Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Laantiisa Finland Mr. Suldaan Siciid Axmed Oo Maanta Warbaahinta uga Waramay Socdaal Hawleed Uu Dalka Ku Joogay

0
Monday December 02, 2013 - 19:05:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Laantiisa Finland Mr. Suldaan Siciid Axmed Oo Maanta Warbaahinta uga Waramay Socdaal Hawleed Uu Dalka Ku Joogay

    Hargeysa(Xogreebnew.com-)- Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Laantiisa Findland Mr. Suldaan Siciid Axmed oo in mudaaba ku sugnaa dalka ayaa waxa uu maalmahan u danbeeyey ku hawlana dardar galinta hawlaha xisbiga ee kala duwan isagoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnew.com-)- Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Laantiisa Findland Mr. Suldaan Siciid Axmed oo in mudaaba ku sugnaa dalka ayaa waxa uu maalmahan u danbeeyey ku hawlana dardar galinta hawlaha xisbiga ee kala duwan isagoo isla markaana kulamo kala du-duwan la qaadanayey dhamaan qaybaha bulshada sida Madax Dhaqameedka dalka Findland Mr. Suldaan Siciid Axmed oo in mudaaba ku sugnaa dalka ayaa waxa uu maalmahan u danbeeyey ku hawlana dardar galinta hawlaha xisbiga ee kala duwan isagoo isla markaana kulamo kala du-duwan la qaadanayey dhamaan qaybaha bulshada sida Madax Dhaqameedka dalka ,Ganacsatada ,Saxaafada ,Fanaaniinta, dhalinyarada isagoo isla markaana dhamaantood kala kulmayey sidii kor loogu qaadi lahaa dardar galinta hawlaha xisbiga .
Mr. Suldaan Siciid Axmed oo saaka Saxaafada kula hadlay xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Magaalada Hargeysa isagoo ku guda jira kormeer hawleed ayaanu wax ka waydiinay ujeedada kormeerkan saaka iyo cida ku wehelisa ayaa waxa uu sheegay inuu yahay kormeer hawleed kor loogu qaadayo dardar galinta hawlaha xisbiga isla markaana ay ku weheliyaan Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Sul.Mahad Careej ) oo ka mida salaadiinta waaweyn ee Somaliland .

Dhinaca kale Mr. Suldaan Siciid Axmed oo wax laga weydiiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu dalka joogay iyo siduu u arko rajada mustaqbal ee Xisbiga Waddani ayaa waxa uu sheegay in intii muda ahayd ee uu dalka joogay kulamo balaadhan la qaatay dhamaan qaybaha bulshada sida Madax Dhaqameedka dalka ,Ganacsatada ,Saxaafada ,Fanaaniinta iyo dhalinyarada isagoo isla markaana dhamaantood kala kulmayey sidii kor loogu qaadi lahaa dardar galinta hawlaha xisbiga .
Mr. Suldaan Siciid Axmed oo sidoo kale wax laga weydiiyey goorta uu soo gabagabeynaayo socdaalka uu ku joogo dalka iyo sidoo kale sida uu u arko mustaqbalka siyaasadeed ee dhalinyarada dalka ayaa waxa uu xusay intii uu ku sugnaa dalka uu socdaalo kale duwan ku tagay gobolada Togdheer ,Saaxil ,Awdal ,Gabiley ,Daadmadheedh,Maroodijeex isagoo isla markaana si gaar gaara ugu la kulmayey dhamaan dhalinyarada ku nool iyo ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare iyo dhamaan ururada dhalinyarada ee goboladaas ka jira isagoo dhamaan toodna uu ku dhiirigalinaayey sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada dalka oo uu xusay inay maanta mareyso meeshi jaanis badnayd ee abid soo marta dhalinyarada Somaliland taas oo loo baahan yahay inay ka faa’idaystaan
Dhinaca kale Mr. Suldaan Siciid Axmed ayaa waxa uu sheegay in inuu todobaadkan soo gabagabeynaayo socdaalkii uu ku joogay dalka isagoo isla markaana xusay inuu caawa kulankii ugu danbeeyey ee dardaaranka ahaa la qaadan doono Gudoomiyaha Xisbiga Mr.C/raxmaan Ciro isagoo sidoo kale tibaaxay inuu si dhakhso ah dib ugu soo laaban doono dalka halwo shaqo dartood.
Gabagabadii ayaa Mr. Suldaan Siciid Axmed waxa uu carabka ku adkeeyey inuu si weyn ugu han-weyn yahay sidii uu hore ugu sii wadi lahaa himiladiisa siyaasadeed ee dalka isagoo isla markaana ugu baaqay dhalinyarada reer Somaliland inay ku dhiiradaan kana qayb qaataan hawlaha siyaasadeed ee dalka ka socda islamarkaana xisbiga Waddani gacmo-furan ku soo dhaweeyniyo dhalinyarada dhamaantood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured