MADAXWEYNE SIILAANYO OO SIDI CAADAADA U AHAYD BILLAABAY DHAGAX-DHIGII LAGA RAACAY DAAHIR RAAYAALE

0
Sunday December 01, 2013 - 20:48:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILAANYO OO SIDI CAADAADA U AHAYD BILLAABAY DHAGAX-DHIGII LAGA RAACAY DAAHIR RAAYAALE

    Hargeisa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira safarkiisa gobolka gabiley maalintii labaad ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay dawlada hoose ee gabiley ka fulisay gobolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira safarkiisa gobolka gabiley maalintii labaad ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay dawlada hoose ee gabiley ka fulisay gobolka gabiley kuwaas oo kala Hargeisa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira safarkiisa gobolka gabiley maalintii labaad ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay dawlada hoose ee gabiley ka fulisay gobolka gabiley kuwaas oo kala ah Buundada Dugsiga Sare ee Qalax, Garoonka kubada Baaskidka, Wadada isku xidha xaafadaha magaalada gabiley iyo suuqa weyn ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashruuc qalabayn iyo dardar gelin ah oo ay dawlada hoose gobolka ku soo kordhisay Gobolka, kuwaas oo ahaa baabuur ay ku jiraan laba cagaf-cagaf iyo gaadhi dabdemis ah isla markaasina waxa uu dhagax dhigay Guri foog laba dabaq noqon doona oo ay dawlada hoose ee gabiley ay ugu talo gashay in xafiisyada dawlada hoose ay ka hawlgalaan.

Intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu u kicitimay degmada Alaybaday isaga oo sii maray tuulooyinka Taysa iyo Tijaara halkaasi oo madaxweynaha si heersare ah loogu soo dhaweeyey waxaanu dhagax dhigay marka uu halkaasi madaxweynuhu maraayey wado ay maamulka iyo gudiyada kala duwan ee cuqaasha iyo madax dhaqameedka Alaybaday ay ugu talo galeen in ay isku xidho Hargeysa iyo Alaybaday wixii ku baxaayana ay iyagu doonayaan in ay iska kaashadaan balse aan xukuumada iyo madaxweynaha toona looga dhigayn xujo iyo in ay balan qaadaan samaynteeda.
Madaxweynaha oo ku gudajira socdaalkiisaasi ayaa waxa uu gaadhay degmada alaybaday halkaas oo madaxweynaha ay dadweynaha degmadu ku soo dhaweeyeen si layaableh isaga oomadaxweynuhuna soo dhawyantaasi ka dib kala hadlay fagaaraha degmadaasi, waxaanay madaxweynaha u sameeyeen maamulka iyo degmada alaybaday Qado sharaf aad u qiimo badan oo ay ugu sameeyeen beerta weyn ee Harada Looyarka halkaas oo madaxweynuhu uu ku nastay qadar saacado ah isaga oo soo kormeeray harada looyarka sawirana ay ku soo galeen weftigu.
Qado sharaftaasi ka dib Madaxweynuhu waxa uu u soo ambabaxay dhinaca Degmada Wajaale halkaas oo uu madaxweynuhu soo maray Tuulooyinka Geed balaadh iyo Waalidxoor oo madaxweynuhu uu kula kulmay soo dhawayn balaadhan.
isaga oo madaxweynuhu soo gaadhay wajaale looguna soo dhaweeyey is xamaasadi ku dheehan tahay oo aanay u kala hadhin dadweynaha degmadaasi isaga oo madaxweynuhuna kala hadlay khayriyada jawaale.

intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu u soo ambabaxay dhinaca Gabiley isaga oo soo kormeeray wadada Kala baydh ilaa wajaale isku xidha taasi oo ay hada ka dhiman yihiin uun 6KM taasi oo madaxweynuhu uu balan qaaday in dhamaystiri doonaan dhawaan intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu u soo kicitimay Caasimada Hargeysa oo uu caawa ku soo hoyday ka dib lamaba maalmood oo shaqo qaran uu madaxweynuhu la soo qaatay bulsho waynta gobolka gabiley ku dhaqan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured