Ina C/qaadir Oo Muuse Biixi Ka Waraysanaya Xaaladiisa Siyaasadeed Iyo Ta Kulmiye! (Q2–²aad)

0
Saturday November 16, 2013 - 09:33:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ina C/qaadir Oo Muuse Biixi Ka Waraysanaya Xaaladiisa Siyaasadeed Iyo Ta Kulmiye! (Q2–²aad)

    Ina c/qaadir; Waan ku salaamay gudoomiye, Muuse biixi; Sidoo kale Ex gudoomiye hore;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ina c/qaadir; Waan ku salaamay gudoomiye, Muuse biixi; Sidoo kale Ex gudoomiye hore; Ina c/qaadir; Taladii aan hore kuu siiyay ee aan ku idhi waar meesha wax xisbi la yidhaah waa laga saaray oo 4.5 ayay kuugu badinaysaaye taas wax ku doon oo Saleeban Gaal ergo ka dhigo oo Siilanyo luqada lagula hadlo waata qabiilka ee taas wax kaga baadi doon oo la soo bax balanadii idinka dhaxeeyay iyo sidii aad ugu hiilisay si uu Samaale kaaga reebo sow taladaydii kumay anficin?
Muuse biixi; Xaqiiqdii ishaad ka riday! waa talo aan surmo seegto lahayn oo lagu najaxay haday sidaas ku socoto oo aanay wax isbedelin December guul ayay ku dhamaanaysaa,

Ina c/qaadir; Maalin dhawayd waxaan arkayay mujaahidkii Ina kaahin oo sigtay waaban shekiyay oo waxaan is idhi waar malaa Muuse ayaa shaxda ka danbeeyay oo waa fartii SNM lagu yiqiin inatay is khaarajiso ayay hadana oohinta yaxaaska daadisaa! waa dhaqanadii laga bartay siyaasadihii iska soo hor jeeday ee labadii quwadood ee reer galbeedka iyo reer barigii ruushku horboodi jiray qof inta arin loo diro isaga oo ku maqan la khaarajiyo ama marka uu soo dhameeyo isagii laga takhaluso si kiis kaasi usoo xidhmo! oo Muuse ayaa raba in xaalada kulmiye weji kale yeelato! bal iiga waran sida xaal u dhacay?
Muuse biixi; Waar hadaan cid khaarajinayo Mujaahid maxamed kagama bilaabeen oo waa raga birmo geydada ah ee faro ku tiriska ah ee noosoo hadhaye qaar aan weligood khayr laga helin oo tan iyo faqashtii u soo shaqaynayay ayaa mujaahidka loo soo adeegsaday waa ku wii cadowga u dhiibay Mujaahid C/laahi askar ee markii la ciqaabayay mujaahidka sacabka iyo mashxarada la dul taagnaa ee dalka markii lasoo galay aan lala xisaabtamin ee layska cafiyay ayaa maantana haldoorkii SNM ka soo hadhay damcay inay ku daraan! kuwaas oo la soo adeeg saday bay ahaayeen,
Ina c/qaadir; Waar ninyow marka aad saxaafada ka had laysid af adayga iska daa waan yaabay nimankaas falkaas ku kacay inkasta oo aanay istaahilin in loo naxariisto hadana meesha aad hadalka gaadhsiisay ayaan ka yaabay qalaf sanaanteeda iyo xabaalo qod keeda waxa fiicnayd inaad tidhaah kuwaas waalayaqaan oo sharciga ayaa lasoo hortaagayaa denbigoodana waa lagu qaadi intaas ayaa ku filayd bal markaad saxaafada ka hadlaysid hadalka wax la hadh nin siyaasad u sharaxn baad tahay oo qofna kama maarantid hadalkana inta aanad golaha la tegin baa lasyka shaandheeya oo midh kii adiga kugu soo noqonaya ee wax kuu dhimaya waa laga saara bal saaxib hadalka yarayso xukun doona waad tahaye! kawaran nin kii ciro shalay adiga oo u baanaya ayaan arkayay maxaa dhacay?,
Muuse biixi; Waar meeshan saaxib nimaan hadlin habartiina wax ma siiso hadaanad ismuujin oo nin walba u jawaabin qiimo yeelan maysid! kan Ciro waxa uu rabaa isaga oo ah gudoomiyihii qaynuun ilaaliyaha inuu isagii jabiyo oo madal iyo waxaan loo jeedin uu nagu soo ciyaarsiiyo haduu ragimo isku hubo muu xisbigiisa aamino oo miidaanka iskeeno muxuu god mulaca ugu wareegayaa!,
Ina c/qaadir; Waar mujaahidiintii aad qaaxo isla joogteen ee aad cidlada kaga dhaqaaqday ayuun buu cidla kaqaatay oo uu ururiyay ee waxaba muudhimine! waxa uu ku doodayaa shirqaran iyo shirbeeleed toona ma wado ee waa dood qaran taa maxaad ku diidan tihiin ee aad ka uriseen?
Muuse biixi; Waar bahashu hoostana waa ka sumini dushana waa ka canteyn waa halkii Aw Xasan Sheikh waxay rabaan intay siyaasiyiinta isugu yeedhaan inay inqilaab siyaasadeed sameeyaan oo ka dhigaan shirweyne qaran oo dalka siyaasadiisa lagu mijo xaabiyo!,
Ina c/qaadir; Waar madaax saska uga qaadeen sowtii inaba markii aynu mucaaridka ahayn ee aynu haraadanayn la heshiinay ururkii Qaran ee Dr; gaboose iyo Mujaahid Maxamed Xaashi wateen ee qayrul dastuuriga ahaa xaaladu ma la jiifiyaana banaan baa sowtaad ogayd inaynu hadhka cad taageeray ee heshiiska la saxeexanay nimankan xisbiyadu haday ragii yar kululaa hawshii kala wareegeen oo xaaladii dejiyeen oo ay iyaga ku qancinayaan anaga ayaa hawshaas idin kala wereegnay oo sharciyad u haysana inaanu dowlada la xisaabtano oo waxaad saluugteen umada dood ugu qabanayna ma wax baa ku jaban?
Muuse Biixi; Somalida ayaa tidhaah fiintu jirka soo socda ayay ka sii oydaa ragan mus danbeedka ku soo jira ayaan kaa aqaan oo markay xisbiyada ku guuraan ayay miciyo libaax la soo baxayaan oo meesha aamin mayaal saaxiib! Cigaal shiidaal waxaa laga hayaa subxaanyada kamaan baqane meeshu inay wado halaqmareena noqoto ayaan ka baqayaa!,
Ina c/qaadir; Waar kii Samaale ma hiririgtii Saleebaan Gaal ayaad ku reebtay?
Muuse biixi; Waar isaga oo meel xun nala maraya ayaa ilaahay noo kaasoo diray oo aad talo nagu soo kordhisay waa kii xisbigii iyo xukuumadiiba naga qabsaday aniga iyo mujaahidkii ina Kaahin Odaygii Saleebaan Gaal ee shaxda uu dhigaa aanay dhul uga dhici jirin ayaa aakhiro u diray oo ku yidhi waar doorkan hadaanu nahay reer Qudhac Muuse biixi ayaanu wadanaa ee saaxiib iska naso! Siilanyo ayuu isku haleenayoo way soo dhamaatay taasi laakiin weli Xirsi Gaab ayuu rajo ka qabaa oo sugayaa!, Laakin isna Saleeban Gaal baa igaga filan oo far xeerka reer qudhacooda isla yaqaanan.
Ina c/qaadir; Waar kaasi waxba sheegi maayo ee haka baqan mar hadii Saleebaan gaal hawshii dhexda u xidhay reerka isagay tiisa noqotaa marka xaajadu meelxun gaadho oo lagama daba hadlo!,
Muuse biixi; Waar nin ku nin sidaas u hawl yar maaha damac badana waa ku jiraa nin kan Samaale isaga ayaa hore iigu soo ciyaarsiiyay oo ugu talo galay inuu meesha nagaga saaro aniga iyo mujaahidka markaas xaaladu weli cabsi kama madhna waa hanasna u maqan!,
Muuse biixi; Waar nin ku nin sidaas u hawl yar maaha damac badana waa ku jiraa nin kan Samaale isaga ayaa hore iigu soo ciyaarsiiyay oo ugu talo galay inuu meesha nagaga saaro aniga iyo mujaahidka markaas xaaladu weli cabsi kama madhna waa hanasna u maqan!,
Muuse Biixi : Iiga waran kii Cadaani Saxardiid ee aan si nasteexo ku jirto idin idhi waar gaadha oo qabta isma ogee waadigii lahaa shir ayaanu u qabanaynaa oo waxaanu isku dayaynaa in aanu ka dhaadhicino inuu dhexdhexaad ka noqdo arinta Aniga iyo ina samaale mala hadasheen?
Ina C/qaadir; Berigii uu dhacay dagaalkii labaad ee aduunku ayaa Maxamed Nuur Laangadhe oo Hargeysa jooga u yeedhay gumaystihii Ingiriiska ahaa ee dalka xukumayay markaasuu ku yidhi waxaad soo tirisaa tix gabay ah oo aad ku taageeraysid dagaalka uu ingiriisku wado waayahay ayuu ku yidhi halkii uu sugaayay inuu soo tiriyo tix ingiriiska lagu amaano ayuu tiriyay mid uu ku muujinayo inaanay isaga dagaalkan gaaladu isdilayso ee awooda aduunka isku haysato waxba uga gidhiish ahayn waxa uu yidhi ( laba gaal oo abtirsiimo wadaaga maxaan midna guusha u siin midna aan u gumayn ee aniga iiga gidhiisha iglan baa gubanaysa maxaa iiga gidhiisha)

Markaas waxaanu ku nidhi nin kaas waar labadaas nin ee kuu siman ee reer qudhac ee siyaasada xisbiga kulmiye isku haya maxaad adigu ugu kala hiilin ee kaaga gidhiisha somalidu waxay tidhaadaa meesha aad nin ka qaadato nin kale ayaad kaga tagtaa! Adeer ciyaarta korkaas ka daawo oo ha fududaan markay soo kala baxaan ee mid daadka la raaciyo kii xisbigu qaato adigu taager,

Muuse Biixi; Alaylehe nin kaas sifiican ayaad ula taliseen oo ma qaatay markaas taladiina?
Ina C/qaadir; Diidmo noomuu muujin ee waxaanu rajeynaynaa in ilaahay ku anfaco taladaas in kasta oo xubiga Siilanyo jiidhay oo aanu kala garan weynay wax ka si yihiin mise waa kal gacal!
Hadana reer kan maanta madaxda inoo ah ee Madaxtooyada fadhiya waxaanu u naqaan Reer Mooreeye oo bahalka ay dhigaan lalama kaco! Markaas sidan kumaanan ogayn ninkan waanu garan la nahay meesha laga raacay!
Muuse biixi; Waar dee anigu reer galbeed baan ahaye sidaba wax uma dhaadine sow dalka iyo dadkuba waa qataaran yahay waar dee hadaa bal halagu baaqo Alla bari qaran! si umada loo badbaadiyo! oo qoladan Talo Qaranta wada ee Madasha iyo Ciro ha loogu dhaarto in horta Alla bari Qaranka la soo horaysiyo oo wax kasta gogol xaadh u noqdo.
Ina C/qaadir; Bal dhinacaaga ka soo abaabul ana waan isku dayeyaa inaan gaarsho qoladaa dhegtayadu waa is gaadhaye oo farintada u sheego oo idhaah dalka ha la furdaamiyo idina caadi matihidine! bal wixii jira ila soo socodii waanan ku salaamayaa gudoomiye,
Muuse biixi; Sidoo kale saaxiib ee iga war hay .
Ina c/qaadir; Bal hadba wixii jira ila soo socodii waanan ku salaamayaa,
Muuse biixi; Sidoo kale saaxiib ee iga war hayn.
Faarax Colow Maxamed
Abosheekh@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured