Shirwaynihii 1-aad Ee Xisbiga Waddani UK Oo ka Dhacay Magaalada Birmingham

0
Monday December 02, 2013 - 19:18:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirwaynihii 1-aad Ee Xisbiga Waddani UK Oo ka Dhacay Magaalada Birmingham

    Hargeisa(xogreebnews.com-Shirkan oo si mug leh loo soo agaasimay ayaa ku qabsoontay xarunta Royal Suite Banqueting Palace oo ah madal qurxoon (VIP) ayaa ilyartu is qabatey. Waxa shirka kasoo qayb galay siyaasiyiin miisaan Waxa xalay (30 Nov) ka dhaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Shirkan oo si mug leh loo soo agaasimay ayaa ku qabsoontay xarunta Royal Suite Banqueting Palace oo ah madal qurxoon (VIP) ayaa ilyartu is qabatey. Waxa shirka kasoo qayb galay siyaasiyiin miisaan Waxa xalay (30 Nov) ka dhacay magaalada Birmingham ee carigan UK xaflad ay si wayn isugu arkeen siyaasiyiin, Xildhibaano, suugaanley iyo dadwayne isaga kasoo qayb galay siyaasiyiin miisaan Waxa xalay (30 Nov) ka dhacay magaalada Birmingham ee carigan UK xaflad ay si wayn isugu arkeen siyaasiyiin, Xildhibaano, suugaanley iyo dadwayne isaga kala yimi daafaha UK iyo Europe.Xafladan oo ilyartu is qabatey ayaa ahayd shirwaynihii Xisbiga Waddani laanta UK.
Shirkan oo si mug leh loo soo agaasimay ayaa ku qabsoontay xarunta Royal Suite Banqueting Palace oo ah madal qurxoon (VIP) ayaa ilyartu is qabatey. Waxa shirka kasoo qayb galay siyaasiyiin miisaan leh sida; Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw Xoog oo ah Horjoogaha (Chief Whip) xildhibanada xisbiga Waddani. Siyaasiyiin waaweyn sida: Maxamed Saleebaan wayne (wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland).

Waxa kaloo madasha ku dhamaan madaxda iyo gudiyada heer Europe iyo UK oo ay hogaaminayaan gudoomiyayaashoodu. Waxa iyaguna madasha joogay xubno gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee heer qaran, Gudoomiyayaasha iyo gudiyada fulinta ee laamaha UK, xubno iyo taageerayaal tiro badan.
Ex-Wasiir Maxamed Saleebaan Wyne ayaa isaguna aad naqdiyey guud ahaanba siyaasadda xukuumadda hadda. Isagoo si gaara tilmaamay in ?saska iyo baqaha ay xukuumadu ka muujinayso dooda qaran ee xisbiyadu ku baaqeen? Ugu dambayn, waxa goobta iska muujiyey oo musharaxnimadiisa ku dhawaaqay markii ugu horaysay Dibloomaasi sare Maxamed Cali Cabdi oo ka tirsan fulinta Waddani isla markaasna ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga, isagoo madashaas kaga dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada Madaxwayne ku xigeenka ee Xisbiga Waddani. Maxamed Cali ayaa qiray inay jiraan xubno kale oo jagadaas hunguraynaya wuxuna ugu baaqay tartan xariira iyo nasiib wacan. Xafladan ayaa lagaga dhawaaqay xubnaha gudiga cusub Waddani UK waxanay ku dhamaatay jawi farxad iyo ray-rayn leh.
Iyadoo ay madax badani ka hadleen madasha, yaa waxaynu kazoo qaadan karnaa Xildhibaan Xoog oo aad u naqdiyey faragelinta xukuumadda ee golaha wakiilada oo uu ka dalbaday inay faraha kala baxdo golahooda iyo ciidamadda RRU-da oo uu tilmaamay in loo tababaray la dagaalanka argagixisada hase yeeshee buu yidhi ay xukuumadu u isticmasho cabudhinta codka mucaaridka iyo qamcinta muwaadiniinta. Xildhibaanka ayaa ka codsadey jahliyada reer Somaliland ee UK inay dawlada Ingiriiska kala hadlaan arintaa, maadama buu yidhi ay xukuumadda Ingiriisku maalgeliso ciidamadda RRU.
xogreebnews.com-office Hargeisa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured