Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Baaqay In La joojiyo dagaalada Ka Jira Degmada Taleex Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Wali Ka Aamusan

0
Sunday December 01, 2013 - 19:01:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Baaqay In La joojiyo dagaalada Ka Jira Degmada Taleex Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Wali Ka Aamusan

    Muqdisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha ka jira gobollada dalka gaar ahaan Sanaaag iyo Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha ka jira gobollada dalka gaar ahaan Sanaaag iyo Sh/dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalbaday in la joojiyo dagaallada ka dhacaya degmada Taleex, isagoo ka digay cawaaqib xumida ka dhalata dagaallada.
“Colaada shalay iyo maanta ka dhaceysay degmada Taleex waxaan leenahay hala joojiyo, waxaana ugu baaqayaa walaalaha deggan Taleex in ay xaajada dhulka dhigaan oo mujtamaca hogaamiyayaashiisa talada u dhiibaan’’ Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo gobolada kale ee dalka, wuxuuuna madaxweynuhu ka hadlay dhibaatooyinka iyo qasaaraha laga dhaxlo dagaalada sokeeye.

Baaqa Nabadeed ee Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli dagaallo yar yar ay ka soo cusboonaadeen deegaanka Taleex iyo deegaano kale oo ka mid ah gobolada dalka, iyadoo dowlada Federaalka ay inta badan ku guuleysatay iney meesha ka saarto colaado dhowr ah oo u dhaxeeyay walaalo Soomaaliyeed.
xogreebnews.com Muqdisho Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured