Golaha Guurtida Oo Markii Labaad Mudo Kordhin Laba Sano Ah Loo Wado

0
Wednesday April 10, 2013 - 16:44:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo Markii Labaad Mudo Kordhin Laba Sano Ah Loo Wado

    Hargeysa(xogreebnews.com)— Golaha Wakiilada Somaliland oo muddo kordhintii labada sano iyo siddeed bilood ahayd ee golaha guurtidu u kordhiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com)— Golaha Wakiilada Somaliland oo muddo kordhintii labada sano iyo siddeed bilood ahayd ee golaha guurtidu u kordhiyay
Golaha Guurtida Oo Markii Labaad Mudo Kordhin Laba Sano Ah Loo Wado


Hargeysa(xogreebnews.com)— Golaha Wakiilada Somaliland oo muddo kordhintii labada sano iyo siddeed bilood ahayd ee golaha guurtidu u kordhiyay badhtamihii 2010-kii ay ku eegtahay dabayaaqada bisha May ee sanadkan 2013-ka ayaa la sheegay inay wadaan ololayaal ay ku doonayaan in muddo kordhin laba sanadood ah golaha guurtidu qalinka ugu duugaan marka la gaadho bisha June ee 2013-ka, oo muddo kordhintii hore kaga eegtahay.


Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan golaha wakiilada oo ka cudur-daartay in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in golahooda wakiiladu ay ku talo jiraan sidii muddo kordhin labaad oo muddo laba sanadood ah xilka loogu kordhin lahaa, taas darteedna ay qabaan in doorashadii golahooda oo ku beegan inay dalka ka qabsoonto bisha July ee 2013-ka aanay sanadkan dhacayn, waxaanay ilo wareedyadaasi intaa ku dareen in golaha wakiiladu ay rabaan in doorashada golaha wakiilada iyo madaxtooyada oo ku beegan 2015-ka hal mar la wada qabto. Waxa kale oo ilo wareedyadu tibaaxeen in golaha wakiiladu ay qiil ka dhiganayaan hawlaha qabyada ah ee doorashooyinka horyaala, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha cusub ee wakiilada oo aan samaysnayn, diiwaangalintii codbixiyayaasha oo aan la bilaabin iyo degmooyinka iyo gobollada cusub ee lagu dhawaaqay oo aan ilaa hada la sharciyaynin, taas darteedna ay yihiin arrimahaasi qodobada ay cimri dhererka kaga dhiganayaan muddo kordhinta labada sano ee ay golaha guurtida ka quudaraynayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured