Dulaanka Xukuumada iyo Damanaanta Reer Saaxil

0
Saturday November 09, 2013 - 20:02:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulaanka Xukuumada iyo Damanaanta Reer Saaxil

    By Maxamed C/raxmaan Salaan dhamaan warbaahinta madaxabanan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Maxamed C/raxmaan Salaan dhamaan warbaahinta madaxabanan Waxaan manta dib u yara milicsanaynaynaa dhacdooyin badan oo ku tariikhaysan Gobolka Saaxil kana dhacay xiliyo kala duwan, mudadii xilka haysay Xukuumadan Kulmiye, xasuusteedana lahaa, ilaa hadana socda soona noqnoq day, waxaa muqata cadawada Xukuumada Kulmiye u haysay Gobolka saaxil mudo hore kana horaysay inta ayna talada dalka la wareegin oo hogamiyahooga,( madaxweynaha hada), waxa u ku qubdayn jiray in Berbera ay tahay meel cid gaara gacanta ku hayso, dadkuna u sinayn, balse waxaa u hilmansanaa markaaba in Berbera la mid tahay magalooyinka kale ee Somaliland, oo mid kasta ay maamul keeda hayaan cida u dhalatay degaanka, cid ku qabsan kartaana ayna jiran waayo dee Ilahay ayaa ku abuuray, degaan kastaana waa sidaa uun, lakiin berbera maxaa calamad su’asha saaray oo ay kaga tilmaaman tahay magalooyinka kale? Wax yaabo badan ayaa jira oo an ka xusi karnaa, sida in Gobolka Saaxil, qani kiyahay khayraad kaladuwan oo dabiiciya iyo marsada wadanka oo iyana kutaala, hadaba dadka reer Saaxil oo markii hore ba dareensanaa in xukuumada Kulmiye uurka ka necebtahay ayay si wacantasi u soo shac baxday malinti madaxweyne Silaanyo ku dhawaaqay gudigii la talinta dhismaha dawladiisa kowaad, taasi oo an lagu soo darin cid ka soo jede Gobolka Saaxil, halkaa ayay bananka ugu soo baxday markii kowaad xan in badan hoos loogu sheekaysan jiray, taasi oo odhan jirtay in hogaamiyaha talada dalka haya hada u necebyahay reer Saaxil, tii labaad ee taasi soo raacday waxay dhacday markii lagu dhawaaqay dawladu ugu horaysay ee madaxweyne Silaanyo 2010, taasi oo hal wasiir la siyay reer saaxil, markaa ayuun bay baraarugeen dadka degaankasi in xukuumadan dulaan ku tahay degaanka reer saaxil, madaama ay cadaysatay cadaawad aan qarsi lahayn banaan kana soo dhigatay nacayb ka ay u hayso, inta wixii ka danbeyay waxay biloowday xukuumada madaxweyne Silaanyo in geed dheer iyo midgaabanba u fuushay sidii ay u kala qabin lahayd dadka degankasi oo iyaga la is nacsiiyo, si ay ugu suurto gasho ujedadeeda oo ah in degaanka gobolka saaxil lagu degaameyo dad cusub laguna cadaadiyo dadka degaanka reer saaxil, degaan cusubna loo sameeyo dad laga soo waariday dhul fog, madaama gobolka saaxil yahay mid ilahay ku manaystay khayraad dabiiciya, taasi oo xukuumada Silaanyo doonayso in ay dad cusub ku beerto, oo laga soo raray degaano lama degaan ah. Xukuumada Silaanyo waxaa ka go ‘an in ay kala qaybiso dadka ku abtirsada Saaxil, cadawad dhex dooda ahna beerto, tusaale ahaan doorashadii golaha degaanka sanadkii la soo dhafay waxaa ka dhacay gobolka saaxil waxaan ka dhicin lixda gobol ee Somaliland, taasi oo ah kushubasho iyo cabudhin lagula kacay dadka reer Saaxil ee cod kooda dhiibanayay, meel kasta oo loo malaynayay in ay ku xoog badanyihiin xisbiyada kale gar’ ahaan xisbiga UCID oo awood badan ku leh gobolkaa, waxaana dhacday in xabad lagu furo goob kasta oo doorasho ka socotay gobolka saaxil min tuulo ilaa casimada gobolka, taasi waxay sababtay in ayna suurtagalin in ay codeeyan inta badan dadka reer Saaxil, waqtiguna kaga dhaco sidii xabad loogu ridayay goobkasta oo ay ka codayn karaanba, waxayna sabab u noqotay in xisbiga Kulmiye helo xidhibaanada inta ugu badan golaha degaanka Berbera. Waxa taasi xigay oo soo racay doorashadii mayor ka berbera, dhibaato badana ka dhacayday oo tariikhda gashay, waxayna xukuumada madaxweyne Silaanyo diyaarstay in ay u cumaamado mayor kii hore ee degmada berbera mudane CABDALE MAXAMED CARAB, oo ah nin ku suntan wax qabad iyo karti intaba, waxaa kale oo lagu ladhay mayor ku xigeenka ka soo jeeda bariga Burco markii ugu horaysay tariikhda gobolka SAAXIL, in ay yeelato mayor ku xigeen an ka soo jedin gobolka, balse waxaa si lama filaan ah taasi ganafka ugu dhuftay mayor kii xilka sii banaynayay mar kalena xukuumada Kulmiye u doonaysay in ay u cumaamado, balse taasi caqabad badan wajahday ka dib markii ay u cuntami wayday mayor CABDALE qorshihii dawladu wadatay ee ahaa in u mayor ki xigeen ka dhigto nin ka soo jeeda bariga Burco, taasi waxay kicisay cirkana ku shareertay dareenka dadka reer saaxil oo marki horeba kasanaa , ama ka xishoonayayba in ay banaanka u soo saran dhibatada joogtada ah ee ay ku hayso xukuumada madaxweyne Silaanyo, halkaa ayayna mar kale ka bilaabantay markii mayor kii awooda badnaa ee ay isku halaynaysay xukuumada Kulmiye ka horyimid qorsho hoodi si cadna u diiday in u qato dhaqanka cusub ee loola yimid, waxay marka isku dayday xukuumadu in ay hor joogsato dibna u dhigto doorashadi mayor ka si ay u raadsato bedelka mayor Cabdale oo isaga xiligaa laga bilaabo fiintu dhexmiranayso xukuumada, waxayna u xaydatay in ay joojiso fadhiga golaha degaanka berbera si ayna u dooran mayor ka soo jeda mucaaridka, balse nasiib daro madhicin taasi, kadib markii kooxdi xukuumada uga wakiilka ahayd ku kala jabtay, kuna kala awood waynatay, waxaa barnaamijka dawlada uga wakiil ahaa badhasaabka gobolka oo ahaa nin awood badan leh mudane Salebaan Cali Hayste( RAMAAX), mareeyaha dekeda oo dabada ka riixayay dhanka kharash kana masuul ka ahaa, iyo masuul ku cusbaa shaqada iyo siyaasadaba (Cabdilahi Abokor). Lakiin Mudane Ramaax badhasaabka gobolka ayaa arintu markii ay halkaa marayso gadhayna xiligii la dooran lahaa mayor ka iyo ku xigeenkisaba, go’an geesinima leh qatay oo dadka reer saaxil ay geesi ugu aqoon sadeen, ilaa hadana u ku yahay geesiga Saaxil, waxanu noqday go’an kasi mid an ka farxin xukuumada, madama u ogolaaday in la furo fadhiga kowaad ee golaha degaanka lana doorto mayor ka degmada berbera cidu doonaba ha ka soo jeede, halkaa muran badan iyo dagal gacan ka hadal ah baa ka dhacay, waxaana diiday in fadhiga la furo Wasiirku xigeenka amniga Mr Abokor,balse waxaa sutida u qabtay Mr Ramaax badhasaabka gobolka oo ah bilaax an dabadii la hadlin halkaa ayay ku saqiirtay mar kale isku day awood badnaa oo xukuumada Silaanyo doonaysay in ay majaraha ugu qabato gobolka saaxil maamulkana ku wareejiso dad an u dhalan oo la doonayo in lagu beero. Halkaa kuma joogsan ee waa u sii socday weerarki oo waxa cadhadii markiba lagula dhacay Muduane Ramaax oo xilka qaadis degdeg ah lagu sameeyay madaama oo u amar diido sameeyay, balse dadka reer Saaxil cadho ayay kaga jawabeen iyo waliba mudaharaad, waxayna si cad u ogadeen in dulaan lagu yahay gobolkooda iyo madaxdooda ay raalida ka yihiinba, sida Ramax oo kale, mana joogsan weerarkiye hadana waxay doontay xukuumadu in ay beesha bariga Burco xil kale uga radiso gobolka Saaxil, waxayna markiba u magacawday xoghayaha dawlada Hoose oo laga bedelay badhasaabka hada jooga CALI GADHEER, waxaana markiiba lo soo magacaabay nin ka soo jeda bariga burco, in kastoo muran badan iyo diidmo badan kaga timid dadka reer saaxil hadana way ku guulaysatay xukuumadu in nin kasi u shaqeeyo, oo xilka qabto waanu hayaa ilaa hada, waxayna ka mid ahayd isku dayada gulaystay ee xukumad a Silaanyo ku degamaynayso beesha bariga burco gobolka saaxil, balse dareenka way qabaan dadka reer saaxil, waxan lagu xigsiyay in la isku adeegsado dadka degaanka si ay ugu kala jaban aragtida degamaynta gobolka saaxil dadka an u dhalan, laguna istic maalo qaybi oo xukun( Divide and rule Policy ), oo ay caanku tahay xukuumada Silaanyo, iyada oo adeegsanaysa dadka siyasada socod baradka ku ah ee u dhashay gobolka si ay danaha fog uga fushato gobolka kuna beerato dad, an soo qadano tuducyo ku jiray maansadii HAGAR- LAAWE Allah ha u raxmadee Abwaan GAARIYE Habbisada dadkayga la saaray

Haan-haanta loo kala soocay
Ma-huraanka laysku lisaayo,
Hurdankiyo gabaaro-gurdayska
Halaq baa ku raad-gadanaaya.
Isagaa hubkaysugu dhiiba;
Hanadada sidaa ku shidhaysta;
Dabadeed hamuunta ku reeba.
Isagaa habeen iyo maalin
Godobtiisa reer huwinaaya;
Hadba shaadh qabiil u tolaaya.Taasi oo loga dhigayo in iyaga dhexdooda kala shaki la galiyo midba midka ku xigana cadaw loo tuso si ay u kala irdhobaan uguna kala duwanadaan degamaynta ay xukuumada Silaanyo ka wado gobolka saaxil, walibana lagu sameeyo kala xigtaysi dadka wada dhashay ee reer saaxil qaarna loo tuso in ay cadaw yihiin qarna sokeeye, halkaana ay ka abuuranto kala shaki iyaga dhex dooda ah, balse dareenka way qabaan dadka reer saaxil mana aha mid rumoobi kara, kuna gulaysanayso xukuumadu, dadka reer saaxil waxaa lagu yaqanaa isku duubni iyo in ay meel uga soowada jeestan cidkasta oo dhexdooda iyo degaan koodaba dhibataynaysa, waana ta sababtay in xukuumadu dib u liqdo barnaamijyo badan oo degamaysnaa oo ay wadatay, ilaa hadana ka fikirayso sidii ay u fulin lahayd. Ugu danbayn waxan u soo jeedin lahaa dadka reer saaxil in ay ka dig tonadaan shirqoolada ay u maleegayso xukuumada Silaanyo laguna kala qaybinayo iyaga dhex dooda si ay u fushato danaheeda qarsoon.
By Maxamed C/raxmaan.
mohomed1987@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured