Guddoomiyaha Waddani Waxa Ii Soo Adeegsaday Dawladdo Shisheeye, Cabdiraxmaan Col Ma Nihin Ee Waxaan Leeyahay Damiir Yeelo Saaxiib Oo Meesha Aad Fadhida Waa Qaladee Xilka Iska Casil Si Aad U Hesho Fursad Aad Mucaarid Ku Noqotid”Eng Faysal Waraabe

0
Monday April 08, 2013 - 18:53:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Waddani Waxa Ii Soo Adeegsaday Dawladdo Shisheeye, Cabdiraxmaan Col Ma Nihin Ee Waxaan Leeyahay Damiir Yeelo Saaxiib Oo Meesha Aad Fadhida Waa Qaladee Xilka Iska Casil Si Aad U Hesho Fursad Aad Mucaarid Ku Noqotid”Eng Faysal Waraabe

    Hargeysa, April 8, 2013 (xogreebnews.com) — Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay loolankii adkaa ee dhex maray isaga iyo gudoomiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, April 8, 2013 (xogreebnews.com) — Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay loolankii adkaa ee dhex maray isaga iyo gudoomiye Guddoomiyaha Waddani Waxa Ii Soo Adeegsaday Dawladdo Shisheeye, Cabdiraxmaan Col Ma Nihin Ee Waxaan Leeyahay Damiir Yeelo Saaxiib Oo Meesha Aad Fadhida Waa Qaladee Xilka Iska Casil Si Aad U Hesho Fursad Aad Mucaarid Ku Noqotid”Eng Faysal Waraabe

Hargeysa, April 8, 2013 (xogreebnews.com) — Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay loolankii adkaa ee dhex maray isaga iyo gudoomiye Cirro xilligii ay bah wadaagta ku ahaayeen xisbiga UCID.Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu faahfaahin ka bixiyay duulaan uu sheegay in xisbgiisa lagu qaaday iyo ciddii maleegtay oo uu ku tilmaamay inuu ahaa guddoomiyaha Golaha wakiiladda, ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani iyo faro-gelin dawlado shisheeye.Eng Faysal Cali Waraabe isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Aniga iyo Cabdiraxmaan waxaanu ahayn rag saaxiibo ah oo waa la ogaa inaan anigu kursiga fadhiisiyay markaa damacu wuu jiraa ceeb maaha, laakiin Cabdiraxmaan waa la isoo adeegsaday oo gacmo shisheeye ayaa iisoo adeegsaday waana foolxumo saaxiibkaa inuu cadow kuu noqdaa imikkana wax kale nooma dhaxeeyaane waar kursigan ka deg labadan xil ma dhici kartee oo mucaarid ma noqon kartid intaad cagaha kula jirtee dawladda ma adaa is caayay amaba wax dhaliili ileyn ka mid baad tahay oo dawladnimaddu ama xukuumaddu waa saddexda dhadhaar midka mid ah ayaad tahee sida gudoomiyeyaasha axsaabta sida Muuse Biixi iyo aniga Cirrooy dibbadda u soo bax oo wax dheh.”Faysal Cali Waraabe oo habeen hore u warramayay Telefishanka Horn Cable waxa uu sheegay dacwad uu hore ugu gudbiyay maxkamadda oo ku saabsan labada xil ee guddoomiye Cirro. “Markii aanu maxkamadda tagnay ee aanu is nidhi cadeeya labada xil inuu sharci darro ku fadhiyo Cabdiraxmaan waa naloo diiwaangeliyay oo ilaa maanta looyaradii lacagtii bay naga qabaan markaa Cabdiraxmaan col ma nihin ee waxaan leeyahay damiir yeelo saaxiib oo meesha aad fadhida waa qaladee xilka iska casil si aad u hesho fursad aad mucaarid ku noqotid.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlaya shirkii ay Xukuumaddu qaadacday iyo shirka ay Turkiga kaga qaybgalayso waxa uu soo dhaweeyey laba qodob oo xisbigiisu garab taagan yahay kuna taageerayo xukuumadda isagoo arrimahaasi tilmaamayna waxaa uu yidhi. “Laba qodobba way fiican yihiin waa qadaacadii shirka London iyo soo dhaweynta shirka Turkiga markaa arrimaha qaran xukuumadda qaar waad ku diidi kartaa markaa labada qodobba xukuumadda waanu ku raacnay safarkii Turkigu waxaa u inooga hirgalay caawimaddii inaynu helno badhkeena oo waxaa uu inoo keenay 5000 (shan kun) oo tan oo raashin ah. Sidoo kale safarkii Imaaraadka waxa ka soo qabsoomay oo xukuumadda kula soconay wax ka qabashada wadada u dhaxaysa Sheekh iyo Berbera u dhaxeysaa biyo balaadhinnta magaaladan haraaday ee Hargeysa.Markaa inaan idhaahdo safarkaasi waa safar wanaagsan ma ceebaa, dadkeenuna markiiba waxay ku odhanayaan waar miyaa lagu soo mustafeeyey iyo waxba la qaybsaday runtiina haddii aan anigu lacag qaato way iga muuqan lahayd oo ma lihi guri oo kiro ayaan carruurtayda lacagtoodana waan isticmaala, sideedabana wixii dowladdu ku hagaagsan tahay waa xaq in la taageera, wixii ay ku qaldan tahayna waa tilmaama ugu danbeyntii Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu ka hadlay shirka Turkiga oo uu tilmaamay in uu dhankiisa diyaarsaday qoddobbo iyo marxalado tilmaamaya taariikhda dalkan iyo wixii loo geystay ummaddani wada hadalladda Turkigu qaabileynaa uu yahay muhiim ee layna dhexaadiyo innaga iyo Soomaaliya sida ku sii socdaan.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured