Tolow yaa loo dacwoodaa? “Xaqiiqdii xadhigayga”

0
Tuesday December 03, 2013 - 20:48:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tolow yaa loo dacwoodaa? “Xaqiiqdii xadhigayga”

    Hargeysa(Xogreebnews)-magacaygu waa C/Xakim Mohamed Gulled kuna Magac dheer “Cawaale”, waxaan ahay maamulaha xafiiska cashuuraha berriga gobalka Saaxil, waxaan ku jiray xabsiga dhexe ee Berbera mudo ka badan afar bilood, sidaa awgeed anig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-magacaygu waa C/Xakim Mohamed Gulled kuna Magac dheer “Cawaale”, waxaan ahay maamulaha xafiiska cashuuraha berriga gobalka Saaxil, waxaan ku jiray xabsiga dhexe ee Berbera mudo ka badan afar bilood, sidaa awgeed anigoon jaclayn hadana waxaana doonayaa inaan warbixin yar ka bixiyo xadhigayga sababtiisii.

Tolow yaa loo dacwoodaa? “Xaqiiqdii xadhigayga”

IMG_0006Magacaygu waa C/Xakim Mohamed Gulled kuna Magac dheer “Cawaale”, waxaan ahay maamulaha xafiiska cashuuraha berriga gobalka Saaxil, waxaan ku jiray xabsiga dhexe ee Berbera mudo ka badan afar bilood, sidaa awgeed anigoon jaclayn hadana waxaana doonayaa inaan warbixin yar ka bixiyo xadhigayga sababtiisii.

Maanta dad badani waxay iga filayaan inan wax badan sheegsheego, xaqna waan ulahaa, laakiin waxba sheegi maayo, oo waxa maxkamada horteeda laga cadeeyay inaanan wax danbiya lahayn, ahaana qofkii bilaabay dacwada, hantidhowr kanu eed been abuura, oo kiis baabiina soo oogeen. ugu danbayntiina guushii way timi oo maanta inaan aargoosto uma baahni, laakiin si guud ayaan wax uyara sheegayaa.

Halkan waxaan ku bilaabayaa ugu horayn: sheeko gaaban oo la magac baxday “BIXISO” waxa la yidhi beribaa Sayid Cabdale Xasan si lama filaan ah ciidankiisii looga dilay nin geesiya, kadib habeen kii ayuu seexan waayay oo inta uu kolba hurdada kakaco gabadhiisana kiciyaa oo uu ku yidhaa “ naa geesigaygii maxaa lagu dilay” iyaduna waxay ugu jawaabtaa “ de mooyi” kadib marlabaad ayuu kiciyay oo uu waydiiyay isla su,aashii iyaduna waxay ku celisay isla jawaabtii, dabadeed mar sadexaad ayuu hadana hurdadii ka kacay gabadhiina kiciyay oo is la su aashii waydiiyay” naa imika maxaa lagu dilay geesigaygii” iyaduna marsedexaadkii ayay ugu jawaabtay “De Bixiso”. Markaasuu idhi miyaad mar hore sidaa noogu sheegtid. Sheekadan waxaan ugu socdaa marka lay waydiiyo ee ay iga badatay waar maxaa laguugu xidhay , waar adigu danbi maad lahayne baa layidhi ee maxaa dhacay iyo su,aalo laxidhiidha xadhigaygii ayaan ana ugu soo gaabiyaa jawaabtan “Bixiso ayaa laygu xidhay”.

Hordhac yar qaabkii aan shaqada ku bilaabay: waxaanan ahaa wiil dhalin yaraa oo markaasuun jaamacada dhameeyay, nasiib wanaag isla bishii aan dhameeyay jaamacada UOH oct-2011 waxaan galay imtaxaan lagu qaadanayo dhalinyaro heer jaamacadeeda kuwaas oo la doonayo inay isbedel ku sameeyaan wasaarada maaliyada, shaqada waxaan bilaabay wakhti fiican waxaana wasiir ka ahaa wasaarada maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, ilaahay danbigiisa iyo kii waalidiintiiba hakadhaafee, waayo waxa uu ahaa shakhsiyad cajiiba, daacadnimo baadani kamuuqato, la shaqayntiisana aad jeclaysanayso, markastana kugula talinaya daacadnimada iyo in amaanada umada in aad ilaaliso adna aad iska dhowrto.

Intaa kadib horta maanta cid aan ilaahay ahayn u caban mayo, laakiin aniga waxa lay xidhay xadhig lays xidho kii ugu xumaa, dhibka iyo xanuun kana waxa ila dareemi lahaa ninka bil ramadaan jeelkaa Berbera ee xeebtaa ee kulka iyo hanfigu ka dhacayo ku dhax sooma bulsho aan ramadaantuba ubilownayn oo aan aqoonba, takale xanuunka xadhiga waxa igu sii badiyay waxaan noqday nin qacmihiisa isku xidhay waayo anigu waxaan ahaa ka soo dacawooday ee lahaaa xafiiskii waxaasaa ka dhacee halayla ogaado, laakiin waxaan yaabay markii aakhirkii lay idhi adna soo raac downimadaa lagu barayaaye. Markaa kadib waxaan xaqiiqsaday inan xadhiga aamino waayo:

  • Waxaan ogaaday inaan jabiyay qasabad dhiiga umada lagaga nuugo, taas oo in badan shaqaynaysay , in lay xidho daaye in lay dilo ayaan ku sigtay malaha.
  • Waxaan ogaaday in aan ka hor imi nidaam soo jireena oo dad badan ka dhexeeya oo iska caadiya wax dhibina aan loo arkin qofkii layaabana la odhanayo waarkani halkuu nagaga imi soodhacani.

Dhibaayooyinka bulshada haysta maanta waxa kamida:

  • Maanta qofka xoolaha umada xalaashaday lagulama yaabo ee wuu ku amaananyahay waxaana looyaqaan qof sare oo jira oo yaqaan sida dowlada loola shaqaysto, raganimada iyo kartiduna waxay ku jirtaa sidaa marka laga eego aragtida bulshada, halka qofka uu damiirkiisu noolyahay ee amaanada umada iska ilaaliya lala yaabayo kuna ceebaysanyahay, loona yaqaan qof hooseeya oo doqana oo aan aqoon qaabka dowlada loola macaamilo.
  • Maanta qofka xafiis dowladeed fadhiya ee xoolo umadeed gacanta ku haya marka loo tago ee wax laga waayo toban magac oo xumaana ayaa loo bixiyaa, waxaana loo yaqaan mid soo lu go,ay, colaadiisa iyo dacwadiisana waxay bilaamataa maalinta uu idhaa anigu waxba mahayo ee amaanadii umada ayaan hayaa.
  • Maanta hadalada ugu badan ee dhagahayga ka batay waxay ahaayeen, waar meeshu miyaanay meeshii ahayn?, waar sida umada ushaqayso, ama meesha iskaga tag, oo masaajid ka eedaan, waar adigu dadka kale maxaad ka sidataa sowtan dalkoo dhan la boobayo, adiga halkee ayaa lagaa arkayaa.

Gabagabo.

  • Wadooyinkaa aan soo xusay dhamaantood waa wadooyinka lagu hoogo ee maaha kuwa lagu horimaro.
  • Xaaraantuna xalaal kuma noqoto waa loo batay oo dadkaa wada qaata, xalaashuna xaaraan kuma noqoto dadka ayaa katagay oo waa laga baxay.
  • Aniga wax reer hebel layidhaahdo oo ixidhay majirto, reer kale oo isoo daayayna majiraan, hanti dhowraha guud ayaana ubedelay kiis kayaga inay reero is haystaan, reer nimaduna ilaahay agtiisa waxba kama goyso oo waa la ogyahay, aduunyadana guud keeda waa la yaqaan maanta oo waxba tari wayday, ee dowladbaa ixidhay aniga markii danbana danbi igu wayday oo xoriyadaydii iisoo celisay.
  • Maanta anigu waan gar dhiganayaa oo waxaan doonayaa in lay dowmariyo, oo xaqii iyo mudnaantii aan lahaa laysiiyo, downa noqon mayso in sida xoolaha dadka layska xidho hadhowna layska sii daayo marka laga ciilbeelo, tiiyoon xaq loogu lahayn in laxidho, waayo xadhiga waxa uu qofka ku reebaa xanuun badan iyo inuu noqdo qof xagjira godob badana tirsade waxkasta oo uu samayn karana ku kaca.
  • Maanta anigu ma doonayo inaan aar goosto oo ilaahay ayaa ii hiiliyay dad badanina ceeb ayay iga qaadeen.
  • Maanta xafiiska hanti dhowrku waa” nin dawee la leeyahay danbi uu badh leeyahay, inuu daaro ma ogala oo isagay udarantahay” by Gaariye allaaya raxma, xumaanta iyo musuqana isagaa abuura.
  • Saaxiib kayga xidhan aad ayaan uga xumahay dhibkiisa, waayo markii horana dad aad iskugu dhow ayaanu ahayn markii danbana jeelka ayaanu isku qol noqonay oo walahi furdaamintiisa iyo wanaagiisa ayaan ka shaqaynayaa weligay

Mahadnaq

ü Mahad oo dhan ilaahay ayay usugnaatay, ilaaha xaq iyo baadilkii kala saaray, daalimiintiina duleeyay.

ü Halkan waxaan uga mahad naqayaa maamulka wasaaradayda, wasiirka, Ag/guud iyo Ag/waaxeed cashuuraha berriga, oo dhamaantood wax badan itaray ii muujiyay wanaag iyo inay ilaqabaan xanuunka.

ü Waxaan umahadnaqayaa dad badan oo aanan halkan kusoo koobi Karin, oo wanaaga jecel xumaatana neceb oo howshayda ka qayb qaatay.

ü Sidoo kale waxaan halkan uga mahad cellinayaa, alle mahadi haka gaadhee dadkii sida gaarka ah wax iila soo qabtay, sida xaaskayga marwo Hodan, Isuduwaha wasaarada maaliyada ahna Maamulaha kastamka berbera Mr. Gurxan, oday Baashe (talate), xaaji Cali xorxor, iyo xaaskiisa marwo Farduus, oo dhamaantood si hagar la,aana ii soo caawiyay.

ü Mahada ugu danbaysa uguna wayn waxaan siinayaa garsooraha maxkamada gobalka saaxil Mr. Ibraahim Fanax, waa garsoore aan agtiisa cid lagu dulmiyin, cadaaladana wax kasta ka horaysiiya, lacagna aan ku shaqanyn, xilbaa lagaa qaadina ka baqan, illaahay cisi iyo sharaf haku noolaysiiyo aduunka iyo aakhiraba.

v Ugudanbayntii: isoo jeedintaydu waxay tahay; inta xafiiska hantidhowrka oo isku badalay xafiis hantilunsiga iyo hagar daamada qaranku shaqaynayo, wanaag kasta oo ay xukuumadu samaysaa waa barkumataal, waxna kama jiraane umada halaga qabto dadkan dhiiga umada kunool, hadii kale xukuumadu waxay noqonaysaa mid la,og xumaanta kuna shaqaysata.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured