iyo weynba.anigoo markale ku hadlaya magaca dhammaan waxgaradka,culimada,aqoonyahanada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toronto(Xogreebnews)-Waxaan idinku wada salaamay salaanta islaamka dhammaantiin,yar iyo weynba.anigoo markale ku hadlaya magaca dhammaan waxgaradka,culimada,aqoonyahanada, Jaaliyadda Reer Somaliland ee Toronto oo si weyn u cambaareynaysa,is hortaagii safarkii madaxda Ucid ee gabiley.–

Toronto(Xogreebnews)-Waxaan idinku wada salaamay salaanta islaamka dhammaantiin,yar iyo weynba.anigoo markale ku hadlaya magaca dhammaan waxgaradka,culimada,aqoonyahanada,
waalid iyo walaalba,dhallinyarada,iyo inta xaqqa u hiilisa ee reer Somaliland,ee ku
dhaqan magaaladan Toronto.waxaanu si buuxda oo wadajir ah cambaareyn weyn

dusha uga tuureynaa,casaabada yar ee xaaraanta ku qabsaday dalkii hooyo.

waxaanu si cad oo aan gabasho lahayn halkan uga cambaareynaynaa,falkii waxashnimo
ee lagula kacay madaxdii sharafta lahayd ee xisbiga ucid ee lagaga horjoogsaday inay
safar shaqo ku tagaan gabilay.waxaanu leenahay fal;kaasi wuxuu inna soo xusuusinayaa
ficiladii xumaa ee ay faqashtii sameyn jirtay.waa ayaandaro weyn oo ku habsatay dalkii
iyo dadkii reer Somaliland,waa wixii laga soo dagaalamay ee loo huray naf iyo maal.
waxaa wax laga xumaado ah in markii hore dadka loo diiday inay hadlaan,ama ay
rayigooda dhiibtaan,saxaafaddiina afka la qabto,maantana ay marayso in la yidhaa
dadkii dalkan u dhashay meeshaa ma tegi kartaan.

waxaan shaki ku jirin in siilaanyo uu khal-khalay oo uu hadda da' yahay,dalkanna ay
ka taliyaan islaanta iyo xirsi sablaale oo ay ku adeegato,waana halis weyn oo soo korodhay.
iyadoo ay Somaliland awalba iska nasiib darrayd weligeed,ayey haddana maanta daaqaysaa
halkii ugu xumeyd.waxay gaadhay in lagu yidhaa warqad dhaq-dhaqaaq ka soo qaado ina
waran cadde oo N.S.S. tii faqashta sarkaal sare ka ahaa.waa ayaandarro weyn inuu dalkii
u gacan galay kuwii laga xoreeyey iyo wixii ka hadhay,iyo kuwo dhuuni raacyo ah oo lagu
shaqeysto.dalkan waxaa ka taliya islaantaa kala kaal la yidhaa iyo xirsi sablaale iyo koox
aad u yar oo ay ku adeegtaan markay doonaan.odeygii la doorat maalintii la doortay
hurdadii iyo koomadii uu galay ayuu weli ku jiraa,oo sidii afweyne barre ayuu shil galay.

waxaanu markale si buuxda oo wadajir ah halkan uga cambaareynaynaa,ficilkaa xun ee
waxshinimada ah ee lagula kacay madaxdaa ucid ee lagaga hor joogsaday safarkoodii
gabiley.waxaanu leenahay siyaad barre oo Afrika ugu quwad weynaa ayaanu ka yeeli
weynay cabudhis iyo caga juglayn toona,ee ma siilaanyo iyo islaanta kala kaan,iuyo
xirsi sablaale ayaanu maanta ka yeelaa,jawaabtu waa maya.waxaa hubaal ah haddii
aan si dhakhso ah raali gelin looga bixin ficilkaa xun,oo aan sharciga la hor keenin
ciddii waxaa dhacay ka dambeysay,in dhengad,shiid,xabbad,iyo laad lagaga soo
saari doono tuugtaa is urursatay meeshaa ay ku gabanayaan.

odeygana waxaanu leenahay jaalle siilaanyo waad fashilantay,waanad gabtay wixii
laguu doortay,waanad la habowday hoggaankii dalka,ee waa inaad sida ugu dhakhso
badan aad isu casishaa,xilakana aad ku wareejisaa xisbiyada mucaaridka ah.
islaanta kala kaanna waxaanu leenahay,dalkan iyo dadkan intii aad hagardaamayn
kartay waad hagardaamaysay.wixii aad lacag urursan kartayna waad urursatay,ee
waa inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu noqotaa meeshii aad ka timid ee aad
qaxootiga ku ahayd,inta aan meesha laguugu iman.

Allaa mahadle.
abusharaf96@hotmail.com
Toronto,canada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured