Hamigii Cali Warancade iyo Taladii uuna waydiiyay ma Wasiir buu ku soo ururay?Caliyow Siilanyo iskuma hubtide yuu Ummada ku seejin!.

0
Thursday November 21, 2013 - 20:48:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hamigii Cali Warancade iyo Taladii uuna waydiiyay ma Wasiir buu ku soo ururay?Caliyow Siilanyo iskuma hubtide yuu Ummada ku seejin!.

    Dardaarankii aanu ku siinay maalintii xilka aad tirsanaysay oo sabti ah jimcihii ka horeeyay waxaad ka dhigtay hal bacaad lagu lisay hadaan dib kuu xasuusiyo waxa uu ahaa xukuumada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dardaarankii aanu ku siinay maalintii xilka aad tirsanaysay oo sabti ah jimcihii ka horeeyay waxaad ka dhigtay hal bacaad lagu lisay hadaan dib kuu xasuusiyo waxa uu ahaa xukuumada Dardaarankii aanu ku siinay maalintii xilka aad tirsanaysay oo sabti ah jimcihii ka horeeyay waxaad ka dhigtay hal bacaad lagu lisay hadaan dib kuu xasuusiyo waxa uu ahaa xukuumada siilanyo ee aad maanta ku biirtay waxay u badan yihiin qaalimo layliya oo aan siyaasada u bislaan adiguna waxaad tahay awr raray ah oo biyo madaadshe ah oo layligaas soo dhex galay waxaa lagaga baahan yahay inaad odayga siilanyo ee kaa maarmi waayay ee ku xushay inaad u noqoto Musdanbeed uu la tashado oo marka xaalku ku xumaado waydiiyo sida wax loo maareeyo waayo odaygu mucaaridada ayuu la qabsaday ee muxaafidnimada weli lama jaan qaadin waxaanay kaga dhegtey hebel bedel oo mid kale keen taasina xal uma noqoto maamul xumo! adiguna waxaad tahay intii jamhuuriyadu dhaqaaqday nin soo shaqeeyay oo xafiiska wax badan joogay oo ka kasbaday waayo aragnimo badan,

Hadaba adigu hadaad maanta talo na way diisay dalka u shaqee inay CV gaaga kor u qaado mooyee waxba kuu dhimi mayso shaqadan laguu magacaabay laakiin waa inaad isku wadaa mucaaridka aad maanta kasoo dhex baxday iyo muxaafidka aad ku biirtay oo aad ahaato silsiladii labadaas isu jiidaysay oo aad heshaa dawada labaduba wadaagi karaan! nasiib daro adigii aanu is lahayn dalka daawo haw noqdo ayaa daawo u baahday ( hadii daawo bukooto maxaa lagu dabiibaa!),
waxaanu islahayn waa nin hami sare leh ee inta uu dalka iyo dadka u shaqeeyo ayuu kursiga dalka u sareeya raadsanayaa sow Caliyow waanu kugu khasaaree hamigaagu wasiir buu ahaa!. sow Caliyow talo siyaasdeed guul wadayn baad ka taqaanay! waxa la yidhi hal kasta shilalka ay isdhigto ayaa lagu qalaa! halkaanu kula rabnay iyo halkaad isdhigtay kala fogaa! miyaanad ku cimro qaadan ragii kula midka ahaa ee siilanyo wax kasta u seegay ee uu shalay soo eryay ee Dr.Gaboose lahaa, ee maxamed xaashi lahaa ,ee boobe yuusuf ducaale lahaa, ee maxamed nuur caraale (duur) lahaa ma cid buu ka tegay Odaygu sowtuu dalka oodhan wada maray!,
Cali maantana waxaan leeyahay weli rajo siyaasdeed ayaad leedahay tuhunkii umadu kaa qabtayna muu dhamaan kursigan aad ku fadhidaana laguuma dooran ee nin ayaa kuu magacaabay beri ka maalin ayuu kaa eryi karaa sidii ragii kaaga horeeyay waxa raasamaal kuu ah ee aad ku soo noqonaysaana waa ragan maanta aad warbaahinta uga hanjebeysid in aad xaalada dalka dejiso mooyee ma aha inaad rag dalka iyo dadka kaaga lexejeclo badan oo hore naftooda ugu soo huray ku tilmaanto in ay qaswadayaal yihiin oo dalka mashruuc ku soo qaateen, markaad adigu xamar isbarmuutada ku cabaysay iyagu rasaasta ayay ku dhamayeen qaaxo oo injirtu ku gashay! waxaase idiin kala hiiliyay nasiibka! waxaanad ka faa,iiday cafiskii qaran ee loo sameeyay ragii faqash ku hadhka ahaa ee aad ka midka ahayd!,
waxaan ku soo koobayaa Caliyow Siilanyo iskuma hubtide yaanu umada ku seejin!
A.A.Nur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured