MUSHARAXA JAGGADDA MADAXWEYNANIMADA XISBIGA UCID OO MADAX SARE OO MAREYKANI CASUUNTEY

0
Tuesday April 09, 2013 - 08:20:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUSHARAXA JAGGADDA MADAXWEYNANIMADA XISBIGA UCID OO MADAX SARE OO MAREYKANI CASUUNTEY

    (xogreebnews.com): Musharaxa jaggadda madaxweynanimada ee xisbiga mucaaridka ah ee cadaallada iyo daryeelka ee UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa soo casuumay Badhasaabka gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka magaaladiisa Boston Govern

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.com): Musharaxa jaggadda madaxweynanimada ee xisbiga mucaaridka ah ee cadaallada iyo daryeelka ee UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa soo casuumay Badhasaabka gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka magaaladiisa Boston Governor Deval Patrick. Musharaxa Jaggadda Madaxweynanimada Xisbiga UCID Oo Madax Sare Oo Mareykani Casuuntey
MUSHARAXA JAGGADDA MADAXWEYNANIMADA XISBIGA UCID OO MADAX SARE OO MAREYKANI CASUUNTEY
(xogreebnews.com): Musharaxa jaggadda madaxweynanimada ee xisbiga mucaaridka ah ee cadaallada iyo daryeelka ee UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa soo casuumay Badhasaabka gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka magaaladiisa Boston Governor Deval Patrick.
Musharaxa Jaggadda Madaxweynanimada Xisbiga UCID Oo Madax Sare Oo Mareykani Casuuntey


Musharaxa jaggadda madaxweynanimada ee xisbiga mucaaridka ah ee cadaallada iyo daryeelka ee UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa soo casuumay Badhasaabka gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka magaaladiisa Boston Governor Deval Patrick.

Casuumad sharafeedan oo loo sameeyey niman siyaasiyiin madow ah oo u tartami doonna jagooyinka Congress-ka ee dalka Maraykanka.

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Badhasaabka (Govern-ka) gobolkaasi muhiimka ee Massachusetts Governor Patrick oo Jamaal Cali Xuseen ka soo wadda baxeen Jaamacadda weyn ee caanka ah ee Harvard University ee iyaduna ku taalla isla magaaladaasi Boston.

Kulankan muhiimka ayaa waxay Jamaal u sahashay inuu xidhiidhkiisii hore ee uu la lahaa qaar ka mid ah madaxda dalkaasi Maraykanka uu sii xoojiyo uguna bushaareyey inuu imika yahay musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga Cadaalladda iyo Daryeelka ugu tartamaaya jaggadda Madaxweynaha ee dalka Somaliland sanadka 2015 haddii ILAAHAY yidhaahdo.

Sidoo kale, waxa uu Jamaal ka dhaadhiciyey qadiyadda Somaliland iyo waxa uu higsanaayo, iyo caawimadda ay dal ahaan u baahan yihiin.Badhasaabkan oo xidhiidh sokeeye la leh madaxweyne Obama iyo Gobolkani Massachusetts oo ah gobol ay ka soo jeeddaan hal-doorka madaxda ka talisa dalkaasi Maraykanka ayaa muhiimad gaara ugu yeellanaysa Somaliland.

Madaxda kuwa imika Joogga sida Senator John Kerry oo imika ah Wasiirka khaarajiga ee dalka Maraykanka (Secretary of State), iyo madaxweynihii hore ee John F.Kennedy iyo qaar kale oo aad u badan-ba waxay ka soo jeeddaan gobolkan muhiimka ah.

Gobolkan Massachusettsoo uu hore uga soo shaqeeyay waxna ku soo bartay Jamaal Cali Xuseen wuxuu doonayaa inuu si sahlan ula jaan qaado markan isagoo Siyaasi u noqday jamhuuriyadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured