SIILAANYO INTII UU MUCAARADKA AHAA MARKA WARIYE LA XIDHO WUXUU ODHAN JIRAY DIMUQORAADIYADII GABALBAA U DHACAY MAANTANA JAAMAC JIIRBAA LABA WIIG U XIDHAN MAQAAL U QORAY.

0
Monday April 08, 2013 - 19:12:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIILAANYO INTII UU MUCAARADKA AHAA MARKA WARIYE LA XIDHO WUXUU ODHAN JIRAY DIMUQORAADIYADII GABALBAA U DHACAY MAANTANA JAAMAC JIIRBAA LABA WIIG U XIDHAN MAQAAL U QORAY.

    Qalinka:C/risaaq Suudi nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinka:C/risaaq Suudi nuur
SIILAANYO INTII UU MUCAARADKA AHAA MARKA WARIYE LA XIDHO WUXUU ODHAN JIRAY DIMUQORAADIYADII GABALBAA U DHACAY MAANTANA JAAMAC JIIRBAA LABA WIIG U XIDHAN MAQAAL U QORAY.

Qalinka:C/risaaq Suudi nuur
Siilaanyo intii Uu Mucaaradka ahaa Marka Wariye La Xidho Wuxuu Odhan Jiray Dimuqoraadiyadii Gabalbaa U Dhacay Maantana Jaamac jiirbaa Laba Wiig u xidhan Maqaal u Qoray.
Akhristow waxay dad badani is weydiinayaan mar hadii dastuurka qaranka iyo xeerka saxaafaduba ay cadeynayaan in uu qofku rayigiisa cabiri karo oo uu ku cabiri karo qoraal iyo hadal labadaba wa maxay sababta uu mudo laba todobaad ah jaamac cilmi jiir ugu xidhan yahay maqaal u qoray. Waa markii kawad ee inta taariikhda la xasuusan yahay inta ay bee lama koox yari isku timaado ay ka wada hadlan labada qodob ee kala ah.


1: inaysan wax mucaarad ah yeelan xukuumada hada jirta ee uu siilaanyo hogaamiyo sida kaliya ee ay arintaasi ku hirgeli kartaana ay tahay.

2: in la cabudhiyo ama la xakameeyo saxaafada madaxa banana markaa kadibna waxaa la is tusay inta uu qoraaladan baahinayo ee uu saxaafada madaxa banana ku qorayo jaamac cilmi jiir inaysan suurto gal ahayn in saxaafada la xakameeyo hadaba si labadan qodob loo hir geliyo ragii isku yimid waxay talo ku gaadheen inay inankooda ka bilaabaan Jaamac Cilmi Jiir si uu xeerkani u noqdo mid ay dadka kalena ay cuskan karaan.

Hadalkii uu dhawaan jeediyey Saleeban Gaal ee uu yidhi xukuumada wa in sax iyo khaladba lagu taageeraa wax mucaarad ahna lama ogola hadalkasi muu ahayn mid uu Saleebaan Gaaal iska yidhi wuxu se ahaa qodob ka mid ah qodobadii la siku waafaqay waxana haboon in qof kasta oo la doortaa marka uu is arko in aanu hawshii loo doortay wadi kareyn in uu iscasilo sidii Baadarigii ugu sareeyey diinta Kiristanka oo isagu iskii isku casilay waxanu yidhi Da daydu waa 85 jir caafimaadkaynuna hoosbuu u dhacay markii anigu aan is miisaabayna waxan ogaaday in aanan wadi kareyn hawshii la ii doortay.

Hadii aan anigu aan kursiga ku sii fadhiyo aniga oo aan wadi Karin hawshii la ii doortay taasi waxay sabab u noqonaysa inay fursadan ka faa iidaystaan xigtadayda iyo asxabtaydu oo ay taladii diinta kiristaanku dad aan loo dooran ay u gacan gasho hadii aan sidaasi sameeyana waxaan qiyaameeyey Ilahay Iyo Diintii kiristaanka ee la igu dhaariyey la iina soo doortay in aan hogaamiyaheeda aan noqdo iyo umada kiristaanka oo dhan.

Hadaba saaxiibayaal marka aynu maanta eegno mar xalada ay Somaliland ku sugan tahay yaa la doortay oo la dhaariyey yaase maanta xilka haya taasi jawaabteedu waxay fududahay waxa la doortay oo kitaab gacanta midig loo saaray Siilaanyo waxase manta xilkii haya dad aan la dooran, waxaana haboon in uu siilaanyo garto wuxuu Baadarigaasi gartay, waxana hubaal ah in qof kasta oo caqli leh oo Siilaanayan hore u yaqaanay wuxu garan karaa in maanta jaamac cilmi jiir uusan u xidhnaadeen maqaal u qoray.

Hargeysa markaad suuqyadeeda marto waxaad arkaysaa in lagu caayayo (Ilaaha ina Abuuray) Nabigeenii Muxamed ahaa (CSW) IYO Diinteena islaamka maan arkaysid meel lagu soo eedeeyey oo ay maxkamadi xukun ku riday waxase aad arkaysa ama ad maqlaysa gabadhbaa telefanka gacanta ee mobile-ka fariin uga dirtay Xirsi oo maxkamadbaa xukun ku riday.

Hadaba saxaafadu maanta way ka mugweyntahay in ay bee lama kooxi meel fadhiisato oo ay ka wada hadlaan cabudhinteeda, dadka maanta saxaafada Somaliland intooda badanina waa dadkii u joojin waayay,Dhabar Jabintii,Guulwadayashii iyo Nabad Sugidii Siyaad Barre.

Hadaba Alalha u naxariistee Abwaankii Maxamed Ismaaciil(Dallaayad) markii uu arkay hanjabad iyo caga jugleyn kaga timid sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka booliska oo Hargeysa loo soo bedelay sanadkii 1966-kii ayuu tixdan soo socota tiriyey iyada oo erayga ku jira gabayga ee inan galyeed uu macnihiisu yahay ninka xididka ah ee aan karti iyo aqoon kale midna lahayn waxaanu yidhi

Dhaxaa Nin goolaaftemay oo goohay noo yimid

Inta inan galyeed iyo nin rag ah tan isku soo gaadhay

Ee gaadhba gaadh naga bedlay goordanbaad timid

Adiguna kuclada waad yareyn gooshkan dabadii

Is gooxaadhintii Maxamed halac iyo galangalkii yowle

Ee garanayaan ahay tan iyo geelle haad qoyey.

Hadaba isku soo wada duuduboo Siilaanyo intii Uu Mucaaradka ahaa Marka Wariye La Xidho Wuxuu Odhan Jiray Dimuqoraadiyadii Gabalbaa U Dhacay Maantana Jaamac jiirbaa Laba Wiig u xidhan Maqaal u Qoray.


Qalinka:C/risaaq Suudi nuur

Tel:4425243

Haregysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured