Khilaaf Saddeex Geesood Ah Oo Ka Dhex-Dillaacay Wasaradda Warfaafinta iy Gacan Ka Hadal Dhex Mari-Gaadhay Wasiirka Iyo Agaasimaha
Hargeisa(xogreebnews.com-Khilaaf saddeex geesood ah,ayaa ka dhex -dilaacay wasaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta kasoo u dhaxeeya masuulinta wasaradaas ugu sareeya,oo ka kooban
Hargeisa(xogreebnews.com-Khilaaf saddeex geesood ah,ayaa ka dhex -dilaacay wasaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta kasoo u dhaxeeya masuulinta wasaradaas ugu sareeya,oo ka kooban wasiirka wasaradda iyo agaasimaha iyaado ay maareeyaha Tv-ga qarankuna yahay mid si gaara ugu dhexeeya wasiirka iyo maareeyaha waxaana wararka laga heelaayo wasarada warfaafinta ay tibaaxeen,in maalinti shalay ay han-jabaad is way-daar sadeen wasiirka iyo agaasimaha oo isku khilaafay lacago la sheegay in wasiirka si sharciga bal marsan ula baxay,ayaa agaasimaha wasaradda u si weyn iga cadhooday waxaa ilo u dhuun-daloola u sheegan shabakadda warar ee xogreebnews.com in maalinti shalay u afku ka duulay wasiirka iyo agaasimaha wasaradda,waxayna wararku ku dareen in wasiir cukuse ku hanjabay in garaaci doono agaasimihiisa. Lama oga halku saldhigii doona khilaafka ka dhex-qarxay agaasimaha iyo wasiirka waxaana dhawr-jeer oo hore soo noq-noqday muraanka wasaradda waxaanay wasaradaasi noqotay intii ay timmi dawlada siilaanyo mid ay ka gammi wayday . Hadana waxaa markhaati ma doona in khilaafka kasoo cusboonaday wasarada warfaafinta ay sababi karta in laba masuul ay ku kala calaf qaadi doonan sidaa ay ugu kala awood roonaadan dhinaca qasriga madaxtooda oo had iyo goor dhinac la saafato. Dhan ka kale waxaa iyaana khilaaf ba”aani bar yahaba u dhexeeyay wasiirka iyo maareeyaha Tv-ga qarankasoo kasoo bilaabmay wakhtigii wasiirka la dalacsiyay wasiir cukuse iyo maareeyaha telefishanka qaranka ayaa midkoodba dhan ugu jiraa olole ku saabsan maamulida tvga qaranka oo digreetadii madaxwayne siilaanyo ku magacaabay maareeyaha tvga qaranka ugu madaxbanaaneey maareeyaha inuu u madaxbanaan yahay maamulida tvga qaranka balse wasiir cukuse ayaa isagu marki u tagay golaha wakiiladda hortooda ka cadeeyay inuu isagu maamulo tvga qaranka somaliland iyadoo maalmo yar kadibna wasiir cukuse shaqadii ka caydhiyay madaxii wararka ee tvga qaranka xamse cali bulbul dhanka kale madaxtooyadda somaliland ayaa la filayaa sidii caadadda u ahayd inay iyaduna dhankeeda kasoo faragaliso khilaafka ka taagan wasaaradda warfaafinta somaliland iyadoo mar khilaaf sidanoo kale ahi ka dhex qarxay wasaaradaas madaxtooyaddu faragalisay islamarkaana ay xilkii ka qaaday boobe yuusuf ducaale oo isagu markaas ahaa wasiirka warfaafinta somaliland, waxaana laga yaabaa in wasiir cukuse isna raaco wadadii boobe islamarkaana madaxtooyaddu xilka ka xayuubiso.Dhinaca kale maareeyaha laftiisa ayaa hada ka niyad jabsan qaabkan guracan ee uu wasiirku ula dhaqmaayo isaago doonaaya wasiirku in shaqaale ay caa”iilo yihiin ku daroshaqaalah tv-oo markii horebba ahaa ku la is dul tuubay,maareeye Khadar Cali Gaas ayaa garan la meel ukasoo ceeshadoawoodi uu ku lahaa Tv-ga oo ay hadda shaqaaluhuay wasiirka si toos ah uga ammar qaatan. Arrintan iyo kuwo kale oo ka socdo wasaradda warfaafinta ay mar-khaati ka tahay khilaaf huursana muddo dheer ka soc-day wasaradaas,ilaayo maalinti la magacaabay… Qalinki Cabdi casiis Bashiir Nuur Tel;4144434 Hargeisa/Somaliland Leave a comment |
|
Khilaaf Saddeex Geesood Ah Oo Ka Dhex-Dillaacay Wasaradda Warfaafinta iy Gacan Ka Hadal Dhex Mari-Gaadhay Wasiirka Iyo Agaasimaha
Hargeisa(xogreebnews.com-Khilaaf saddeex geesood ah,ayaa ka dhex -dilaacay wasaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta kasoo u dhaxeeya masuulinta wasaradaas ugu sareeya,oo ka kooban