Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal oo maanta Warbaahinta Qaarkeed la hadlay+wuxu u sheegay iyo waxa laga filaayey+waxa kalfadhiga uu Golweynaha ugu yeedhay laga filan karo!.

0
Wednesday April 10, 2013 - 17:07:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal oo maanta Warbaahinta Qaarkeed la hadlay+wuxu u sheegay iyo waxa laga filaayey+waxa kalfadhiga uu Golweynaha ugu yeedhay laga filan karo!.

    Hargeisa-(xogreebnews.-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo kula hadlay xafiiskiisa saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Maxalliga ah ayaa sheegay inuu kalfadhi aan caadi ahayn isagu yeedhay Gole-waynaha guu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo kula hadlay xafiiskiisa saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Maxalliga ah ayaa sheegay inuu kalfadhi aan caadi ahayn isagu yeedhay Gole-waynaha guurtida .


Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal oo maanta Warbaahinta Qaarkeed la hadlay+wuxu u sheegay iyo waxa laga filaayey+waxa kalfadhiga uu Golweynaha ugu yeedhay laga filan karo!.
Hargeisa-(xogreebnews.-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo kula hadlay xafiiskiisa saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Maxalliga ah ayaa sheegay inuu kalfadhi aan caadi ahayn isagu yeedhay Gole-waynaha guurtida .
Sidoo kale mar wax laga weydiiyey Gudoomiyaha wuxuu ku saabsan yahay Ajeendaha kalfadhigan aan caadiga ahayn ee uu gole-weynaha ugu yeedhay wuxuu sheegay inaanu Ajeendaha kal-fadhiga hadda cidna u sheegayn balse marka gola-weynahuhu isu yimaado la sheegi doono.

Geesta kale wuxuu Gudoomiyaha guurtidu sheegay inaanu soo gaadhin, hayn, ogeyna wax codsi muddo kordhina oo uga yimi Golaha wakiilada oo mudo xileedkoodu dhamaadey sadex sanadood ka hor balse Madaxweyne Siilanyo oo garabsanaya Saleebaan Gaal Laftiisa u kordhiyey muddo 2 sanadood iyo 8 bilood ah tiina iminka gabaabsi tahay.
Hase yeeshee xoggaha Qarannews ka soo ururisey yeedhmadan Gudoomiyaha Guurtidu ugu yeedhay gola-weynaha ayaa ku aroortay sadex qodob
-Golaha oo laga filaayo inuu ansixiyo xubno cusub oo ku soo biiray golaha Guurtida laftiisa oo dhaxlay laba marxuum oo golaha ka baxay.
-Golaha oo la filaayo inuu ansixiyo gudoomiye ku xigeenka koowaad oo golaha guurtida oo Qasriga madaxtooyadu u qoondeeyay Siciid timo-weyne oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii labaad oo hal derejo kor loo dalacsiiyey,sidoo kale waxaa Qasriga madaxtooyadu u doonayaa inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka labaad Muxumed Aw Axmed .
-waxaa la filayaa in golaha gurtidu u kordhiyo laba sanadood iyo badh golaha wakiilada oo muddo xileedkoodii Siilanyo u kordhiyey Gabaabsi iska yahay.
Isku soo wada duuboo waxaa soo bidhaamaaya calaamado iyo faallooyin siyaasiyiinta mucaaridku ku tiraabaan oo sheegaaya inaan inta Siilanyo kursiga Madaxtooyada fadhiyo wax doorasho ahi Somaliland ka dhaci doonin,kordhintu tirobeeli doonto maadaba uu ogaadey inaan mucaaradad adag oo ku qasbaysa inuu doorashooyin dalka ka qabtaa muuqan, ku darsoo uu ogaadey in dareenka dadkuna deman yahay,wax keliya ee lagu cabsi-geliyaa ama lagu khuukhiyaana tahay hareeraheena holcaaya ee nabadgelyada hala ilaaliyo!.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured