Boqor Buur-madow Iyo Wasiir Waran-cadde oo Shalay Madaxtooyadda Dhexdeeda Lagu Kala Guntaday

0
Sunday December 01, 2013 - 16:20:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buur-madow Iyo Wasiir Waran-cadde oo Shalay Madaxtooyadda Dhexdeeda Lagu Kala Guntaday

    Hargeysa (xogreebnews.com- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah Madax dhaqameedka Somaliland ee Waayadan dembe gacan saarka la leh Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inuu Aflegaado Qaawan kula kala Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah Madax dhaqameedka Somaliland ee Waayadan dembe gacan saarka la leh Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inuu Aflegaado Qaawan kula kala Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde Hargeysa (xogreebnews.com- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah Madax dhaqameedka Somaliland ee Waayadan dembe gacan saarka la leh Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inuu Aflegaado Qaawan kula kala Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, xilli uu ku sugnaa qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu Kulan kula lahaa Madaxweyne Siilaanyo.
Aflegaadada Boqor Cismaan Buur-madaw Kula kacay Wasiir Warancadde ayaa la sheegay inuu hor-seeday Dagaal gacan ka hadal ku sigtay oo dhexmara labadooda, kadib markii Wasiirka Daakhiligu gocday kibirkii aflegaadada

ahaa ee Boqor cismaan ula badheedhay isaga oo [wasiirku] isaga oo xilkii qaranka gudanaya.
Goormaa Aflegaadadu dhacday?
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Hubaal ka helay ilo muhiim ah ayaa tibaaxay in habeennimadii Arbacaddu soo galaysay ee toddobaadkii inna dhaafay uu Buur-madow Xarunta ugu galay Wasiir Waran-cadde iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan ay kaga tashannayeen Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo xamaasadda Taageerayaasha Mucaaridka oo weliba khaasatan Xisbiga WADDANI aad looga dareemayay qaban-qaabada soo dhawaynta Guddoomiyahooda oo Subaxnimada ka soo degeyey Madaarka Hargeysa. Kulankaas ay Madaxweynaha iyo wasiirkiisu wada lahaayeen ayaa warku sheegay in Boqor Buur-madaw si kedis ah ugu galay iyagoo ka tashanaya xaaladda ammaan ee soo dhawaynta Guddoomiye Cirro, waxaana Boqorku Kulankaas ka yidhi ereyo duraya shakhsiyadda Wasiirka Daakhiliga, isaga oo la hadlaya Madaxweynaha-na waxa Buur-madaw ka soo yeedhay Sida warku sheegay ereyadan: ?Madaxweyne, ma Raggii xisbigii UDUB Talada Xumada ku baabi?iyey ayaa caawa adigana Talo xumadii kula ag-fadhiya? sidaasi ayaa la soo weriyey in Boqor Buur madaw madaxweynaha hortiisa ka yidhi.
Waxa kale wararka HUBAAL heshay intaa u dareen in Wasiir Waran-cadde oo isagu ahaa qofka hawraartu ku socoto aanu wax jawaab ah kaga fal celin hadalka Boqor Buur Madaw, balse waxaa uu u dhigtay fursad kale oo uu jawaabteeda bixin doon. Fursaddiina way timi ooshalay subaxnimadii hore oo loo diyaar garoobayay bixitaanka weftiga Madaxweynuhu kaga qayb galayay Qalinjebinta jaamacadda Timacadde ee Gobolka Gabiley ayaa Md. Waran-cadde waxa uu Madaxtooyadda dhexdeeda oo qaban-qaabadu ka socotay uu warku sheegay inuu kula kulmay Boqor Buur-madow oo isagu xarunta dhexdeeda, halkaasi oo ay si kedis ah wejiga isugu dhufteen.
Wasiirka ayaa la sheegay in qacdii hore ee is aragoodaba ay shucuurtiisu is beddeshay isla markaana uu soo gocday kana fal celiyey utintii hore ee Buur-madaw La maragsaday Madaxweynaha. Intaa ka dib ayaa wararku tibaaxeen in arrintoodu gaadhay heer afku ka qaldamo, gacan ka hadalna isu holladaan, balse xubnihii ka ag dhawaa ee madaxtooyada ku sugnaa ayaa kala furdaamiyey iyagoo dirqi iyo si fool adag ku kala kaxeeyey, Wasiir Waran-cadde iyo Boqor Buur-madow. Intaasi ka dibna lama sii dhaadin halka ay isugu biyo shubatay arrinta xaaladdooda murgisay, maadaama oo lagu mashquulsanaa ambabaxa iyo qabanqaabada Bixitaanka Weftiga.
Wararku faahfaahin dheeraad ah kama bixin sababta dhabta ah ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw uu wasiirka aflegaadada intaasi le?eg ugu geystay Madaxweynaha hortiisa, maadaama oo uu ka mid yahay golaha fulinta ee Hoggaamiyaha Qaranku u door biday inay u adeegi karaan shacbigooda iyadoo aan loo nisbeyn mabda?a iyo Majaraha siyaasadeed ee Masuul kasta oo dawladda ka tirsan ugu jirta boggagiisa taariikhda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured