Taageeris Shirka Talo Qaran Beesha Dagta Gobolka Saraar Cabdiraxmaan Muuse....–

0
Tuesday December 03, 2013 - 21:26:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageeris Shirka Talo Qaran Beesha Dagta Gobolka Saraar Cabdiraxmaan Muuse....–

    Caynaba{Xogreebnews} Beesha Cabdiraxmaan Muuse oo taageertay Shirka Talo-qaran ee Xisbiyadda Mucaaridku Ku dhawaaqayn, Beesha oo si wayn uga Cabanaysa Maamulka Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo uu Gadhwadeenka ka yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caynaba{Xogreebnews} Beesha Cabdiraxmaan Muuse oo taageertay Shirka Talo-qaran ee Xisbiyadda Mucaaridku Ku dhawaaqayn, Beesha oo si wayn uga Cabanaysa Maamulka Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo uu Gadhwadeenka ka yahay. Beesha Gobolka Saraar oo Si weyn U Taageertay Shirka Talo Qaran ee Xisbiyadda Mucaaridku Ku Dhawaaqayn….

Caynaba{Xogreebnews } Beesha Cabdiraxmaan Muuse oo taageertay Shirka Talo-qaran ee Xisbiyadda Mucaaridku Ku dhawaaqayn, Beesha oo si wayn uga Cabanaysa Maamulka Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo uu Gadhwadeenka ka yahay.

Gobolka Saraar oo Dadkiisu u badan-yihiin xoolo dhaqato ayaa ah qaar La’daalaa dhacaaya Dhibaatooyin badan, waxa maalinba maalinta ka dembaysa sii baaba’ya Asaaskii nolosha ee Gobolka Saraar, waxa meesha ka sii baxaaya Kastankii Magaalada caynaba, waxa cashuurihii Magaalada Madaxda Caynaba lagu kala qaadaa, Magaalada Oog, oo uu u seeteeyay wasiirka Arimaha Gudaha.

Caynaba waa Gobol dagaal kula jira wasiirada kala duwan ee ka tirsan Xukuumada Axmed Siilaanyo, ha ugu horeeyee Xirsi X. Xasan Cali, wasiirka Madaxtooyadda, Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Duulista iyo Hawada iyo wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Ducaale.

Beesha Gobolka Saraar ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo aad u taageersanayd xiligii Doorashada Madaxtooyada, iyadoo waliba Beeshu ay Gadhwadayn ka ahayd xalintii Khilaafkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ilaa imika helin hiilkii ay u hiiliyeen walaalkood Axmed Siilaanyo.

Gobolka Saraar oo ka mid ah Gobolada wadanka ugu kheyraadka Badan, ayaa si Ba’an loo musuq-maasuqay Kheyraadkiisii iyadoo Gabi ahaanba laga qadiyad Mashruucii Baadhista Shiidaalka, dhamaan Bulshada Dagta Gobolka Saraar. Beesha oo Laga Qadiyay Saami qaybsigii Dawladda, iyadoo Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Beesha Gobolka Saraar ay si weyn u taageersan-yihiin Xisbiga Waddani. Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Bajaajtiisa ayaa Dagaal Adag kula Jira Beesha IYO Gobolka Saraar, iyakoo isku dayaaya in ay Liciifiyaan Siyaasiyiinta Reerka, Aqoon-yahanka Reerka, Kheyraadka Gobolka iyo Baa’biinta Ganacsatada ee uu leeyahay Reerku.

Mashruuca Shiidaalka oo in badan ay ka hadlayn Odayaasha, wax-garadka Gobolka Saraar ayaa Loo Joojin oo kabaha lala dul maray, Hawsha Shidaal Baadhista ayaa ahayd mid madaxtooyadu ay dabada ka riixaysay, iyadoo Odhaahda ama Yeedhmada Odayaasha Reer Saraar aan cidna Hoos u eegayn.

Beesha Gobolka Saraar oo ay u dhan-yihiin Dhamaan Odayaasha, Salaadiinta, Cuqaasha, wax-garadka iyo dhalinyartuba waxa ay si weyn u taageersan-yihiin shirka Talo-Qaran iyakoo aad u soo dhaweenaya Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Shirka Talo-qaran waa shir u horseedaya in dadweynuhu ay si dhab ah u la’xisaabtamaan Xukuumada Axmed Siilaanyo.

Talo-qaran waa shir aynu ku Baa’biinayno qablaayadda iyo Cadaala’ daradda Xukuumadda Axmed Siilaanyo Caadaysatey.



Freelance Journalist

Axmed Muuse Qucure Yare



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured