Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Xukuumaddu Ka Horjoogsatay Gobolka Gabiley Inay Tagaan DAAWO SAWIRADAN.

0
Wednesday December 04, 2013 - 16:54:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Xukuumaddu Ka Horjoogsatay Gobolka Gabiley Inay Tagaan DAAWO SAWIRADAN.

    Hargeysa(Xogreebnews)-Saraakiisha ciidanka hogaaminayey ayaa diiday inay wax faahfaahina ka bixiyaan sababta ay u horjoogsadeen Weftiga Xisbiga UCID "Lug kuma geli kartaan, baabuurtiinana kuma mari kartaan, amar naga sareeya weeyaan ee iska noqd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Saraakiisha ciidanka hogaaminayey ayaa diiday inay wax faahfaahina ka bixiyaan sababta ay u horjoogsadeen Weftiga Xisbiga UCID "Lug kuma geli kartaan, baabuurtiinana kuma mari kartaan, amar naga sareeya weeyaan ee iska noqda"





Hargeysa(Xogreebnews) Wefti uu hogaaminayo murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta loo diiday inay tagaan Gobolka Gabilay.

Weftiga Xisbiga UCID oo saaka aroornimadii hore ka baxay magaalada Hargeysa ayaa lagu horjoogsaday KantaroolkaCaabudla oo hoostaga maamulka Gabilay.

Saraakiisha ciidanka hogaaminayey ayaa diiday inay wax faahfaahina ka bixiyaan sababta ay u horjoogsadeen Weftiga Xisbiga UCID "Lug kuma geli kartaan, baabuurtiinana kuma mari kartaan, amar naga sareeya



weeyaan ee iska noqda"Sidaa waxa yidhi mid ka mida Ciidanka booliska ee halkaasi ku sugnaa.


"Jiidha aKantaroolka ha ina toogtaane,"Sidaa waxa yidhi mid ka mida taageerayaasha Xisbiga UCID oo ka cadheysnaa talaabadan la isku hortaagay, hasayeeshe Murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID ayaa diiday arrintaas.

Weftiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga UCID Faadumo Siciid, guddoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Sabce, Xildhibaano iyo Saraakiil sar sare oo Xisbiga UCID ka mid ah, waxaanay goobtaasi ku sugnaayeen 9:30 Subaxnimo ilaa 12:30 duhurnimo, kadibna waxay isaga soo noqdeen Caasimada Hargeysa.

Goobtan ayaa sidan oo kale Xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaridka ahaa madaxdiisa dhowr jeer looga soo celiyey. Waxaanay Xisbiyahanada UCID u arkayeen inay talaabadani tahay aar-goosi Siyaasadeed oo Xisbiga KULMIYE la waayey UDUB ooh ore ugu sameysay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured