Maxay Saxaafada Turkigu Ka Qortay Shirka Istanbul Ee Somaliland Iyo Somaliya

0
Tuesday April 09, 2013 - 08:21:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Saxaafada Turkigu Ka Qortay Shirka Istanbul Ee Somaliland Iyo Somaliya

    Istanbu,(xogreebnews.com)-Jariiradan ayaa waxay qortay in dawlada Turkigu ugu qabanayso kulan labada hogaamiye ee Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaaliyeed ee Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Istanbu,(xogreebnews.com)-Jariiradan ayaa waxay qortay in dawlada Turkigu ugu qabanayso kulan labada hogaamiye ee Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaaliyeed ee Somaliland, Maxay Saxaafada Turkigu Ka Qortay Shirka Istanbul Ee Somaliland Iyo Somaliya
Istanbu,(xogreebnews.com)-Jariiradan ayaa waxay qortay in dawlada Turkigu ugu qabanayso kulan labada hogaamiye ee Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaaliyeed ee Somaliland, u fiirso hadalkaas (Somalia’s autonomous Somaliland region) magaalada Istanbul bishan April 13keeda.Jariiradada oo hadal ka soo xigatay Dibloomaasi Turki ah oo shuruud kaga dhigay inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ka dib kulankan saddex geesoodka ah ee ay ka soo qayb-geli doonaan Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Ahmet Davutoðlu, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo laga yaabo in labada dhinac si fool-ka-fool ah u kulmi doonaan, waxaa kale oo uu ku daray in laga yaabo in labada hogaamiye ka dib kulankooda ka dhacaya Magaalada Istanbul ay wadahadalo kula yeelan doonaan Saraakiil Turki ah magaalada dalka laga maamulo ee Ankara .Turkiga ayaa kulankan saddex geesoodka u qaban doona si uu ugu gogol dhigo wada xaajood dhexmara labada hogaamiye. Maqaalkan ayaa lagu sheegay in kulankani yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dhexmara labada hogaamiye oo dawlada Turkiguna ay aad ugu faraxsan tahay inuu ka dhaco Istanbul. Dawlada Turkiga ayaa qaybteeda ka qaadan doonta joogtaynta iyo sii wadida wada xaajoodka labada hogaamiye. Waxaanu Dibloomaasigaasi sheegay inay dawlada Turkigu ”u gogol dhigayso ama suuragelinayso wada xaajood dhexmara labada hogaamiye ee aan dawrkoodu ahayn dhexdhexaadin”.Somaliland ayaa keli ahaan ku dhawaaqday gooni-isutaageeda iyo inay tahay dal madax-banaan sannadkii 1991, ka dib markii gaashaanbuur hubaysan oo mucaarid ah oo ku salaysan qabaail ay rideen dawladii militariga ahayd ee mudada dheer ka talin jirtay dalka. Somaliland ayaa caalami ahaan loo aqoonsan yahay ismaamul madax-banaan oo ka tirsan Soomaaliya.Sida Dibloomaasigaasi sheegay waxaa laga yaabaa haddii wakhtigu u saamaxo in Raysal Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu la kulmo labada hogaamiye.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashadiisii Dibloomasiyadeed ee uu ku yimid wadanka Turkiga bishii December ee sannadkii hore, ka dib markii u la wareegay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya aad uga mahad celiyay waxtarka iyo taageerada dalka Turkigu u fidiyay Soomaaliya iyo ka qaybqaadashadooda raja soo celinta Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxweyne u ahaa Soomaaliya tan iyo Septembertii la soo dhaafay ayaa waxaa markaa casuumad u fidiyay dhiggiisa Turkiga ee Abdulla Gul.Siilaanyo ayaa isna soo booqday dalka Turkiga badhtamihii bishii aynu soo dhaafnay ee March isagoo la kulmay saraakiil Turki ah oo u ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda Davutoglu oo wakhtigii Siilaanyo booqashadan ku gudajiray balan qaaday inay kordhin doonaan caawimada Turkigu siiyo Somaliland. Wakhtigaa uu booqashada Siilaanyo ku tegay dalka Turkiga ayaa waxaa qorshaysnaa inuu la kulmo Raysal Wasaare Erdogan hase yeeshee kulankaas ayaan suurtogalin sababo caafimaad oo la soo dersay Erdogan awgood. Siilaanyo waxaa dhankiisa ku wehelinayay shan wasiir markii uu la kulmayay Wasiirka khaarajiga Davutoglu, kulankaasoo aan loo ogalaan saxaafada.Kulankaas ka dib waxay labada dhinac wada qaateen qado hawleed lagaga wada hadlay mashaariic ay haayada u qaabilsan dawlada Turkiga dhinaca mucaawimooyinka iyo haayadaha kale ee gargaarku ka fulin doonaan dalka Somaliland. Wasiirka khaarijiga Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu sii kordhin doono dadaalka mucaawimooyinka ay u fidiyaan ”dhamaan gobolada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland” (all regions of Somalia including Somaliland).Dibloomaasigaa ayaa sheegay in Somaliland muhiimad wayn ugu fadhido Turkiga marka laga eego dhinaca taariikhda iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee soo taxnaa tan iyo wakhtigii Imbiiradooriyadii Islaamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta.Sida Dibloomaasigaas Turkiga ah Jariiradu ka soo xigatay, Davotuglo ayaa xoojiyay in dalkiisu sii wadi doono taageerida dib-u-heshiisiinta, xasiloonida, barwaaqada iyo horumarinta dalka Soomaaliya. Kulankaasna waxaa u Wasiirka Khaarajiga Turkigu carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay wadajirka Soomaaliya sida lagu sheegay il-wareedkaasi. ”During the meeting, he also emphasized Turkey’s commitment to the integrity of Somalia, said the source”.Caawimadii Turkigu fidiyay ka dib macaluuushii ka dhacday Soomaaliya sannadkii 2011, safaarada uu ka furtay November 2011 magaalada Muqdisho iyo socdaal u ku tegay dalka Soomaaliya Raysal Wasaare Erdogan August 2011 ayaa u furay wakhti cusub xidhiidhka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.Faalo koobanWaxaa runtii iska cad inaan wax la taaban karo oo ka soo kordhi kara shirka Turkigu aanu jirin. Madaxda Soomaaliyeed oo u ku jiro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waynu ognahay oo wax inagu qariib ah maaha mawqifka ay ka taagan yihiin gooni-isu-taaga Somaliland, mana aha mid ay qarsadaan xataa ee waa mid ay maal walba ka sheegaan. Waxaa ayaandarro ah in ummadii lagu wareeriyo, laguna kala qaybiyo shirar madhalays ah oo aan Somaliland wax sumcad ahi uga soo kordhaynin. Waxaa sidoo kale ayaandarro ah in cashuurtii yarayd ee dadka danyarta laga qaadayay lagu khasaarinayo safaro aan waxba soo kordhinaynin.”Alifkii kaa xumaadaa albaqruu ku dhibaa” bay Soomaalidu ku maahmaahdaa. Guuldarada soo waajahday wixii Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ugu yeedhay ”New engagement foreign policy” ee hadda ciida madaxa dartay ayaa xukuumada Siilaanyo hadba meel rabtaa inay ula galgalato.La soco maqaalo aanu ku qaadaa dhigi doono halka siyaasadii arrimaha dibedda ee Somaliland ka qaloocatay oo aanu ka soo bilaabi doono markii Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ee haatan Dr Maxamed Cumar oo mucaarid ahaa wakhtigaa uu dhabar jebinta ku sameeyay Wasiirkii hore ee Maxamed C/laahi Ducaale lana kulmay odaygii galbaday ee Senator Donald Payne. Waxaanu idiin soo bandhigi doonaa (timeline) waaqici ah oo maxsuulkiisu yahay caddaynta aynu maanta gacanta ku hayno soona xidhi doonta ”Siyaasada dhangaagalaynta ee Kulmiye la gole yimid, Politics of Demogagy), laguna jaho-wareeriyay shacabkii xalaasha ahaa ee Somaliland.Hoos ka akhriso maqaalka aan idiin soo turjunay oo Ingiriisi ku qoran.www.Qarannews.comTurkey to host three-way talks with presidents of Somalia, Somaliland8 April 2013 /SÝNEM CENGÝZ, ANKARATurkey will hold a meeting with leaders of Somalia and Somalia’s autonomous Somaliland region in Ýstanbul on April 13, according to Turkish diplomatic sources.A senior Turkish diplomat who spoke to Today’s Zaman on the condition of anonymity stated that after the tripartite meeting, which will also be attended by Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoðlu, Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Somaliland President Ahmed Mahamoud Silanyo may also come together in a tête-à-tête meeting, adding that the two leaders may also hold talks with Turkish officials in Ankara after their meeting in Ýstanbul. “Turkey will hold a tripartite meeting with the two leaders in order to facilitate the dialogue between them. This is the first meeting of its kind between the two leaders and Turkey is very pleased that the meeting is taking place in Ýstanbul. Turkey is ready to do its part for the maintenance of the dialogue between the two leaders. We are facilitating rather than mediating with this meeting,” said the diplomat. Somaliland unilaterally declared its independence as a de facto sovereign state in 1991 after a coalition of clan-based armed opposition groups ousted the nation’s long-standing military government. The area is internationally recognized as an autonomous region of Somalia. According to the diplomat, Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdoðan may also come together with the two leaders if his schedule permits. During his first diplomatic visit to Turkey in late December after taking office, Mohamud expressed his gratitude to the Turkish government and the nation for their support and aid and for instilling hope in Somalis. Mohamud, Somalia’s president since last September, was invited to Turkey by his counterpart, President Abdullah Gül. Silanyo visited Turkey in mid-March to have talks with Turkish officials, including Davutoðlu, who pledged to increase aid efforts to Somaliland. During his visit, Silanyo was also scheduled to meet with Erdoðan; however, the meeting had to be canceled due to Erdoðan’s poor health. The diplomat stated that five ministers from the Somaliland side also attended the Davutoðlu-Silanyo meeting, which was closed to the press. Following the meeting between Davutoðlu and Silanyo, the delegations came together over a working meal. According to the diplomat, the sides discussed the projects of the Turkish International Cooperation and Development Agency (TÝKA) and other Turkish nongovernmental organizations in Somaliland. “The Turkish foreign minister pledged to increase Turkey’s aid efforts in all regions of Somalia, including Somaliland. He also underlined that Somaliland is of great importance to Turkey due to historical ties that have existed since the Ottoman era,” said the diplomat. According to the diplomat, Davutoðlu also pledged to continue his support for the reconciliation, stability, prosperity and development of Somalia. During the meeting, he also emphasized Turkey’s commitment to the integrity of Somalia, said the source. Aid from Turkey in the aftermath of the 2011 famine in Somalia, the opening of the Turkish Embassy in Mogadishu in November 2011 and a visit by Erdoðan in August 2011 to the country provided momentum for the relationship between Turkey and Somalia.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured