Kartidarada Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Sababtay in Mudo Yar Oo u Xilka Hayay Iska Hor Imaad ay dad Ku Dhinteen U Ka Dhacay Gobolkaasi.

0
Wednesday April 10, 2013 - 20:49:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kartidarada Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Sababtay in Mudo Yar Oo u Xilka Hayay Iska Hor Imaad ay dad Ku Dhinteen U Ka Dhacay Gobolkaasi.

    Hargeysa(Xogreebnews)-wararka naga soo gaadhaya gobolka togdheer ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidanka booliska iyo dableyn husaysan oo aan haybtooda la aqoonsan kadib markii ay ciidamada booliska oo ilaalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-wararka naga soo gaadhaya gobolka togdheer ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidanka booliska iyo dableyn husaysan oo aan haybtooda la aqoonsan kadib markii ay ciidamada booliska oo ilaalinayay

Hargeysa(Xogreebnews)-wararka naga soo gaadhaya gobolka togdheer ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidanka booliska iyo dableyn husaysan oo aan haybtooda la aqoonsan kadib markii ay ciidamada booliska oo ilaalinayay badhasaabka gobolka togdheer Axmed X. C/lahi Cumar (Xamarji) iyo wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Dahir Cali oo ka soo laabtay socdaal ay ku tegeen deegaanka aroori halkaasi oo ay soo dhagax dhigeen mashaariic halkaasi laga hirgelinayo .

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka booliska ee ilaalinayey waftigaasi ay isku dayeen inay soo qab-qabtaan dableyn hubaysan oo wadada ag joogtay kadib markii sidaasi uu ciidanka ku amray badhsaabka gobolku Axmed X. C/lahi Cumar (Xmarji) ciidanka booliska ee la socday inay soo qab-qabtaan dableyda iyada oo halkaasi uu ka bilaabay iska hor imaad u dhexeeya ciidanka booliska iyo dableydii, isla markaana waxaa ka dhashay dagaalkaasi khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac iyada oo lagu soo waramayo in 1 askari oo ka tirsan ciidamad boolisku in uu ku dhintay halkaasi halka uu mid kale oo isna ka tirsanaa dableydu uu ku dhintay waxa kale oo iyana jirta in dhaawac ka soo gaadhay iska hor imaadkaasi askar ka tirsan ciidanka booliska iyo rag ka tirsan dableydii hubaysnayd, shabakada wararka ee caalamiga ah ee Xogreebnews.com oo la xidhiidhay dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay inay dableydaasi ahayd dad deegaanka ka soo jeeda isla markaana aan wax dhibaato ah ku hayn amaanka gobolka balse uu badhsaabku arintaasi ku deg degay isla amrkaana waxay sheegeen inay iyagu u arkaan masuuliyada iska hor imaadkaasi in uu dhabarka u ridanayo badhasaabka gobolka togdheer Mr Xamarji.

Hadaba waa markii ugu horeysay mudo sannado ah oo dhacdadani oo kale ka dhacdo gobolka togdheer iyada oo aysan jirin wax dhibaato ah oo sidan oo kale ah oo gobolkaasi ka dhacday xiliyadan danbe, basle dadka u guur gala arimaha amaanka ayaa sheegaya in ay arintani muujinayso kartidarida ka muuqata badhasaabka gobolka togdheer , iyada oo ay dadkaasi ku tilmaameen xalka in uu haa in marka hore uu badhsaabku arinta ku dayo waan waan iyo xal halkii uu ku amray in la soo qab qabto rag hubaysan, iyada oo la og yahay inay dadka soomaalidu meel kasta oo ay joogaan ay sitaan hubka isla markaana wixii dhibaato ah lagu xaliyo wado hadal.

Badhasaabka gobolka togdheer ayaa hada waxaa uu badhasaabka ahaa gobolkaasi mudo dhawr bilood ah iyada oo dhawrkaasi bilood uu gobolka ka dhacay dhacdooyin lidi ku ah amaanka gobolka sida dhacdadii lagu weeraray fanaanintii u tegtay gobolka inay riwaayad ama show ku soo bandhigaan basle ay u danbeysay in loo diido qaar ka mid ah fanaaniintana ay soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ilaa hada lama oga talaabada u arimahaasi ka qaadi doono madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed maxamuud(Siilaanyo).

Diyaariye Wariye C/casiis bashiir Nuur

Chief Editor of Xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured