Madaxwayne Siilaanyo Oo Sheegay Inaanu Waxba Ka Ogayn Ajandaha Wada-Hadalada Somalia Ay Kula Yeelanayaan Ankara

0
Monday April 08, 2013 - 19:01:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Sheegay Inaanu Waxba Ka Ogayn Ajandaha Wada-Hadalada Somalia Ay Kula Yeelanayaan Ankara

    Ajandaha Caddaan Lanoogama Dhigin Oo Wax Kow Iyo Laba Aan Odhan Karayo Maaha” Madaxwayne Siilaanyo Oo Turkiga U Baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ajandaha Caddaan Lanoogama Dhigin Oo Wax Kow Iyo Laba Aan Odhan Karayo Maaha” Madaxwayne Siilaanyo Oo Turkiga U Baxay Madaxwayne Siilaanyo Oo Sheegay Inaanu Waxba Ka Ogayn Ajandaha Wada-Hadalada Somalia Ay Kula Yeelanayaan Ankara

“Ajandaha Caddaan Lanoogama Dhigin Oo Wax Kow Iyo Laba Aan Odhan Karayo Maaha” Madaxwayne Siilaanyo Oo Turkiga U BaxayHargeysa, April 8, 2013 (xogreebnews.com) — Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Maanta u baqooley dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan wada-hadalada Somaliland iyo Somalia uga furmaya 13-ka bishan Magaaladda Ankara ee xarunta dalka Turkiga.Madaxwayne Siilaanyo oo intii aanu ka dhoofin maanta Madaarka Caasimadda dalka ee Hargeysa Warbaahinta kula sii hadlay Qolka nasashada ee Madaarka Igal International Airport ayaa sheegay inaanu waxba ka ogayn Ajandaha shirkaas ay ka qaybgalayaan, isla markaana ku dooday inay guul ka rajaynayaan shirkaas inay ka soo guryo noqdaan. Ugu horayna isaga oo Madaxwaynuhu ka hadlaya Socdaalkiisa, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo lanoogu martiqaaday wada hadal u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, inaga siyaasadeeno waxay ahayd goor walba, mar kasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa”Madaxwayne Siilaanyo, waxa kale oo uu soo qaaday “Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qayb-galnay, meelo aynu ka gows-qabsanayna way jiraan sababo ah inay inoo cuntami waayeen, markaa halkaasi ayaanu tagaynaa waxaana inoo furmaya wada-hadaladii, madax badan oo raysal-baarlamaanku ka mid yahayna waanu ku tagaynaa iyo masuuliyiinta axsaabtu” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, ianynu shirarkan tagnaana danteena ayaa ku jirta, cida qadiyadeeda iyo madax-banaanideeda dunida gaadhsiiso doonaysaa waa inaga, taana mar walba diyaar-baanu u nahay inaanynu qaran ahaan u dhamaano xisbiyada haddii aynu nahay iyo haddii aanu dawladda nahayba, markaa waxaanu rajeynaynaa inaanu guul kala soo noqono”Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyey inuu bulshada u sharaxo ajandaha shirka Turkiga ayaa yidhi “Ajandihiisa caddaan lanoogama dhigin oo wax kow iyo laba aan odhan karayo maaha, laakiin waa Somaliland iyo Somaliya oo la wada-hadalsiinayo, laakiin Somaliya waxay doonaysaa in laga mid noqdo, Somaliland-na waxay doonaysaa in madax-banaanideeda dunidu ictiraafto oo ay ogolaato”Dhinaca kale Weftiga Madaxwaynaha ayaa waxa ka mid ahaa oo ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Maxamed X. Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamuud Ahmed Bare (Garaad), Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka JSL, Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured