Wasiir Cukuse oo maanta awoodiisa Wasiirnimo tijaabiyey,Maareeyihii TV-ga oo wareegto iskumida lagu wada magacaabayna shaqadii ka joojiyey.

0
Sunday December 01, 2013 - 16:15:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse oo maanta awoodiisa Wasiirnimo tijaabiyey,Maareeyihii TV-ga oo wareegto iskumida lagu wada magacaabayna shaqadii ka joojiyey.

    Hargeisa-(xogreebnews.com--Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Shaqadii ka joojiyey Mareeyaha TGV-ga xukumada siilanyo maamusho ee SLNTV Khadar Cali Gaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com--Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Shaqadii ka joojiyey Mareeyaha TGV-ga xukumada siilanyo maamusho ee SLNTV Khadar Cali Gaas. Sida ilo wareedyo rasmi ahi u sheegeen xogreebnews.com- waxay wasiirka iyo maareeyahu isku seegeen arin mushahar shaqaale. Shaqalaha TV-ga xukumada Siilanyo maamusho ayaa la sheegay inay qaarkood bishii mushahar ahaan u soo xaadiraan ilaa $1000 (Kun Dollar) qofkiiba iyagoo ka shaqeeya ama sahqaale joogto ku ah xarunta Hargeysa ,halka qaar kalena mushahar loo siiyo bishii $150 qofkiiba oo iyaga laftoodna shaqaale joogto ka ah isla xarunta .labadaas mushahar ayey kala qaataan shaqaale isku shaqo iyo derejo ah,meelna ka wada shaqeeya.

Yeelkeede muran iyo Jafaajiriq xoogan oo arintaas ka dhashay iyo Guddi loo saarey inay hawshaas dabogal iyo baadhis ku sameeyaan ayaa sababay in wasiir Cukuse u qoro maareeyaha warqad shaqo joojin iyo inaanu xarunta wasaarada warfaafinta Albaabka ka soo geli Karin isagoo Askarta wasaarada wardiyeysa ku qanjiidhiyey.
Maareeyaha oo isku deyay inuu saaka xafiiskiisa u shaqo tago aya Askartu waabisey, kana saartay Kaanboolka warfaafinta.
Isku soo wada duuboo TV-ga Xukumada Siilanyo maamusho (SLNTV) ayaa ka miisaniyad badan ama la miisaaniyada ilaa Afar wasaaradood oo ka mid ah wasaaradaha xukumada Siilanyo,haddana shaqaalaha ka shaqeeya ayaan lahayn gaadiid u soo qaada shaqada,kana rawaxiya iyo gunno toona,ku darsoo miisaaniyadaa faraha badan ayaa lagu naasnuujiyaa wiil ka tirsan Qyska madaxtooyada Baashe Cawil Xaji Cumar oo TV-ga iyo Maareeyahaba dusha ka maamula sida Dabagaalihii Abeesada dusha ka qabay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured