TV-ga Xukumada Siilanyo (SLNTV) maamusho oo Hantidhawr la geliyey iyo Maareeyihii TV-ga oo musuqmaasuq lagu xidhiidhiyey ,xafiiskiisana baadhis ka socoto

0
Tuesday December 03, 2013 - 20:40:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TV-ga Xukumada Siilanyo (SLNTV) maamusho oo Hantidhawr la geliyey iyo Maareeyihii TV-ga oo musuqmaasuq lagu xidhiidhiyey ,xafiiskiisana baadhis ka socoto

    Hargeisa-(Xogreebnews)-Hantidhawraha Guud ee Somaliland Maxamuud Aw-cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa saaka baadhis ka bilaabay xafiisyada maamulka lacagta ee TV-ga xukumada Siilanyo maamusho ee la yidhaahdo SLNTV.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(Xogreebnews)-Hantidhawraha Guud ee Somaliland Maxamuud Aw-cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa saaka baadhis ka bilaabay xafiisyada maamulka lacagta ee TV-ga xukumada Siilanyo maamusho ee la yidhaahdo SLNTV.
TV-ga Xukumada Siilanyo (SLNTV) maamusho oo Hantidhawr la geliyey iyo Maareeyihii TV-ga oo musuqmaasuq lagu xidhiidhiyey ,xafiiskiisana baadhis ka socoto


Hargeisa-(Xogreebnews)-Hantidhawraha Guud ee Somaliland Maxamuud Aw-cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa saaka baadhis ka bilaabay xafiisyada maamulka lacagta ee TV-ga xukumada Siilanyo maamusho ee la yidhaahdo SLNTV.

Hantidhawraha Somaliland ayaa la sheegay inuu baadhistan uu saaka qaadey la xidhiidho musuqmaasuq baahsan oo lagu tuhunsan tahay Maareeyaha TV-ga iyo kudlad kale , iyadoo la sheegay in Miisaaniyada TV-ga lagu naasnuujiyo kooxo qarsoon oo ku xidhan ama gacansaar la leh Qasriga madaxtooyada ,kuwaas oo magaca TV-ga ku lunsada lacag boqolaal kun oo Dollar bil walba.


Geesta kale wasiirka warfaafinta Cabdillahi Cukuse ayaa laba cisho ka hor shaqada ka joojiyey maareyaha TV-ga Xukumada Siilanyo afkeeda ku hadla Khadar Cali Gaas oo sida la sheegay loo diiday ,lagana horjoogsadey inuu wasaarada gudaheeda iyo xafiiskiisa galo.

Taa ka sakow waxaa jira Xoggo iyo warar isa soo taraya oo sheegaya in Hanti-dhawraha la geliyey xafiiska lacagta iyo Maareyaha oo isaga laftiisa baadhitaan ku socdo lana raadinaayo bal meeshay ku baxdo ama ku danbaysay lacag malaayiin dollar ah oo sanad walba lagu lunsado TV-ga magaciisa ,wasiirkuna daaha ka feyday inay qaataan dad aan wasaarada ama TV-gaba u shaqeyn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured