War-Saxaafadeed (Xisbiga Ucid Oo Si Kulul U Canbaareynaya Wariyayaasha La Xidh Xidhey

0
Tuesday December 03, 2013 - 21:30:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-Saxaafadeed (Xisbiga Ucid Oo Si Kulul U Canbaareynaya Wariyayaasha La Xidh Xidhey

    HARGEYSA(Xogreebnews)Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/12/2013 uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah ee loo geestey Wariyayaal Si Salmiya U Muujinayey Cabasho Ay Ka Qabaan Nin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HARGEYSA(Xogreebnews)Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/12/2013 uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah ee loo geestey Wariyayaal Si Salmiya U Muujinayey Cabasho Ay Ka Qabaan Nin Horaantii Sanadkan Soo Weeraray Wargeyska Hubaal Oo Xukuumadu

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga CadaaladdaIyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party

Ref/UCID/2036/2013 Date: 03/12/2013

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/12/2013 uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah ee loo geestey Wariyayaal Si Salmiya U Muujinayey Cabasho Ay Ka Qabaan Nin Horaantii Sanadkan Soo Weeraray Wargeyska Hubaal Oo Xukuumadu Xabsiga Ka Sii Daysey Iyada Oo Aan Cadaalada La Marin Isla Markaana Aan Dhibanayaashii Wargeeska Hubaal Waxba Laga Ogeysiin

Wariyayaashan Oo Tiradoodu Tahey 4 Wariye Oo Ka Hawlgala Warbaahinta Madaxa banaan Ee Caasimada Hargeysa

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaashani Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarani 22 Sanadood Ku Soo Caano Maaley Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Aynu Dhawreyney

Xisbiga Ucid Wuxuu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah Isla Markaan Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ku Waaninayaa Iney Iska Dayso Dhaqan Cusub Oo Maalmahan U Danbeeyey Miciin U Noqdey Dhaqankan Cusub Oo Ay Ka Mid Tahey Cabudhinta,Cago Jugleynta,Handidaada,Hanjaabada iyo XadhigaOo Ay Ku Hayso Xisbiyada Mucaaradka Iyo Saxaafada Madaxa Banaan

Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadooda Ugu Soo Celiso Wariyayaashaa Xaqdarada Lagu Xidhey Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Soona Xidho ninka Ay Sharci Darada Ku Sii Deysey Ee Warkeyska Soo Weerarey Waxyeeladana Geystey

* Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi

________________________




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured