Xukuumadda Somaliland oo dagaalka Puntland ku qabsatay Taleex kaga mashquulsan Mucaaradkeeda
Hargeysa(xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda wax talaabo ah ka qaadin dagaalka ay Puntland Maleeshiyadii Khaatumo kaga qabsatay Degmadda Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo ay muuqato in Maamulka Puntland si rasmi ah ula wareegay.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Goboladda Barri Fu’aad Aadan Cade oo ku sugan degmadda Xudun ayaa Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyey in uu wax ka qabto weerarka Puntland ku qabsatay Taleex isagoo sheegay Dadka lagu laayey ee Maleeshiyadda Khaatumo in ay yihiin Reer Somaliland waxa la qabsadayna uu yahay Dhul Somaliland.
Fu’aad Aadan Cade waxa uu Xukuumadda ku Eedeeyey in ay dayacday dhulka la qabsaday isla markaana ay ku mashquushay gudaheeda, isagoo ku Eedeeyey in ay dayacday goboladda darafyadda halka ay kaga mashquushay oo kali ah goboladda Dhexe. Dhawaaqa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Barriga illaa hada xukuumaddu wax jawaab ah kamay bixin, waxaanay u muuqataa wali in ay Il-dheer ku eegayso isbedeladda degaamadaasi ka socoto oo wali taagan. Dhinaca kale, hadalka Fu’aad ka sakow waxa jira dhaqdhaqaaq ay xukuumaddu wado oo ay kaga hor tagayso Axsaabta Mucaaradka ah oo Loolan adagi ku dhex marayo arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay Dood Qaran oo ay qaban qaabinayaan, waxaana socda tan iyo intii labada Guddoomiye Mucaarad dalka ku soo noqden kulamo lagu kala fur furayo iyaga iyo taageerayaashooda.Kulamadaas ayaa ka kala dhacay hargeysa iyo Burco, kuwaas oo ay masuuliyiinta Xukuumaddu la yeesheen xubno ka soo jeeda Mucaardka hase yeeshee waxay u muuqataa wali in Loolanku adag yahay oo aanay Liicin Mucaaradka. Leave a comment |
|
Xukuumadda Somaliland oo dagaalka Puntland ku qabsatay Taleex kaga mashquulsan Mucaaradkeeda
Hargeysa(xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda wax talaabo ah ka qaadin dagaalka ay Puntland Maleeshiyadii Khaatumo kaga qabsatay Degmadda Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo ay muuqato in Maamulka Puntland si rasmi ah ula ware