Qormadii 48-aad Qabyaaladeynta wadooyinku waa ku-raad-gadasho iyo weji cusub oo qaybi oo xukun ah.–

0
Monday November 25, 2013 - 19:50:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormadii 48-aad Qabyaaladeynta wadooyinku waa ku-raad-gadasho iyo weji cusub oo qaybi oo xukun ah.–

    Waa taxanaheenii Dooh-Didibso-Sameyso-Qar-qarso ee idinkuna Doobir ii-dha !!. Waa taxanaheenii diidanaa damaca- dahsoon-danbas-uduuga-dir-sooca- iyo dilaalnimada ay xukuumadeenu caadeysatey.Waa taxanaheenii diidanaa doog-dhabasha-doogsin-cararka-dab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa taxanaheenii Dooh-Didibso-Sameyso-Qar-qarso ee idinkuna Doobir ii-dha !!. Waa taxanaheenii diidanaa damaca- dahsoon-danbas-uduuga-dir-sooca- iyo dilaalnimada ay xukuumadeenu caadeysatey.Waa taxanaheenii diidanaa doog-dhabasha-doogsin-cararka-daba- Waa taxanaheenii Dooh-Didibso-Sameyso-Qar-qarso ee idinkuna Doobir ii-dha !!. Waa taxanaheenii diidanaa damaca- dahsoon-danbas-uduuga-dir-sooca- iyo dilaalnimada ay xukuumadeenu caadeysatey.Waa taxanaheenii diidanaa doog-dhabasha-doogsin-cararka-daba-kanuugnimada ee idinkuna doobir-ii-dhaha!! Waa taxanaheenii duraayey dig-digleyaasha- dulugleyaasha- ah ee dudeda - duleedka iyo deyrka- xeyn-daabka madaxtooyada ka doobinaaya- ee ka-dhibi-shaxleynaaya. Waa taxanaheenii duraayey dibin-daabyada iyo dayacaada ay xukuumadu ku hayso caynkii iyo baydii-dabarkii iyo seetadii, shakaaladii iyo suneyaashii isu-wada-hayey hab-sami-u-socodkii hayadahii dawlada iyo xeerkii iyo xeegaankii wadanka u- yaaley. Waa qormooyinkeenii qaawinaayey habqan-socodka habaq-leysiga-iyo kala horida-hormo-qamaamka-beeleysan- ee hadana kooxeysan ee dawakhiyey muskii iyo mis-cirirtii xeyn-daabkii madaxtooyada.

Waxaanse taa ka sii daran oo aan la sii yaabey markii ay xukuumadii alooskii iyo agaasinkii wadooyinka ay qabyaaladeysey ee uu xaalkeedii noqdey wado- wado -u-xanib. ku-ye wado dherekeedu yahay 350km oo aan hore-loosii qorsheyn oo lagu qiimeeyey kharajkeeda ilaa iyo 60-70 Million ayaanu dhisaynaa oo qurbe-joogta iyo tujaarta wadanka la kaa-shanaynaa.Talow miyaaney ogeyn in inta wado laami ah ku-yaala guud ahaan Somaliland oo dhan uu dherer-keedu gaadhayo ilaa iyo 770 km oo keliya, Taas oo la soo dhisaayey ilaa iyo 70-kii sanadood ee la soo dhaafey oo ilaa iyo Gumeystihii Ingiriiska ah.Markaa ma-caqlibaa 350 km oo ah kala badh wixii hore-inoogu dhisnaa ayaanu si sahlan oo fudud dhakhso loogu dhisayaa? Waa Yaab!! Waa Aman-kaag !! Waa Ku-raad-gadasho! Waa Qaliban!! Waa Suke!! Waa siyaasad daciif ah oo saqiirtey!!
Arimahan aqoon-la'aanta iyo qorshe la'aanta is-huwan ee hada loo maamulaayo wadooyinka wadanka ayaa waxaa loo qaadanayaa in xeyn-daabka madaxtooyadu ay wado xaalad abuur hor leh iyo in ay wado qorsheyaal xaafadeysan oo dhinac u-xaglinaya kuwaas oo salka ku haya degaameynta degaano gaar ah maadaama ay xukuumadii ka dul-boodey wadooyinkii gaa-gaabnaa ee wadanka ka socdey iyo qorshe-yaashii guud ee wadooyinka qaranka u-qorsheysnaa ee ay u-badheedhey in ay xukuumadu dar-dar-geliso oo keliya wadooyinka dhaca degaano gaar ah iyada oo aan weli la-dhamestirin wadooyinkii ay hore ugu balan-qaadey dhismahooda iyo dhameys-tirkooda ee ay faraha la gashey, dhismeyaasha wadooyinku waa waajib,waa sadaqul-jaariya, waa wax-tar dad iyo duunyaba, waana ay wanaagsantahay in meel-looga soo wada jeesto laakiin waxa aan xikmad aheyn,xaq-aheyn, xeer aheyn oo xaaraan ah in wado socotey loo xanimo wado kale oo wadooyinka la qabyaaladeeyo oo kolba jar- la isku qaado oo la jiboodo oo buuraha la jafo. Waxaa kale oo caqliga fayoobi ku siinayaa in ay arintan cusub ee wado qab-yaaladeyntu ay xukuumada hore ugu qorsheysneyd markii ay xukuumadu ay hayadii wadooyinka ee (Somaliland Road Authority ) ee loo soo gaabiyo SRA ay kala soo wareegtey wasaaradii ka asturi laheyd ee ay hayadii wadooyinkiina ay xukuumadu la soo gashay xayn-daabka madaxtooyada si aan looga soo daba-gelin oo aan wax-looga ogaan,Taas oo markiiba shacabku wada-dareemay xukuumadii oo markiiba dhinac-u-xaglisey oo si-qarsoodi ah oo dadban iyo si cadaan ahba u-bilaa-bey kaambeynka wadooyin hor-leh oo degaameysan oo aan qorshahaba hore ugu-jirin sida wadada laga bilaabey Bariga Berbera ilaa iyo Ceel-Afweyn oo iyaduna ah Wado aad u-dheer oo u-baahan Qorshe qaran,tacab badan iyo waqti badan.
Waxaa kale oo iyana wax-garadka wadanka ee foojigan ee fo'gaan araga ahi uu isha ku-hayaa bal-sida ay Xumuumadu u-maamusho lacagta loogu talo galey guud ahaan wadooyinka Somaliland lacagtaa oo ah ilaa 1.3 Million Doolar lacagtaa oo ku jirta sanduuqa (Somaliland Trust Fund.) Lacagtaa oo aan xukuumada mar-na laga yeeleyn in ay ku jiheyso Wadooyin gaar ah ee u-baahan Xaq-soor iyo Cadaalad in loogu qaybiyo dayactirka wadooyinka Somaliland oo dhan.
Nasiib-daro maanta waxa ay xukuumadii noqotey mid aan laheyn hiyi iyo hilaad durugsan, mid-aan laheyn odorosyo iyo aragti fog (vision) waxay noqotey mid aan hananin sinaantii, xaq-soorkii, walaaleyntii, wadarnimadii iyo wadaninimadii shacabkeedii dirtey ee doortey ee kursiga saarey, waxay noqotey mid aan hanan nabadgelyada shacabkeeda iyo dhawrista xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinteeda,waxay noqotey mid baal-martey saami-uqeybsigii xaqa iyo xallaasha ahaa ee ay kheyraadkii dabiiciga ahaa ay u-maa-mushey. waxay ku-fashilantey nidaamkii dhismihii dawooyinkii dalka u-qorsheyseynaa ee ku daabacnaa buuga qorsheynta qaranka taas oo daafeysey oo ay dhinac ka rartey. Waxay noqotey xukuumad ragaadisey oo sii hagaasisey geedi socodkii dimuqraadiyadeed iyo hirgelintii himilooyinkii lagu taamaayey ee ummaddu filaneysey ee ay hore ugu balan-qaadey.
Guntii iyo Geba-gebadii: Intii nidaamkan uu Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay uu qabtey hogaanka S/land, Waxaa ramiimka noqdey oo baaba'ay oo lumey oo meesha ka baxey hanaankii iyo sharaftii dawladnimo, bro-takoolkii, burjigii, buruudkii iyo burhaantii qaranimo, kasmadii,kala-danbeyntii, karaamadii maa-mulka iyo maareynta ee dawladnimo iyo higsigii, horumarkii iyo habsami u-socodkii himilooyinkii dawladeed ee la higsanaayeey oo wada hintaaqmey.wada majare-habaabey oo wada gaabis noqdey. Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo milge-maamuus-midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, waxaana hada shacabka Somaliland la gudboon in la taageero Shirka Dooda Qaranka ee xisbiyada qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo oo miisaanka loo saaro wax-qabadka xukuumada iyo jahada ay ku socotoba.
Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/fidhinle
Intensive BD ED PA
United Kingdom
London





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured