Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Soo Dhaweeyay Go,aankii Uu Baarlamaanku Codka Kalsoonida Kala Laabtay Xukuumadda Somaliya

0
Monday December 02, 2013 - 18:49:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Soo Dhaweeyay Go,aankii Uu Baarlamaanku Codka Kalsoonida Kala Laabtay Xukuumadda Somaliya

    Muqdisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya asoo dhaweeyay go,aankii uu baarlamaanka soomalaiya codka kalsoonida uu kala laabtay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya asoo dhaweeyay go,aankii uu baarlamaanka soomalaiya codka kalsoonida uu kala laabtay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada soomalaiya ayaa guddoonka baarlamaanka iyo mudanayaasha baarlamaanka ku amaanay go,aanka geesinimada leh oo ay qaateen,waxana uu sheegay in uu go,aankaasi ka turjumayo sida ay u xooganyihiin hay’adaha dimoquraadiga ah ee dalka.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay xukuumadda uu hogaaminaya ra’iisul wasaare saacid.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Saacid iyo golihiisa wasiiradda ay sii dhaqeyn doonaan inta uu ka soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in sida ugu dhaqasaha badan uu ku soo magacaabi doono ra’iisul wasaare si uu u soo dhiso xukuumad cusub.
Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan waxyaabaha khilaafka keeni karo,isagoo sheegay in hadii khilaaf dhaco lagu kala baxayo dastuurka dalka u yaala.
xogreebnews.com-Muqdisho Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured