WAR-GELIN MUHIIM AH:MUDAHARAAD SALMI OO LAGU DIIDAN YAHAY TACADIIGI LO GEYSTAY WARGEYSKA HUBAAL

0
Monday December 02, 2013 - 19:00:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR-GELIN MUHIIM AH:MUDAHARAAD SALMI OO LAGU DIIDAN YAHAY TACADIIGI LO GEYSTAY WARGEYSKA HUBAAL

    Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Waxa uu ku Wergilanayaa Dhammaan Qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kala ah labada Xisbi mucaarad ee Qaranka UCID iyo WADANI, Xildhibaanada labada Gole Qaran, Wakiilada iyo Guurtida, Dhallinyarada ku hana qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Waxa uu ku Wergilanayaa Dhammaan Qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kala ah labada Xisbi mucaarad ee Qaranka UCID iyo WADANI, Xildhibaanada labada Gole Qaran, Wakiilada iyo Guurtida, Dhallinyarada ku hana qaaday Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Waxa uu ku Wergilanayaa Dhammaan Qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kala ah labada Xisbi mucaarad ee Qaranka UCID iyo WADANI, Xildhibaanada labada Gole Qaran, Wakiilada iyo Guurtida, Dhallinyarada ku hana qaaday Dimuqraadiyada iyo xoriyatul-qawlka Rag iyo Dumar, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, Gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee Gobolka Maroodi-Jeex, in maalinta Salaasada 03/12/2013 ay kalasoo qayb-galaan Mudaharaad Salmi ah oo Daroonkooda ay ku muujinayaan kulana Cabirayaan dhacdadii foosha xumayd ee Dilka Qorshaysan lagula beegsaday Hawl-wadeenadii Warbaahinta madaxa bannaan ee Hubaal Media Network, iyo sida sharci darrada ah ee Maxkamadda Ciidanka Qaranku ay u sii daysay Gacankudhiiglihii Hoggaaminayay weerarka Hubaal, kaas oo hawl-wadeenada Hubaal ay gacanta ku dhigeen habeenkii weerarka waxashnimada ah lagu soo qaaday oo ku beegnayd 24/04/2013, waxaanu mar labaad idinka codsanaynaa inaad usoo dadaashaan Bannaanbaxaa Salmiga ah ee lagu cabirayo dareenka dhacdooyinkaa foosha xun ee is-daba yaala, wakhtigana aad ilaalisaan, mahadsanidiin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured