Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay Madaxtinimada Kiiniya iyo Somaliland oo Hambalyaysay

0
Wednesday April 10, 2013 - 17:11:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay Madaxtinimada Kiiniya iyo Somaliland oo Hambalyaysay

    Hargeysa(xogreebnews.com)- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay xafii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com)- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay xafiiska Madaxweyne ee Dalkaasi.
Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay Madaxtinimada Kiiniya iyo Somaliland oo Hambalyaysay


Hargeysa(xogreebnews.com)- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo loo dhaariyay xafiiska Madaxweyne ee Dalkaasi.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweyne ku Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayli) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Dalka Kenya Mudane, Uhuru Kenyatta oo Maanta(shalay) loo Caleemo saaray Xilka Madaxweynanimo ee Dalka Kenya.
Madaxweyne ku Xigeenku waxa uu Dhambaalkiisa ugu hambalyeeyay Mudane Uhuru Kenyatta xilka Madaxnimo ee ay u doorteen shacbiga reer Kenya, waxaana uu tilmaamay in labada Shacbi ee Somaliland iyo Kenya ay ka dhexeeyaan xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah. Mudane Saylici waxa kale oo uu dhambaalka uu u diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku faah-faahiyay in Dalka Kenya ay ku nool yihiin Jaaliyad balaadhan oo asalkoodu uu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalana ay Dalka Somaliland ku nool yihiin Jaaliyad reer Kenya ah oo ka ganacsata kuna dhaqan dalkan Somaliland.
Madaxweyne ku Xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo dhambaalka uu u diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku xusay in uu rajaynayo in hogaaminta cusub ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay kor usii qaadi doonto sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada Umadood iyo labada Dawladood ee Somaliland iyo Kenya.”
Dhinaca kale, Xaflad ay ka soo qayb-galeen in ka badan 11 madaxweyne oo ka socda qaarada Afrika ayaa lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Xafladdan Caleemo saarka Madaxweynaha Kiiniya oo lagu qabtay garoonka wayn ee Nyayo Stadium waxaa ka qaybgalay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir Miyaardeed, Madaxweynaha Gabon Ali Bongo, Madaxweynaha Nigeria Jonathan Goodluck, Madaxweynaha DRC- Congo Joseph Kabila, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn.
Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arab Moi oo muddo ka badan 24 sano ka talinayay Kenya.
Madaxweynaha xilka ka dagay ee Mwai Kibaki ayaa si rasmi ah talada ugu wareejiyay Uhuru Kenyatta oo uu dhalay aasaasihii jamhuuriyada Kenya, isla markaana ahaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Kenya ay yeelato.
Kumanaan Kenyaan ah ayaa isugu tagay gagida Nyanyo ee ay ka dhacday xaflada, iyadoo malaayiin kalana ay guryahooda ku daawanayeen sida ay u socotay xaflada xil wareejinta.
Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Kenyaanka inay midoobaan oo ay ka gudbaan kala qaybsanaantii ay keentay doorashadii uu ku soo baxay, Waxaanu ballan qaaday inuu si isku mid ah ugu adeegi doono shacabka dalkiisa, kuwii doortay iyo kuwii aan dooranba.
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa labadaba ay dacwado uga socdaan maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, iyadoo lagu eedeeyay inay wax ka maleegeen rabshadihii dhacay doorashadii 2007-dii.
Hogaamiyaha xisbiga Cord, Raila Odinga iyo saraakiisha ugu sarreysay ee xisbigiisa ayaa qaadacay xaflada caleema saarka, iyagoo u duulay waddanka Koonfur Afrika.
Inkastoo uu aqbalay go’aankii maxkamada ayaa haddana Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya uu dhawaanahan jeediyay hadallo lidi ku ah qaabkii ay u dhacday doorashada, balse waxaa uu sheegay inaanu doonayn in taageerayaashiisu ay qalalaaso sameey



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured