Wasiir Cukuse Oo Guuldaro Kala Soo Carraabay Madaxtooyada Kadib Markii U Shalayto Iska Baadh-baadhay Awood Annu Lahayn

1
Monday December 02, 2013 - 21:18:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse Oo Guuldaro Kala Soo Carraabay Madaxtooyada Kadib Markii U Shalayto Iska Baadh-baadhay Awood Annu Lahayn

    Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta iyo wac-yigelintaa ayaa maalintii shalay iska baadh-baadhay awood annu lahayn taaso oo u sheegay in u shaqaadi kagaga joojiiyay maareeyaha Tv-ga qaran ayaa la sheegay in waji-gabax kala kulmay dhinaca q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta iyo wac-yigelintaa ayaa maalintii shalay iska baadh-baadhay awood annu lahayn taaso oo u sheegay in u shaqaadi kagaga joojiiyay maareeyaha Tv-ga qaran ayaa la sheegay in waji-gabax kala kulmay dhinaca qasriga madaxtooyada,kadib markii u shalayto ashkaato

Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta iyo wac-yigelintaa ayaa maalintii shalay iska baadh-baadhay awood annu lahayn taaso oo u sheegay in u shaqaadi kagaga joojiiyay maareeyaha Tv-ga qaran ayaa la sheegay in waji-gabax kala kulmay dhinaca qasriga madaxtooyada,kadib markii u shalayto ashkaato u ula tagay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdi raxmaan saylici kana dalbaday in la kala gaadho asaaga iyo wasiir cukuse waxaana la sheegay in cukuse laftiisu guldaro kala kulmay madaxtooyada.

Madaxweyne ku xigeenka ayay wararku sheegen,in ku war-geeliyay maareeyaha in annu awood u lahayn wasiirku ,in uu shaqaada kala wareegayo maareeyaha,inu yidhaahdo shaqaada waan ka joojiyay,waxaanu madaxweyne ku xigeenku ammar ku siiyay maareeyaha in u shaqaadiisa sii watto,taaso u maareeyuhuu ku farxay ma jiro war laga soo saaray balse ilo wareedyo u dhuun-dalloola madaxweyne ku xigeenka ayaa xogreebnews.com u xaqiijiiyay in u madaxweyne siilaanyo laftiisu si weyn uga cadhooday tallaaabada laf-jabka ku ah hanaanka qaranku leeyahay iyo dastuurku u odhanaayo in laba masuul oo isku digreeto kusoo baxay midna ka kale kuma faro-geelin karo ka kale taaso u wasiirkan is biday awood annu lahayn,u yahay mid darjiidha hadda.

Wasiir cukuse ayaa la sheegay in u maalintii shalay u ahaa mid aan is ogaayn meel u maaraayo,waxaanay wararku xuseen in ilaayo habeenimadi sabtidii u samaaleel ah,lama oga sababta dhabta ah ee ku kaliftay wasiirku inu iska baadh-baadho awoodan annu lahayn balse waxaay wararku sheegen,in maareeyuhu u ku ballaamiyay shaqaala iyo waxyaha farsamada in aan wasiirka la siin karinlacago u wasiirku ku maamay oo ahayd tii barnaamij-yada ka baxaa Tv-ga qaranka iyo lacagaaha laga qaado wararka ka baxaa Tv-ga qaran.

Taaso marku ogaaday wasiirku u ku dhaqaaqay talaabadan khaldan waxaanna la wadaa sugaaya in u madaxweyen siilaayo inu si deg-deg ah uga qaado xilka wasiirka warfaafinta oo la saadaalinaayo in raaci doono wadaadi u qaaday wasiirkii ku horeeyay isaaga.

Wasiir Cukuse iyo Khadar Cali Gaas ayaa awooddo shaqo ee ay ku hawl-galaan ay ka helaan Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wiilka Madaxweynuhu Sodoga u yahay ee Baashe Cawil Xaaji Cumar, waxaanay wararku intaas ku darayaan in Khadar Cali Gaas uu u war-galiyay Baashe Cawil talaabaddan uu Wasiirku Shaqadda kaga joojiyay, balse ilaa hadda wax talaabo ah muu qaadin Wiilkani Madaxweyne Siilaanyo Sodoga u yahay.

Iyaana waxaa jiraa warar sheegaaya in wasiirku ku hawlan yahay sidii u warbaahinta u laaluushi lahaa isaago uga dan leh in la xoojiyo tallaabadii u shalay qaaday oo u rabbo in la dhaleeceeyo maareeyaha oo isaaga uga leexo-jeclo badna shaqaadiisana daacad u ahaa halka wasiirkan awoodda is bidayna uu habeenku ku milmo suuqa madow ,isla markaana maalintiina shaqaadisu noqootay in u ka qayb-galo xaflado iyo inuu mar-feeshyada kagaga sheekeeyo,siraha madaxtooyada oo ku faano in awood dheeraada u ku leeyahay dhinaca madaxtooyada oo isaagu yahay ninka keeliyee u madaxweynuhu ka qosliiya hadaaladiisa maararka u cadheeysan yahay.

Wasiirkani oo lagu yaqaanay dabeecad xummo la walaal noqotay ayna gayaysiisay in ku hakan waayo xilalka u soo qabtay tanyo ilaayo marxuum cigaal oo lagu sheegay in ku kici jiray falal anshax xumo wasiirka dabeecad ka ah ilaayo intii ay jirtay xukuumada siilaanyo waxaa u wasiirkani soo qabtay sadeex xilkaaso mid walba si weyn ay iga cawdeen dadka la shaqeeya taaso sababtay in laga soo saaro madaxtooyada ilaayo wasiirku xigeenimo isla markii danbeena ilduuf logu magacaabay wasiirnimo la soco….

Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

info@xogreebnews.com

Tel;4144434

Hargeisa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured