Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Oo Codka Kalsoonida Kala Laabtay Xukuumadii R/Wasaare Saacid

0
Monday December 02, 2013 - 18:42:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Oo Codka Kalsoonida Kala Laabtay Xukuumadii R/Wasaare Saacid

    Muqdisho(xogreebnews.com--Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay galabta codka kalsoonida kala laabteen Xukuumada Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com--Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay galabta codka kalsoonida kala laabteen Xukuumada Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Fadhiga Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 250 Xildhibaano, ayaa waxay 184 Xildhibaano ay codka kalsoonida kala laabteen Xukuumada, iyadoo 65 oo kaliya ay dalbadeen in uu Xafiiska shaqada uu sii jooggo.
Guddoonka Baarlamaanka, ayaa ku dhawaaqay in ay dhacday oo meesha laga saaray Xukuumadii Dr. Cabdi Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa ku dhawaaqay in cod aqlabiyad leh lagu riday Xukuumadii Saacid.
Xildhibaanada kalsoonida kala noqday Raa’isal Wasaaraha, ayaa waxay Xukuumadiisa ay ku eedeeyeen in ay ku fashilmatay hawlihii horyaalay.
xogreebnews.com- Muqdisho Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured