KULMIYE OO DIL-DIILAACISU SOO BAXAY :KULAN AN LO DHAMMAY OO KU DOORTAYMASUULIYIIN AFAR XIL AH ,GARABKA MUUSE OO AAN KA HADAL WALI IYO JAWAAB LAGA SUGAAYO.

0
Wednesday October 30, 2013 - 16:13:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE OO DIL-DIILAACISU SOO BAXAY :KULAN AN LO DHAMMAY OO KU DOORTAYMASUULIYIIN AFAR XIL AH ,GARABKA MUUSE OO AAN KA HADAL WALI IYO JAWAAB LAGA SUGAAYO.

    Hargaysa(Xogreebnews.com-Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goor dhaweyd magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka Rasmiga ah ee hagi doona hawlaha qaban qaabada kuwaas oo kala ah Guddoomiye, ku-xigeen, Xoghaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Xogreebnews.com-Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goor dhaweyd magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka Rasmiga ah ee hagi doona hawlaha qaban qaabada kuwaas oo kala ah Guddoomiye, ku-xigeen, Xoghaye iyo Af-hayeenka. Guddidi waxay Guddoomiye u doorteen Abuubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.
normal; mso-margin-top-alt: auto; mso-margin-bottom-alt: auto">Fadhiga lagu doortay xubnahan hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayab galeen shan iyo toban Xubnood waxa guddoominayay xubinta ugu da?da weynayd oo ahaa Yuusuf Guruje.
Yuusuf Guruje ayaa xaadiriyay xubnaha u tartamayay jagooyinka waxaanu cod gacan taag ah galiyay doorashadooda iyadoo mid mid loogu codeeyey afarta xubnood.

Xubnaha la doortay ayaa ku guulaystay aqlabiyadda codadkii shan iyo tobanka ahaa iyada oo aanu marna Guddoomiye Guruje codaynin waxaanu mid kastaa ku Ansaxay sidaasi.
Guddoomiyaha la doortay Abuubakar Xaamud Jibriil ayaa isla goobtii ka hadlay waxaanua mahadnaq balaadhan ujeediyey xubnihii ka soo qayb galay fadhiga lagu doortay xubnaha hogaanka ah isagoo balan qaaday xilka loo dhiibay in ay uga soo bixi doonaan sida ugu haboon.
Xubnaha Guddida qaban qaabada ee fadhiga doorashada ka soo xaadiray waxay kala ahaayeen:-
1. Farax Faarax Cali
2. Saleebaan Cawad (Bukhaari)
3. Fu?aad Maxamed Cumar
4. Yaasiin Maxamed Cabdi
5. Abuubakar Xaamud Jibriil
6. Sahal Maxamed Jaamac
7. Cismaan Garaad Soofe
8. Maxamud Axmed Saalax
9. C/risaaq Waaberi Rooble
10.Mustafe Faarax Dhoore
11.Cali Obsiiye Diiriye
12.Yuusuf Nuur Maxamed
13.C/raxmaan Maxamuud Carraale
14.Dr: Cumar Cilmi Dixood
15.Amaal X Axmed Miisaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured