Waxa La Xidhxidhay Maaha Xildhibaano Kaliya Ee Waa Shacabkii Reer Gabiley Oo Dhan Ee Codkooda Kusoo Doortay Xildhibaanada Jeelasha Ku Jira

0
Thursday October 31, 2013 - 19:37:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa La Xidhxidhay Maaha Xildhibaano Kaliya Ee Waa Shacabkii Reer Gabiley Oo Dhan Ee Codkooda Kusoo Doortay Xildhibaanada Jeelasha Ku Jira

    Hargeisa(xogreebnews.com-warsaxaafadeed kaso bvaxay xafiiska gudoomiye ku xigeenka waddani ayaa si weyn logu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee xukuumada siilaanyo,waxaanu u dhigna sidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-warsaxaafadeed kaso bvaxay xafiiska gudoomiye ku xigeenka waddani ayaa si weyn logu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee xukuumada siilaanyo,waxaanu u dhigna sidan Hargeisa(xogreebnews.com-warsaxaafadeed kaso bvaxay xafiiska gudoomiye ku xigeenka waddani ayaa si weyn logu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee xukuumada siilaanyo,waxaanu u dhigna sidan
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mudane Axmed Muumin Seed ayaa maanta si kulul u cambaareeyay xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada ay shacabku soo doorteen ee golaha degaanka Gabilay.
Gudoomiye ku xigeenku isaga oo ka hadlaya arrintan waxa uu yidhi “Waxa aan cambaaraynayaa xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada golaha degaanka ee Gabilay, waxa aan leeyahay waa talaabo nuqsaan ku ah doorashooyinkii aan galnay iyo dimuqraadiyada somaliland, iyo sharafta xildhibaanka, sideedaba xildhibaanka golaha degaanku waxa uu la mid yahay xuldhibaanka golaha wakiilada ah oo wuxuu leeyahay xasaanad iyo karaamo mana aha in si sahlan loo xidho, waxa kale oo intaas dheer waxa la xidhay ma aha xildhibaano ee waa shacabkii reer Gabilay oo dhan sababta oo ah, xildhibaanadu waxa ay ku fadhiyaan kumanaan cod ah oo lagu soo doortay, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumadda leeyahay waa in ay ka laabataa talaabadaas oo ay xildhibaanada xoriyadooda u soo celisaa raaligalinna ka bixisaa”

Mar kale waxa uu gudoomiye ku xigeenku ka dareen celiyay safar ay dhawaan ku yimaadeen Boorama wasiiro ka tirsan xukuumada kaasi oo ku aadanaa dhinaca tahriibta waxana uu yidhi “Waa layaab wasiiro wacyigalin wada oo leh waxa aan dhalinta ka wacyigalinaynaa tahriibta, waxa aan leeyahay wacyigalin laydinkama sugayne wax qabad muuqda oo dhalinta lagu badbaadiyo ayaa laydinka sugayey, waxa ay xukuumaddu gacanta ku haysaa hantidii shacabka, waxa ay ahayd inay samayso shaqo abuur cadaalad ku salaysan, waxana aan aaminsanahay in dadka dhalinta ah ee dalka ka yaacayaa ay ka baxsanayaan Cadaalad darada, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha soo goostay ee kor u kacay inta ay xukuumadan Kulmiye jirto”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured