Dhalinyarada Shaqo Doonka ah iyo sheekooyinka xiisaha leh ee ay kala kulmaan xafiisyada dawladda Warbixin:Barkhad-ladiif M. Cumar

0
Saturday November 09, 2013 - 20:21:36 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarada Shaqo Doonka ah iyo sheekooyinka xiisaha leh ee ay kala kulmaan xafiisyada dawladda Warbixin:Barkhad-ladiif M. Cumar

    Sidaa awgeed, waxa jirta labaatankii sano u dambeeyey dhalinyaro ka soo baxay jaamacaddo kala duwan kuwaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaa awgeed, waxa jirta labaatankii sano u dambeeyey dhalinyaro ka soo baxay jaamacaddo kala duwan kuwaas Shacabka Somaliland ayaa lagu qiyaasaa inay 80% dhalinyaro tahay, kuwaas oo labaatankii sano u dambeeyey si xawli ah wax u baranayey ama aqoontoodu dhismaysay, isla markaana ka soo baxay jaamacado kala duwan oo iskugu jira kuwo dibada ah iyo kuwo gudahaba.
Sanadakan waxa dadweynaha Somaliland gaar ahaan dhalinyarada Somaliland la sheegay inay saddexda sanno ka dib aan la arki doonin qof aan waxna qorin waxna aan akhrin, taas oo ka soo dabar go?aysa bulshada Somaliland, maadama oo mudooyinkii udambeeyey ka faa?iidaysteen nabada

iyo xaga horumarka waxbarshada laga gaadhay.
Qoys kasta oo ku nool Somaliland oo dhalinyaro ah ama ilmo yar ahi ma jiro oo aan waxba baran, taasina waxay yaraynaysaa jaahilnimadii iyo aqoondaradii bulshada haysata. Waxaad aroortii arkaysa lixda subaxnimo kumanaan da?yar oo iskugu jira shan jir ilaa 25 jir buugaag iyo shandado sita oo u kalahaya dugsiyada iyo jaamcadaha ay bartaan,taasina waa arrin ku dareen galinaysa ama kugu beeraysa farxad taas oo aad ka qiyaas qaadan karto mustaqbalka ifinaya ee bulshadda.
Inta badan waxbarashada iyo horumarka bulsho gaadho waxa aasaas u ah waa deganaanshaha iyo naabadda ka jirta deegaankaasi, deegaan waliba deegaanka uu ka nabadaysan yahay wuu kaga horeeyaa adeegyadii aasaasiga ahaa sida waxbarashadii iyo caafimaadkiiba, oo tusaale ahaan Somaliland goboladeeda ayaa ku kala horeeya xaga waxbarashadda, iyadoo la odhan karo gobolada bariga waxa ragaadiyey colaadaha iyo siyaasadaha is diidan ee ka jir, halka gobolada galbeedkuna si fiican uga faa?iidaysteen nabadda.
Sidaa awgeed, waxa jirta labaatankii sano u dambeeyey dhalinyaro ka soo baxay jaamacaddo kala duwan kuwaas oo isa soo wada gaadhay, waxaana sanad walba ka soo qalinjabiya jaamcadaha ilaa laba kun oo dhalinyaro ah, waxaanay u baahan yihiin meelo ay ka hawlgalaan ama ka shaqeeyaan.
Nasiib daro waxa dalkeena jira dhalinyaro waxbarashada soo dhameeyey oo si fiican loogu tabcay oo ilaa yaraantiisii la galiyey dhaqaale badan, haseyeeshe markii la gaadhay wakhtigii uu qoyskooda nasin lahaa ay waalidkii ku noqotay inay dib u masruufaan ka dib markii uu aqoontii u bartay shaqo ku waayey, fursadihii shaqaduna cadaalad daro ka jirto, taasina waxay niyad jab ku noqotay waalidkii iyo qofkii lagu soo tabcay.
80% dhalinyaro bilaa camal ahi dunida kama jiro, waana dhibaato balaadan oo ku soo waajahan Somaliland hadii aan wax laga qaban, inkastoo aynu nahay umad muslim ah oo og in qofka arsaaqdiisa wato isagoo aan dhalanna Alla u qoray, hadana dhalinyaro wax soo bartay oo isa soo wadda gaadhay halis wayn bay ku tahay mujamacaha, ifahalaha ay leeyihiina waa ta ficiladii hore soo muuqdaan, awal hore ma jirin dhalinyaro koox kooxo u socota oo dadka dhaca, kuwo guryaha qasab ku rarta iyo dhaqano aan hore u aqoon oo kufsigu kow u yahay, taasna waxa keentay qofku marka uu dhinac u dhaqaaqi waayo lana hawlgalin waayo wuxuu naftiisu ku badbaadi karo ayuu samaynayaa, isla markaana dhaqankii iyo diintii uu lahaa ay ka awood badanayso baahidiisa nololeed.
Qof dhalinyaro ah oo xoog ah oo aan camal aan hayn waxa uu samaynayaa wuxuu marka awoodo ee uu muruqiisu u gooyo, arrimahaas noocaas ah waa kuwo ay wadamada ay joogaan ka baaraandegaan, isla markaana xoog iyo xoolaba iskugu geeyo sidii dhalinyarada loo hawlgalin lahaa.
Inta badan dhalinyarada iyo askarta haddii labaduba xoogaystaan hadii aan la jihayn waxay dib ugu soo noqdaan umadoodda oo halis galiyaan, sidaa darteed waxa la sameeyaa qorsheyaal lagu hagi karo ama lagu maamuli karo.
Hadaba, waxa dalkeena ka jiro oo isa soo wadda gaadhay kumanaan dhalinyaro ah oo heer jaamacadeed ah, dhaliyaradaasi waxay aroor kasta ku kalahaan xafiisyada dawladda si ay shaqo ama camal uga heleen, haseyeeshee booqashooyinkaasi ay xafiisyada dawlada tagaan waxay kala kulmaan dhacdooyin cajiib ah oo marka aad dhagaysato ama la sheekaysato ku niyad jabinaysa
La soco?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured