Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Shaqadii Wasaarada Deegaanka Ku Qabsaday.

0
Sunday December 01, 2013 - 20:48:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Shaqadii Wasaarada Deegaanka Ku Qabsaday.

    Hargeysa(Xogreebnews)-wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sida la og yahay waxaab uu mashruuc uu koox ganacsato ah kaga qaatay banka loo yaqaano AROORI iyo Dadkii reer guuraaga ahaa oo cabasho xoogan ka muujiyey qabsasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sida la og yahay waxaab uu mashruuc uu koox ganacsato ah kaga qaatay banka loo yaqaano AROORI iyo Dadkii reer guuraaga ahaa oo cabasho xoogan ka muujiyey qabsashada seeraha AROORI

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Shaqadii Wasaarada Deegaanka Ku Qabsaday.

Hargeysa(Xoriyonews)-wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sida la og yahay waxaab uu mashruuc uu koox ganacsato ah kaga qaatay banka loo yaqaano AROORI iyo Dadkii reer guuraaga ahaa oo cabasho xoogan ka muujiyey qabsashada seeraha AROORI oo ah meel reer guuraagu ku baxsado xiliga jiilaalka iyo abaaraha, waxana bankaasi si toos ah u maamula wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga balse waxaa si isku indho qabad ah koox gaancsato ah ugu xidhay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, iyadoo sida la og yahay wasiirka xanaanunada xooluhu uu madaxweyne ku xigeenka ku khiyaameeyey in uu xadhiga uga soo jaro bankaasi AROORI ,isagoo wasiirku madaxweyne ku xigeenka u sheegay in bankan AROORI wasaarada xanaanada xoolugu maamusho isla markaana ay doonayaan inay ka dhigaan mashruuc ay xoolaha gaancsatada lagu naaxiyo, waxana la sheegay in wasiirka naxaanada xooluhu uu heshiis arintaasi kula galay gaancsadaha carbeed ee Al-Jaabiri ,halka dadka deegaanka laga hor joogsaday inay bankaasi ka hadlaan isla markaana lagu war geliyey inaysan xoolahoodu u dhawaan bankaa AROORI oo loo xidhay gaancsade carbeed.

Dadweyanaha ku dhaqan gobolka togdheer ayaa waxay ku hanjabeen in aysan ogoleyn in banka AROORI loo xdiho cid gaar ah isla markaana ay arintaasi ka hor iman doonaan hadii aysan wasaarada xanaanada xooluhu faraha kala bixin, iyadoo oo odayaasha iyo wax garadka deeganaadaasi uu maalmahanba uu shir uga socday magaalada burco ee xarunat gobolka Togdheer, waxayan isku raaceen in marka hore wasiirka xanaanada xoolaha laag ashkateeyo madaxweyne siilaanyo isla markaana baaq laag soo saaro khilaafka ka dhalan kara talaabada uu qaaday wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, waxayan wararku sheegayaan in dadweyanaha deegaankaasi aad uga kacsan yihiin go’aanka wasiirka xanaanadu uu ugu xidhay banka AROORI ganacsade carbeed halak xoolihii reer guuraaguna dibada ka joogaan bankii ay ku baxsan jireen ,waxana la sheegay in arintaasi keeni karto iska hor imaad dhex mara dadka reer guuraaga ah iyo ganacsatada la sheegay in loo xidhay baka AROORI.

Wasaarada deegaanak ayaa la sheegay inay ka cadhootay talaabada uu qaaday wasiirka xanaanada xooluhu ,iyadoo wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyigu maamsuho banka AROORI taasi oo wasaarada xanaada xooluhu aysan waxba kala socodsiin go’aanka ay ka qaataday wasarada xanaanada xooluhu,ilo wareedo u dhuun daloola wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxay sheegeen in masuuliyiinta wasaarada deegaanku dacwad ka dhan ah wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ay u gudbiyeen garyaqaanka dawlada iyo madaxweynaha jamhuuriyada somaliland,iyadoo dacwadasi lagu sheegay kadib markii wasaarada xananada xoolhu ku soo xag gudubtay shaqada wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga isla markaana cabasho xoogan ka soo gudbiyeen dadka deegaanak AROORI taasi oo keeni karta iska hor imaad ayay ku sababeeyeen masuuliyiinta wasaarada deeganku ashaktadooda.

Maaha markii ugu horeysay ee wasaarada xanaanada xooluhu sheegato banka AROORI balse ilaa in mudo ah wasaarada xanaanada xooluhu waxays heegaynaysay banka AROORI oo ay ku tilmaanto in ay iyadu maamusho, lama oga talaabada uu madaxweyne siilaanyo ka qaadi doono wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured