Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Dibloomaasi Sare Maxamed Cali Cabdi Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taaganyahay Buuxinta Jagadaasi.

0
Monday December 02, 2013 - 19:37:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Dibloomaasi Sare Maxamed Cali Cabdi Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taaganyahay Buuxinta Jagadaasi.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shirweynihiisii koobaad ku qabsaday dalweynaha ingiriiska magaalada Birmingham, shirkan oo sannadkiiba mar ka qabsooma carriga ingiriiska ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sars

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shirweynihiisii koobaad ku qabsaday dalweynaha ingiriiska magaalada Birmingham, shirkan oo sannadkiiba mar ka qabsooma carriga ingiriiska ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarsaraysa xisbigaasi oo ay ka mid Hargeisa(xogreebnews.com-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shirweynihiisii koobaad ku qabsaday dalweynaha ingiriiska magaalada Birmingham, shirkan oo sannadkiiba mar ka qabsooma carriga ingiriiska ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarsaraysa xisbigaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xoog, Maxamed Saleebaan wayne (wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland) musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADDANI Dibloomaasi sare Maxamed Cali Cabdi, xoghayaha arrimaha gaarka ah ee xisbiga WADDANI Md. Xuseen Aadan Cali (Asad).

Shirkan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horayn ka hadlay musharaxa madaxweyne ku xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dibloomaasi sare Maxamed Cali Cabdi oo isagu halkaas kaga dhawaaqay inuu u taaganyahay buuxinta jagada madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi WADDANI isaga oo xusay in isaga iyo Gudoomiyaha Xisbigaasi WADDANI Dibloomaasi sare Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) haddi ay ku soo baxaan tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland in ay suurgal ka dhigidoonaan sidii Somaliland beesha caalamka u kasban lahayd isla markaasna u hanan lahayd ictiraaf caalami ah ee Somaliland baahida weyn u qabto.
Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI Dibloomaasi sare Maxamed Cali Cabdi ayaa muddo badan kusoo shaqeeyey dibloomaasiyadda isaga oo safiir ka soo noqday badiba dalalka Europe intii aanay Somaliland goonida isu taagin, waxaanu ku takhasusay xidhiidhada caalamiga ah iyo dibloomasiyada kuna haystaa shahaadada sare ee PHD ama Digtoora.Masuuliyiinta iyo xubnaha xisbiga WADDANI UK ayaa aad ugu riyaaqay soona dhaweeyey musharax Maxamed Cali Cabdi oo in muddo ah ku sugnaa carriga ingiriiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured