codka kalsoonida ee R/W Saacid oo billaabatay iyo Xildhibaanada oo tira koob ku socdo

0
Monday December 02, 2013 - 15:02:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    codka kalsoonida ee R/W Saacid oo billaabatay iyo Xildhibaanada oo tira koob ku socdo

    Muqdisho(xogreebnews.com-Waxaa soo gaba gabowday doodii saddexda maalmood ee Baarlamaanka ka lahaa mooshinka kalsooni kala noqoshada, iyadoo haatan ay bilaabatay codeynta loo qaadayo Ra’iisul Wasaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Waxaa soo gaba gabowday doodii saddexda maalmood ee Baarlamaanka ka lahaa mooshinka kalsooni kala noqoshada, iyadoo haatan ay bilaabatay codeynta loo qaadayo Ra’iisul Wasaaraha. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa ka dalbaday Howl wadeenada Baarlamaanka inay si cadaalad u tiriyaan codka Xildhibaanada, waxaana hada la tirinayaa Xildhibaanada ogol in cod loo qaado Ra’iisul Wasaaraha
Waxaa hada la tirinayaa magacyada Xildhibaanada ka qeyb qaadanaya codka, si inta fadhisa iyo xildhibaanada qoran la isla dheel tiro, isla markaana kadib ay u bilaabayo codeynta.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa magacyada Xildhibaanada u yeerinaya xarfaha A-Z oo la hubinayo inta Xildhibaan ee xaadirka ah ee ka qeyb qaadaneysa codeynta, waxaana muuqata in Gudoonka aad uga taxadarayo in aanay dhicin wax is daba marin.

Howl wadeenada Baarlamaanka ayaa ku dhex jira Xildhibaanada, si marka codka la qaadayo oo ah mid gacan taag ah u tiriyaan, waxaana goor dhow la filayaa in Xildhibaanada ay u cod qaadaan Ra’iisul Wasaaraha.
Codeynta ayaa ah mid gacan taag ah oo Haa iyo Maya Xildhibaanada loo kala weydiinayo, inta Xildhibaanada diidan inay sii shaqeyso Xukuumada iyo inta ogol inay shaqeyso, waxaana la ogeyn sida xaalku noqon doono.
Baarlamaanka dhexdiisa ayaa guux badan ka dhex jira, iyadoo ay jiraan Xildhibaano ka laabanayay mooshinka oo qaarkood ku tilmaamay in aanu sharci aheyn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured