Iska-Horimaad Iyo Shaqaaqooyin Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Keenay Oo Dhexmaray Ciidan Uu Watey Wasiir Cabdi Aw-Daahir Iyo Dad Shiciba.

0
Wednesday April 10, 2013 - 16:50:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska-Horimaad Iyo Shaqaaqooyin Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Keenay Oo Dhexmaray Ciidan Uu Watey Wasiir Cabdi Aw-Daahir Iyo Dad Shiciba.

    Burco-(xogreebnews.-Iska horimaad iyo shaqaaqooyin saaka dhexmaray dad shiciba iyo ciidamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco-(xogreebnews.-Iska horimaad iyo shaqaaqooyin saaka dhexmaray dad shiciba iyo ciidamo Iska-Horimaad Iyo Shaqaaqooyin Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Keenay Oo Dhexmaray Ciidan Uu Watey Wasiir Cabdi Aw-Daahir Iyo Dad Shiciba.

Burco-(xogreebnews.-Iska horimaad iyo shaqaaqooyin saaka dhexmaray dad shiciba iyo ciidamo uu watay wasiirka xanaanadaha xoolaha Dr.Cabdi Aw-daahir Cali ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana iska-horimaadkaas ku dhintay hal qof oo shiciba iyo hal Askari oo ka tirsan ciidankii wasiirka xanaanada xoolaha Cabdi Aw-daahir horkacaayey.

Iska horimaadkan ayaa sida xogaha xogreebnews.comheshay tibaaxayaan curtay ka dib markii wasiirka xanaanadaha xoolaha Cabdi Aw-daahir ciidan geshay,xoogna u adeegsaday dad shicib ah oo beeralay iyo xoola-dhaqato isagu jiraa oo deganaa Seeraha Aroori agagarkiisa 20-kii sanadood ee ugu danbeeyay inkastoo dhulkaasi xilligii dawladii Siyaad Barre Seere ahaan jiray.
Wasiirka xanaanada xoolaha Cabdi Aw-daahir ayaa sida dad u dhuun daloola shaqaaqadani xogreebnews. u sheegeen adeegsaday cudud ciidan si uu dadkaas u raro balse ciidankii uu watey waxay isku dhaceen dhalinyaro dadkii degaankaas ka mid ah oo ilaa shan qof tiradooda lagu qiyaasey kuwaas oo is rasaaseyni dhexmartay ciidankii wasiirku watey.
Xogaha soo gaadhaya xogreebnews. ayaa ila hadda sheegaaya in dhalinyaradii mid laga dilay,midna dhaawacana la soo qabtey,halka ciidankii Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir wateyna hal Askari laga dilay.
Isku soo wada duuboo xikmad baa ah “ Kabatolow ma halkaas ka furkidisey,Wasiir Cabdi Aw-daahir ma maantuu Aroori iyo shantii inan ee habar-yoonis kala socotey markuu mucaaridka ahaa dab-geliyey!,wallee tu ka xun ka filo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured