,Qormadii 20 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe
Waa markhaati madoon iyo muran reeb
waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu
moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .
Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada
shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana
wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.
UDUB WAY TAGEYSAA EE HATAHRIIBINA
TAARIIKHDA DUUGA AH
ABIDKEED ISDABA TAAL
AAN IDIIN TILMAAMEE
HOOY TAYAA LAYSKU DHAAFOO
WAA LEYS TIRSANAYAAYE
TOLOW YAA INOO MAQAN(Ereyadii:
Jamaal Liibaan)
Horta wali
miyeynu iswaydiiney halka uu Tahriibkani inaga soo galey? Xiligii uu inagu
bilaabmay iyo sababta keentey ? Hadeynu intaa is waydiino wax yaabo badan oo
inaga murugsan ama qasan ayeynu garanlaheyn oo aynu sixilaheyn hadaynu shacabka
nahey aan idin Tusaaleeyo si aad uxasuusataan una garataan.Xiligii doorashada
lagaga adkaadey Siilaanyo ee 2003 ayaa uu inagu bilaabmay taasi oo uu ahaa
waxyaabihii uu dhalinyarada dhexgaliyey oo uu ina huluuqsiiyey si hoos ahaana
dhalinyadara isaga iyo kooxdiisu waxay odhanjirtay wadankii camal kamajiro
dowlada Riyaale waxba dhalinyarada uma ogola waana Aafooyinka aynu ka dhaxalney
markii uu inagu soonoqdey Siilaanyo ee uu ka yimi dalka UK isagoo mar inoo
sheegey inuu Siyaasada Faraa ka qaadey.
2003
Dhalinyarada wadanka ka baxdaa may fogaanjirin ama umay badheedhijirin inay
bada isku muquuniyaan ee waxay tagijirin wadanka South Afirica oo markaa ay
utagijireen qaar waxbarsho qaarna uxoogsi tagi jireen ,qaarkale waxay
tagijireen wadanka Pakistan oo ay iyaguna shaqo halkaa mataalo oo dadka
udhashaaba ka yaacee waxbarasho .Markaliya ayuunbaa 2005 laysla oogsadey in
xagaa iyo saxaaraha loo kaco oo ay bada isku muquuniyaan iyagoo Siilaanyo iyo
kooxdiisa bilaa karaamada ahi ay dhalinyada lasoo dhexgaleen mixnadaa tahriibka
.Waxaan daba gal kusamayney bal intii xukuumada Riyaale wadanka hogaamineysey
inta dhalinyaro ee soo Haajirtay Somaliland iyo inta Sadexdan sano ee xukuumada
bilaa karaamada ahi heysatay ,2003-2010 Dhalinyarada caalamka uga haajirtay
Somaliland waxay noqdeen 32687 dhalinyaro ah waxaana ku geeriyoodey 243dhalinyaro ah inagama go’aan intaa dhalinyaro ah ee inaga geeriyootey.Bal
ufiirso sadexdii sano ee uu Siilaanyo wadanka hogaaminaayey inta baxdey
dhalinyaro eek a haajirtay markii ay dowladii laheyd UDUB WAY TAGEYSAA
HATAHRIIBINA ka waayeen balan qaadyadii markii ay lakulmeen dhalinyaradu
qabyaald ooda soo jabisey markii ay arkeen in xukuumadani iyadiiba ay isku
murugsantay ayey dhalaankeenii haajireen 2010-2013 waxaa dalka Somaliland ka
soo Haajirey dhalinyaro tiradoodu tahey 87421 dhalinyaro ah waa sadex
jeer lab 8 sano ee uu Riyaale wadanka hogaaminaayey imsaa dhalinyaro ah ayaa
inagaga dhintay ama ku le’dey/ku geeriyoodey haraad, bada,jeelal iyo qaarkaloo
jidhkoodii iyagoo nool intii ugu muhiimsanayd lagala baxay ,qaar aan ilaahada
meel raq iyo ruux lagu sheego aan laheyn oo ay tiradoodu dhantey 4753miyey inaga go’aan. Maanta imisaa jooga Liibiya reer Somaliland ah waxaa jooga
dhalinyaro aad ufarabadan ku dhawaad 2000 dhalinyaro ah oo udiyaara dhimasho
iyo nololba .
Caamir waa saleelee anaa haatan
caymadi taad
maqashaaba mid kasii darane dhalinyaradaa wadanka kazoo haajiraysey sadexdii
sano ee ugu dambeeyey xumaantii ay ka soo qaadeen intii xukuumada Siilaanyo
heysatey oo ay dhalinteenu ka soo dhaxashey xiligii 2010 ka horeysey
dhalinyaradeenu markay wadamada saxaaraha yimaadaan waxay isku baheysan jireen
ama doonta uraacjireen wada jir reer Somaliland ka kayimi Qow ilaa Ceelaayo
inata udhaxaysa maanta ma maleyneysid sida ay ukala fogaadeen lasoco ooh al
cadow ayey wadalahaayeen maantan jifooyin ayey saxaaraa ukala fadhiyaan oo
iskama naxaan awalna waa leysu hiilinaayey waana waxyaabaha aynu Siilaanyo ka
dhaxalney doonyaa marka la raacayo waxaa loo raacaa Reero,Ardaayo,Habro iyo
inta isku dhow oo meel isku urursata oo adigoo reer Qudhac ah hadaad
raacdo doonta ay ubadanyiin reer Galool markay xaaladu adkaato ee ay
dabaylaha badu kacaan ee ay baaxaadagto ama ay culeys dhaafto laguu niximaayee
waxaa leyswaydiinayaa yaa inagu dheerada deedna ilayn adaa reer Galool ah oo
reer Qudhac soo raacee adaa bada lagugu tuurayaa ,taasi waaba saleelo ayaad
odhaneysaa marka ay reer Qudhac isku soo hadhaan midba midkuu ka itaal waynyaa
lagu tuurayaa bada oo iyaguba naf iskuma hayaan waa waxyaabaha ay kala
yimaadaan ama ka soo barteen xukuumada Siilaanyo ee ay dadka bartey waa wax aan
horey loo arag meedey balantii Siilaanyo ee aheyd dhalinyarad Tahriibaysa
ayaanu camal usamayneynaa Wuxuu na baray waxa uuna badey ayaa nagaga
xun .Shacbiga ayey been intaa
usheegaan iyagoo raba inay mar uun uun kursiga ku fadhiistaan imisaa dhalinyaro
inaga dhimatey miyeynaan dib uxisaabtamay mise waxaynu nahey dad kolba wax lagu mada daaliyo lama ilaawikaro
waxaad ka naxeysaa marka laguu soo sheego Hooyo Caruurta ay la soo tahriibto oo
Naaska walijaqaaya Dumar ama Haween dhaliyaro ah oo naftooda soo miidaaminaya
ama soo maqiiqaya dhalinyaradii Jaamacadaa dhameysatey oo markay camal waydey
xukuumaduna jihayntoodii udhaqaaqi waydey oo soo Haajiraaya
TOBNAAN HALYEEYIYO
TIDCAN TIMO HALDHAALEY
TOOS LOOGU WAAYOO
TIIRAANYO EHELKOOD
ILMO TAABTEY DHABANKEE
TALO MAYSKA YEELNAA(Ereyadii: Jamaal
Liibaan)
29/09/2011
Goor ay saqdhexe tahey oo ay dadka muslinku seexdeen inta qaaradaa kale
joogtaana ay markaa gogosha hurgufaneyso oo ay udiyaar garoobayaan iyaguna inay
seexdaan ayaa waxaa ka yaabiyey Madaxweynhii dhamaa xili aan la filayn tvga
lasoo fadhiistay kalmado aan raga lagu aqoon oo aynu inta badan ka maqalno
Haweenka ama Gashaantimaa oo markay is caayaan waxa ay layidhaa ama somaliduodhanjireen inaga daaya GAMBO YARE marka hadaladaa laga maqlo
yaab! Fajiciso ah ayey noqotey
madaxweyne Siilaanyo oo lasoo fadhiistay xiligaa UF UF UF baa leydinyidhi Cali
waran cade iyo ina Sulubow idina markii aanu doorashadii idinkaga adkaaney ee
umadu iska kiin fahantey ee la ogaadey Musuq maasuqii aad gaysateen dambigii
aad shacbiga ka gasheen iyo dunuubtee ee laydin nacey ayaad meelahaa ka
hadashaan waliba waanu idinsaamaxney ,maanta waynu arkaynaa oo kuwii uu inagu
lahaa waa musuqmaasuaqa aabahood ayuu Xil kii dib ugu wada magacaaney MAYNAGAA
WAALAN MISE CADAN AYAA LAGA HEESAYAA.Rakaabkii Udub ee uu lahaa waa raga wadankii
cuney ee uu ku taamaayey sowkaa soo wada celiyey bal Cali Xoorxoor oo uu lahaa
waa Aabaha musuqmaasuqa ayaa uu soo celiyey waa Cali warancade iyo niman aan
xilalka uu dhiibayba uqalmin oo layaab ah ,midiba mid kadarane bal waxaynu
maqalney dhawaan in Somaliland uu kusoo batay KUFSIGA ay dhalinyardu ugeysato
Hablaa oo dhawaan loo xukumay 21 Dhalinyaro ah iyadoo aynu taa maqal oo ay
warbaahintu inoo soo gudbisay ayaa waxaa iga yaabiyey oo aan ka akhriyey
mareegaa internetka wasiir inan xafiiskiisa ku dhex taataabtey JIDHKEEDA waxaaba
ka siiran ka layidha gabadh yarbuu isna KUFSADEY lasoco oo waa wasiiro
markaasaa waliba layidhi markii ay inantii dacwadii geysey maxkamadu way
meermeeriyeen oo maalinkasta way ku soo noqotaa oo dhagba looma jalaqsiin miyeynu
aragney xukuumadii hore arimo noocan ah dee jaawabta qofkastaa waa uu heystaa .
Aduunyada
nin noolow maxaa aragti kuu laaban Siilaanyo
wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka
ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma
jirto bal ufiirsa oo waxaynu maqalnaa
Agaasimayaasha guud Digreeto ayaa lagu soo magacaabay oo xilka waxaa ka qaada
madaxweynaha bal ufiirsa oo Wasaarada diinta iyo qaafta Agaasimeheedii guud
waxaa dhawaan Xilka ka qaadey Sheekha Khaliilka wasiirka ka ah kaaga siidarane
madaxweyne Siilaanyo isagoon talaabo arinkan ka qaadin sharcidarada ah ayaa
Sheekhu u anba baxay XAJKA waxa uu wasaaradii usii Tiriyey Wasiir Sacadka
Qorshaynta heysta waabu tirsadey xilkii isagaaba la wareegey Sheekhu marka
horeba xil maheyn oo Ramadaanta iyo labada Ciidood ayuunbuu sheegaaye .Waxaad
ka maqleysaa dadka Sacad Cali Shire waa aqoonyahan aqoonta ay sheegayaan meeday
ma ninka la wareegey meel sharci daro Agaasinkeedii layidhi waa lagu bedeley
,maxaa xigay waxaad ka dambeeyey oo aad maqashey in wasiirka cadaalada iyo
Agaasinkiisii guud xafiiska isku xidheen
kuna dagaalameen oo uu xilkii ka qaadey
dibadana uga saarey Waa Ina Caydiide intuu xailka ka qaadayo ee uu qaladkan aan
sharciga aheyn sameynaayo miyuu ka hadlo wasaaradiisan qayb markii lagu arkey
inay dux ama dhaqaale ay yeelaneyso la hoosgeeyey Madaxtooyada miyaanu ogeyn
marka horeba cidluu fadhiyaa oo waxa uu horjeege ka yahey labada Xabsi ee
Hargeysa iyo Madheera’e .
BARO SACAD
CALI SHIRE
Sacad cali
shire uma joogo ama xilka uma hayo inuu shacabka wax ku soo kordhiyo ee nin
ayuu ushaqeeyaa una joogaa meesha waa ninka Siilaanyo ululey inaynu Somaliya
wax kaga qaadano Dowlad goboleed ahaan waa ninka si hoos ah ula socda Somaliya
ee lacagaa Qaadhaanka ah sidii ay Xukuumadan bilaa karaamada ah usoo
gaadhilaheyd sameeyey waa ninka Shirkasta oo Somaliya ah udira Ergay usoo
dhageysta shacbigana waxay ka dhaadhiciyaan in aanay ka qaybgaleyn markaa
Aqoonyahan maaha ee waa waxay somalidu odhanjireen waa ABRIS oo isagoo aamusan
ayuu ku dilayaa waxaanad uheysataa daacad. Maxaad ka taqaan wasiir Maxamed
C/laahi wasiirka Ganacsiga inyar Ayaan isna kuu tilmaamayaa waxaynu maqalney in
uu bari dhawayd ka qayb galey Shir dhaqaalaa ah oo ka dhacey dalka Kiiniya oo
Somaliya Gadhwadeen ka aheyd ilayn ajandaaba kumaynu jirine waa maxay sababtu
sababtu waxay tahey Maxamed C/laahi waxa yahay nin ay dowlada Talyaanigu
Sanadii 2008 Shir lagu qabtey oo ka horeeyey kii ka dhacey 2009 dalka USA ee ay
Somaliland ku sigatey inay qaranimadee da ku waydo ka horeeyey waxaanu shirkan
Maxamed 2008 Talyaaniga ku soo qaatey mashrruca burburinta Gooni isutaaga
Jamhuuriyada Somaliland waxaanu qaatey lacag horumaris ah iyadoo aanay aad
Siilaanyo isugu dhawyn .
Maxamed
C/laahi ayaa shir lagu qabtay Washington 2009kii waa shirkii Somaliland ku sigatay inay ku
waydo madax banaanideeda. Waa kii ay ku aqbashay maamul goboleed. Shirkani waxa
uu ahaa talo dowlada maraykan ay lahayd kadib marki CIA du report ay ka soo diyaarisayay
kagana warantay sidii colaadaha, argagaxisada, iyo budhcad baddeedka mandaqada
ka taagan loo soo afjari lahaa.waxa la isla qaatay in la sameeyo -Reginal approach -ama sidii gobol gobal
loola macaamili lahaa qaybaha kala duwan ee Soomalida. Waxaana talo ay ku soo
jeediyeen in la sameeyo wax loogu yeedho Regime
Change oo baryahan dambe qayb wayn ka ah siyaasadaha dibada ee Maraykanka.Qorshahan
waxa ka mid ahaa in Abdilahi Yousuf, in gabadh madow oo Maraykan ahi, Airportka
Niarobi kula kulanto, una sheegto in u is casilo. inkasta oo aanay dadku aad u
dhaadin waxa jiray in dowladaha reer galbeedku ay dabada ka riixayeen in
Kulmiye ku guulaysto doorashada Somaliland. Danaha Maraykanku ay ka lahaayeen
Siilaanyo way caddaayeen, kadib markay arkeen in Ahmed ahaa Gudoomiyihii SNM,
in Ahmed yahay aqoon yahan caan ah oo bulshadana sharaf ku leh, in Ahmed ka so
jeedo qabaa’ilada waawayn ee Somaliland waliba kuwa ay ku adagtahay qadiyada
gooni isutaagu, waxa u cadaatay in Duqani yahay kii meel marin lahaa qorshahooda
ay la damac sanyihiin wixii la isku odhan jiray Somalia.Maadaama Ameerikaanka
ay u cadayd danaha ay ka lahaayeen heshiiskan, waxa aynaan wali garan maxay
ahayd danaha Axmed Siilaanyo kalahaa in
uu sexeexo maamul goboleed?. Dadyowga Soomaaliyeed meelay joogaanba waxa dhacda
in hadba cidii maamulka u haysaa ay ku takri fasho dhaqaalaha ummada, in ay ka
leexdaan qawaaninta, in ay xoriyadtil qawlka cidhiidhi galiyaan . Maalintaas
ayaa Siilaanyo iyo Maxamed C/laahi laysku soo darey waxaana uu maxamed C/laahi
Shirka Kiiniya ee dhaqaalaha barigii dhawayd uga qayb galey waxa uu soo qaatey
lacagta intii uhadhsanyd maadaama uu maxamed ku guuleystey Shirarkii ay ka mid
ahaayeen London iyoTurkiga cidna ugama qaybgalin ee waxa uu uaga qayb galey
Naftiisa waa waa nin hada Malyanneer ah markii uu arkay Maxamed C/laahi in ay
Dhwaan soo socoto Ceebo hor lihi waxa uu codsadey in uu madaxwaynuhu ubadalo
wasaarada ganacsiga oo uu waliba raaciyo MAAL GASHIGA .
Axmed Siilaanyo marka uu is yidhaa
Shacbigii xukuumadiisan bilaa karaamada ah way soo fahmayaanba waxa uu bilaabaa
sheeko cusub bal ufiirsa oo si aan
leysugu meeraysto waxa uu bilaabay markii Shirkii London iyo kuwii Turkigu
bilaabmeen ee Shacbigu dhagta taagay
Lasoco………………..
Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir DEELEY DAREENLEY RAG ALLOW MADOOXAA MA DILAACIYAA NABAR
,Qormadii 20 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe