Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Galaal) oo Ka Mid Haldoorka Dhaqanka Somaliland ayaa Si Kulul u Dhaliilay Dhaqanno Cusub oo waayadan Dambe Lagu Arkay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

0
Wednesday November 27, 2013 - 19:34:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Galaal) oo Ka Mid Haldoorka Dhaqanka Somaliland ayaa Si Kulul u Dhaliilay Dhaqanno Cusub oo waayadan Dambe Lagu Arkay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

    Suldaan Galaal ayaa Hadlka Waran-cadde ku tilmaamay mid ku soo baxay ka fiirsasho la’aan ku soo baxay oo aan laga baaraandegin dhibaatada uu hadalkaasi keeni karo, “Ina waran-caddow waxad tidhi Lacag lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Galaal ayaa Hadlka Waran-cadde ku tilmaamay mid ku soo baxay ka fiirsasho la’aan ku soo baxay oo aan laga baaraandegin dhibaatada uu hadalkaasi keeni karo, “Ina waran-caddow waxad tidhi Lacag lagu Hargeisa(xogreebnews.com-Suldaan Galaal oo Maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta ugu
warramayey Huteel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, waxa uu Ugu
Horrayn ka Hadlay Dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha
Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, kaas oo uu ku tilmaamay in
Rag ka tirsan mucaaridka Somaliland ay gacan saar la leeyihiin
Xukuumadda Xamar.
Suldaan Galaal ayaa Hadlka Waran-cadde ku tilmaamay mid ku soo baxay

ka fiirsasho la’aan ku soo baxay oo aan laga baaraandegin dhibaatada
uu hadalkaasi keeni karo, “Ina waran-caddow waxad tidhi Lacag lagu
Burburinayo waddanka ayaa laga soo diray Soomaaliya’e Abti Koonfur
inaynu wax Geyno mooyee inay wax inoo Keenaan hore u ma ay dhicine,
Wax cad ma u haysaa mise Xaal Baan ka Bixiyaa, abti bahashu laydh bay
leedahay oo ciidan bay leedahaye sawkuwan iska Fadh fadhiya ee Bilaa
Camalka ah,” ayuu Yidhi Suldaan Galaa.
Suldaanka ayaa sheegay inaan Ragga Mujaahidiinta ah ee Haatan
Waran-cadde Hadalkan kula Dul kufay aan looga Baqanayn inay Arrimahaas
oo kale ay gacanta laga galaan, milgahoodana aanay ahayn, waxana uu
yidhi, “Ragga Maxamed Xaashi, Dhegoweyne, Xasan Ciise iyo Xasan Guure
lihi wixii ay dhisteen ayey cid kale ku Burburinaysaa wax Macquul ma
ahee Abti caddayn baa halkaa lagaa rabaa Haddii kale Xaalbaan Halkaas
ka Bixyey abti baan kuu ahayoo inanka aad abtiga u tahay waxaad
jeceshahay inuu Guulaystoo oo aan la legdin.”
Suldaanka ayaa farta ku fiiqay inay Nusqaan inagu Tahay inaynu maanta
is Hoos Geyno Xamar oo aynu isku Ceebayno ku Xidhnaanteeda, isagoo
wasiirkana xasuusiyey inuu Odhaahdiisa dib ugu noqdo,“Anigu Xog-ogaal
baan ahayoo Haddii cidi khatar ku keenayso Somaliland Abti Qiyaastii
Baa Kaa Luntaye ma aha kuwan ee waa meel kale, ismana aan lahayn
inagoo maanta Miisaaniyadeenu Boqol iyo Labaatan milyan oo Dollar
tahay ceeb bay inagu tahay inaynu Xamar Eegnaaye, Abti Waxad
Habeenno Dhaweyto ku hadlaysay waanu Fajacnay Dadkoo Dhan.” Ayuu Yidhi
Suldaan Galaal, waxana uu intaas ku daray, “ waxan u sheegayaa
wasiirka Abtigay Abti Bahashani waa Bahal Nalagu Baayacay oo nala
Yidhi Caasimadda iyo madaxweynaha qaata oo aanu ka soo Diidnay.”
Waxa uu sidoo kale Suldaanku Faahfaahin ka Bixiyey Sababtii markii
hore soomaalidu Dawladnimadda uga dan lahayd oo uu sheegay inay ku
Guuldarraysteen, balse Somaliland Guul ka gaadhay wixii ay dhisatay,
waxana uu yidhi, “Ujeeddadii Dawladnimada Soomaaliyeed waxa looga Dan
lahaa in La Sameeyo Astura, iyagoo is lahaa Baylahdiinaydin asturan
doontaa oo Isticmaarkaa Guuri, laakiin Markii Dambe Kaashifa ayey
Noqotay oo way kashiftay soomaalidii, Inaguna markii Taasi Burburtay
waxaynu Doonanay Dawlad yar oo Astura ah, maantana waxaynu maraynaa
Marxalad Fiican, waxana aynu samaynay Tanaasulaad oo maynaan kala
Adkaanin. Adina Nabadgelyadii Raggii igala Qayb Qaatay Baad ka mid
ahayd, Bahashaad maanta tidhi Koonfur baa laga Baabi’inayaa
dhibkaasaanu u soo marnay.”
Dhinaca kale waxa uu Suldaan Galaal ka hadlay Arrimo siyaasadeed badan
oo la xidhiidha Dhinaca Siyaasadda oo inta badan aan Bulshada loo Soo
Bandhigin, iyo Heshiisyo Mashaariic Guulo leh oo Xukuumaddu La
Gaadhay Dawladaha caalamka ee Mashaariicda Wax ku Oolka ah Bixiya,
“Dawladda Muqdisho waa kuwii inagu sheegay inaynu Gobollo ka mid ah
nahay markii ay ku-meel gaadhnimada ka baxeen, laakiin shirkii dhawaan
ka dhacay Dalka Beljium-ka ee Soomaaliya hallagu caawiyo la yidhi,
waftigii Dawladda Soomaalida Halkaas u tagtay waxa lagu xidhay oo lagu
Yidhi Somaliland Nabadgelyo ayey Haystaan idinkuna Ictiraafkii Baad
haysataan, markaa Mashaariicda la soo qaybsada oo la soo sameeya,
Shirkii dhawaan Chine ka dhacayna waxa lagu Go’aamiyey oo Soomalia
loo sheegay inaynu Chine la Tagno mashaariic aynu u wada Dhannahay,
wax aynu ka Maqanahayna la siin maayo oo loo Oggolaan maayo” ayuu
yidhi Suldaanku.

Sidoo kale waxa uu Suldaanku Xusay in wixii dhib ah ee Shacabka iyo
Waddankaba Soo Gadha ay kala Xisaabtami Doonaan Xukuumaddan Kulmiye,
waxana uu yidhi, “Maanta Haddii waddanku wax Noqdo cidda aanu u
haysanaa waa Kulmiye, cidda xukunka haysata iyo Tujaartooda ayaanu u
haysanaa, ninka Talo Diidaana waa Gar Diid. Wada tashi iyo in wax la
wada ilaaliyo ayaa loo Baahan yahay.”
Ugu Dambayntii waxa uu Suldaan Galaal is weydiiyey sababta ay
xukuumaddu u qarinayso Mashaariic uu sheegay in Dunidu inoo
Oggolaatay, waxana uu ka Codsaday in Mashaariicdaas la Hawlgeliyo oo
dadka wax loogu qabto, waxana uu yidhi, “waar maxaa Mashaariicda iyo
Dib udhiska loo soo qaddimi la’yahay, maxaa loo qarinayaa ee loo soo
Bandhigi la’yahay mashaariicda Chine iyo Buljium la inooga oggolaaday
ee lagu Ballamay in labada Madaxweyen Saxeexaan.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured