Axmed Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Xoog Loo Isticmaali Doono Ciddii Ka Hor Timaadda Qandaraasyada Hadyadda Looga Dhigay Qoyskiisa Ee Sahaminta Shiidaalka Reer Caynaba-na Digniin U Diray

0
Monday April 08, 2013 - 07:43:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Xoog Loo Isticmaali Doono Ciddii Ka Hor Timaadda Qandaraasyada Hadyadda Looga Dhigay Qoyskiisa Ee Sahaminta Shiidaalka Reer Caynaba-na Digniin U Diray

    Hargeysa (xogreebnews.com )—8/04/2013— Madaxweyne Siilaanyaha ka taliya xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa xallay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com )—8/04/2013— Madaxweyne Siilaanyaha ka taliya xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa xallay Hargeysa (xogreebnews.com)—8/04/2013— Madaxweyne Siilaanyaha ka taliya xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa xallay saqdii dhexe qoraal digreeto ah oo uu soo saaray una eka kuwii taliskii Maxamed Siyaad Barre ugu henjabi jiray shacabka Somaliland iyadoo awoodda xukuumadda isticmaalaysa ayaa wuxuu digniin u diray beelaha deegaanka Caynabo ee gobolka Saraar in haddii ay ka hor yimaadaan sadbursiga ay xukuumadiisu siisay qoyskiisa mashaariicda sahamiska saliidda iyo shiidaalka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.Qoraalka digreetada ah oo ka madhna akhlaaqda iyo asluubta hogaan qarran ayaa wuxuu si toos ah u difaacaya sadbursiga iyo eexda aan qarsoodiga ahayn ee Axmed Siilaanyo ugu yaboohay mashaariicda salliidda qoyskiisa gaarka ah, haddaba qoraalka digreetada ah waxaa lagu yidhi sidani:“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1689/042013 taas oo ku saabsan khayraadka dabeeciga ah ee Dalka:Madaxweynuhu:-Xukuumaddu waxay xil mug iyo miisaan leh iska saartay sidii loo manaafa-caadsan lahaa Khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan Dalka.Sidaas awgeed, sida aad ka warhaysaan waxa dalka ka socda baadhitaanno lagu sahaminaayo Khayraadka ku jira Dalka; sida shidaalka iyo Saliidda, kawaas oo ka mid ah hantida Guud ee Dalka.Sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad, Faqradiisa 4aad, Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto Khayraadka ku jira berriga iyo badda. Bulshada Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habsami-u-socodka Shaqada, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee Shaqada ku hawlan.Haddaba, waxa aan farayaa Hay’addaha ay wareegtadani khusayso, inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda dhaq-dhaqaaq diidmo oo beelaysan, deegaamaysan iyo abaabul kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah”xubnaha qoyska madaxtooyada ee la iiyey mashaariicdani ayaa waxay kala yahiin Cawil Xaaji Cumar oo dhallay wiilka Siilaanyo u sodoga ah Baashe Cawil Xaaji Cumar, waxaa sidoo kale ka mid ah xubnahani oo dhammaantood ah qoyska madaxweyne Siilaanyo Axmed Diiriye Hurre, Maxamed Jaamac Galaal, Maxamud Cabdi Carab , Ibraahim Maxamed Xasan, iyo Yaasiin X C/laahi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured