Yaa Qaban Kara Shir Talo Qaran? Caarshe

0
Friday November 15, 2013 - 19:54:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Qaban Kara Shir Talo Qaran? Caarshe

    Waxaa beryahan doodi ka taagnayd cida awood sharci u leh qabashada shir talo qaran, taasoo ay soo jeediyeen golihii aan sharciga ahayn ee la baxay wada tashiga iyo toosinta, ku waa soo markii ay shacabku ka hor yimaadeen yidhi, waxaanu ku wareejinay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa beryahan doodi ka taagnayd cida awood sharci u leh qabashada shir talo qaran, taasoo ay soo jeediyeen golihii aan sharciga ahayn ee la baxay wada tashiga iyo toosinta, ku waa soo markii ay shacabku ka hor yimaadeen yidhi, waxaanu ku wareejinay labada xisbi mucaarad ee Waxaa beryahan doodi ka taagnayd cida awood sharci u leh qabashada shir talo qaran, taasoo ay soo jeediyeen golihii aan sharciga ahayn ee la baxay wada tashiga iyo toosinta, ku waa soo markii ay shacabku ka hor yimaadeen yidhi, waxaanu ku wareejinay labada xisbi mucaarad ee Somaliland waa WADANI IYO UCID.
Waxaase is weydiin leh su’aasha ah yaa awood sharci u leh in ay iclaamiso shir talo qaran? Taas waxaan filayaa in wajaabteedu fududay qofkasta oo u hoggaansan distoorka dalkana uu ogyahay, balse qof sharciga baalmarsani aan indhihiisu qabanayn cida awoodda sharcigu u siiyey sida xisbiyada mucaaradka oo kale.

Somaliland waxay ku dhisan tahay distoorka dalka oo hay’ada kasta siiyey awoodeeda sharci, madaxweynuhu wuxuu madaxweyne ku yahay waa distoorka dalka, xisbiyada mucaaradkuna waxay xisbiyo ku yihiin distoorka dalka, mana jiro qof odhan karaa waxaan ku tumanayaa sharciga oo sidii aan doono ayaan yeelayaa.
Sharcigu wuxuu awood distooriya u siiyey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, in uu yahay qofka keliya ee leh soo jeedinta talo qaran, waa haddii ay dhibaato jirto ilaahay ha ina ka hayo dhibaato’e, taasina waxay ku caday qodobka 90-aad ee distoorka jamhuuriyada Somaliland, oo sheegaya awoodaha madaxweynuhu leeyahay.
Waxase is weydiin leh haddii sidaa distoorku u cadeeyey in madaxweynaha keli uu soo jeedin karo talo qaran, maxay xisbiyada mucaaradku isaga indho tirayaan distoorka dalka?
Taasi waxay ka dhigan tahay maah maahdii ahayd NIN MEELI U CADAY MEELI KA MADAW, mucaaradka waxaa u muuqda kursi, haabkeedna ma hayaan, mana jirto sabab maanta bulshada loogu wareeriyaa shir talo qaran baa la qabanayaa, mucaaradku ma waxay waayeen waxay bulshada ay codka ka doonayaan u sheegaan?
Xisbiyada mucaaradka ah waxaa laga rabaa in xisbi kastaaba gaarkiisa uu shir u qabsan karo, taasoo uu kaga hadlo arrimihiisa xisbinimo iyo barnaamijyadiisa uu mustaqbalka ku tartamayo, balse laba xisbi inta ay is baahaystaan ma odhan karaan shir talo qaran ayaanu qabanaynaa, taa macneheedu waxay noqonaysaa waxaanu bulshada u sheegno ayaanu weynay, waxaana soo baxaysa in wixii mucaaradku islahaayeen olole ku gala ay xukuumadani wada qabatay oo ay waayeen wax ay sheegaan.
Habada waxaa loo baahan yahay in wada fahmo in cida shir talo qaran ku dhawaaqi kartaa ay tahay madaxweynaha Somaliland oo keliya, cidii kale oo isku dayda in ay ku dhawaaqdo ama ku hamida arrinkaasna ay tahay cid ka hor imanaysa sharciga dalk.
Waxay ku fiican tahay haddii ay mucaaradku talo hayaan in ay u gudbiyaan madaxweynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud {illaanyo}, oo qofkasta albaabkiisu u furan yahay, ta u fiican ama dariiqa keliya ee u banaan xisbiyada mucaaradka ah waa kaas, wixii kale oo dhan waxay noqonayaa niman doonaya wax aanay xaq u lahayn,
Waxaan ku soo koobayaa maqaalkayga oo aan kula talin lahaa mucaaradka in ay ka fogaadaan wixii wax yeelaya qaranimada Somaliland, ayna arkaan waxqabadka dalka ka socda, distoorka iyo shuruucda dalkana ixtiraamaan,
C/laahi Axmed Caarshe,
CIVIL SERVICE INSTITUTE, SENIOR FACULTY PUBLIC ADMINISTRATION



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured