Mujaahid Cali gurey ayaa si Kulul U Naqdiyey Cadaalad Darada Xukuumada Siilaanyo Dalka Ka Wado.

0
Wednesday December 04, 2013 - 17:31:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Cali gurey ayaa si Kulul U Naqdiyey Cadaalad Darada Xukuumada Siilaanyo Dalka Ka Wado.

    Hargeysa(Xogreebnews)-Fadeexdii HUBAAL iyo garsoorkii la wada dhawrayay waxay ku soo biyo shubatay in aan wax dembi ah oo dhacay jirin wixii dhacay na aanu wax ka soo qaad lahayn. Ninkii askariga ahaa ee arinta u xidhnaa wuxu noqday nin lagu gefay oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Fadeexdii HUBAAL iyo garsoorkii la wada dhawrayay waxay ku soo biyo shubatay in aan wax dembi ah oo dhacay jirin wixii dhacay na aanu wax ka soo qaad lahayn. Ninkii askariga ahaa ee arinta u xidhnaa wuxu noqday nin lagu gefay oo muddo todoba bilood ah ku xidhnaa cadaalad darro. Isku daygii dilkii xildhibaan Qabille laftiisu wuxu
Hargeysa(Xogreebnews)-Fadeexdii HUBAAL iyo garsoorkii la wada dhawrayay waxay ku soo biyo shubatay in aan wax dembi ah oo dhacay jirin wixii dhacay na aanu wax ka soo qaad lahayn. Ninkii askariga ahaa ee arinta u xidhnaa wuxu noqday nin lagu gefay oo muddo todoba bilood ah ku xidhnaa cadaalad darro. Isku daygii dilkii xildhibaan Qabille laftiisu wuxu hayaa wadadii la mariyay HUBAAL iyo ugu dambaysta dadka u xidhani ay noqdaan kuwo lagu gefey sidaa na lagu sii daayo. Weerarkii hubaysnaa ee hadhka cad Muj. Maxamed Kaahin loola badheedhay waxa u qoolan Xaashi Muuse oo ah nin waayeel ah oon looga baran fudayd iyo gacan ka hadal midna ee loo wada qirsan yahay inu nin nabadeed yahay, hadana u xidhan dembi ah isku day dil. Sedexdan dhacdo oo taariikhda Somaliland aan hore u soo marin xukuumaddu waxa muuqata inay u aragto” waa iska caadi” iyada oo inta ku lug leh iyo kuwa loo tirinayo inay ka dambeeyeen ay dhamaantood dhinaca xukuumadda iyo xisbigeeda uun ka soo wada jeedaan. Tani waxay marag cad u noqon kartaa in ay jiraan dad maamulka xukuumadda ka tirsan oo iyagu muraad ay ka leeyihiin ba ku hawlan wiiqista nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.


Dunida dimuqraadiyadda waxa la yidhaa” dimuqraadiyadi ma jirto hadii aanu jirin mucaarid firfircooni. Macaarid firfircooni na ma jiri karo hadii aanay jirin saxaafad xor ah oo madaxbanaani”, arintan lafteeda waynu og nahay halka ay xukuumaddu ka taagan tahay iyo dagaalka joogtada ah ee ku socda xisbiyada mucaaridka ah iyo in dalka ay ka hanaqaadi karto saxaafad xor ah oo madaxbanaani. Taas oo ay wadaan shakhsiyaadka ugu mudan xukuumadda ee kalsoonida buuxda uu ku qabo madaxwayne Axmed Silanyo, kuwaas oo marar badan si toos ah iyo si dadban ba u adeegsada awoodaha dastuuriga ah ee madaxwaynaha ahna kuwa keliya ee wax u sheega madaxwaynaha wax walba na uu ka rumaysto kuna raaco.Marka ay xaqiiqada hortaal shacbiga Somaliland ay tan tahay ee cidda nabadgelyo darada abuuraysa ay maamulka xukuumadda laftiisa ka mid tahay ama adeegsanayso. Mar cadawga koobaad ee geedisocdka dimuqradiyadayntu uu hadana isla maamulkii dawliga ahaa yahay ee hadana cabudhinta saxaafadda iyo baabi’inta madaxbanaani deedu u dheertahay waxa adag oo yaab leh sida la isugu halayn karo tisqaadka dawladnimo ee Somaliland hadii xaalku sidan sii ahaado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured