Maxaa Ku Cusub Liiska Guulwadayaasha Ee Xukuumada Siilaanyo Sanadka 2013-ka

0
Sunday April 07, 2013 - 13:04:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ku Cusub Liiska Guulwadayaasha Ee Xukuumada Siilaanyo Sanadka 2013-ka

    Akhristayaal sida la og yahay siyaasadu malaha saaxiib joogto ah laakiin waxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristayaal sida la og yahay siyaasadu malaha saaxiib joogto ah laakiin waxay

Akhristayaal sida la og yahay siyaasadu malaha saaxiib joogto ah laakiin waxay leedaahy dan joogto ah, iyada oo ay jirto inay siyaasiyiinta laftigoodu ay ku kala duwan yihiin hab dhaqanada ay iskula macaamilaan iyada oo siyaasiyiinta qaarkood ay yihiin kuwo aan haba yaraadee aan isku kalsoonay hadii aysan cid ku tiirsan, halka qaar kalena ay yihiin kuwo inta badan isku daya inay raali galiyaan shacabka oo naftooda ku kalsoon iyo kuwo kale oo intaa u dhexeeya, hadaba qormadeena waxaynu isku dayi doonaa in aynu wax yar ka qorno sida ay ugu soo badanayaan guulwadayaal cusub oo mid kastaa uu dan gaar ah ka leeyahay qaarna aysan ujeedo cad ka lahayn guulwadaynta.

Hadaba akhristayaal waxaan halkan idinku soo gudbinayaa liiska ugu culus ee ah guulwadayaasha.

1: Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa ah nin si weyn ugu sifoobay guulwadeyn xadkeedii dhaaftay iyada oo Saleebaal Gaal lagu yaqaanay in uu dhamaan xukuumadihii soo maray somaliland ku ahaan mucaarad xag jir ah balse xukuumadan siilaanyo ku ah guulwade xag jir ah, bal adba akhriste sababee sababta arintan ka danbeysa­?

2: Wasiirka Arimaha Dibeda oo ah nin inta badan aad hada maqlayso iyada oo shacabku ula baxeen magacyo kala duwan oo intuba ka turjumayaan in uu yahay wasiirka ugu beenta badan.

3: Wasiir Ku Xigeenka Amniga oo isaga lagu tilmaamo siayasadiisa mid raad barad ah, isaga oo inta badan wasiir ku xigeenkaasi isku daya in uu iska dhaadhiciyo oo kaliya madaxtooyada oo kaliya balse aysan ka ahayn siyaasad.

4: Wasiirka Warfaafinta oo isaga shacabku ku tilamaamaan in uu garan la’ yahay shaqadisii halka u kaga mashquulay in u subax kasta uu tego madaxtooyada si uu iskaga soo xaadiriyo wasiirkan ayaa ka mid ah wasiirada ugu da’da weyn laakiin wax qabadkiisu dhaafi waayay iska dhaadhicinta madaxtooyada oo kaliya halka uusan ka war hayn sida ay u shaqeynso wasaaradii wasiirka looga dhigay.

5: wasiirka macdanta oo sagu ah wasiirka xukuumada dhexdeeda lagu tilmaamo kan ugu qabyaalada badan ayaa wasiir cadaystay in uu madaxtooyada had iyo goor joogo isaga oo been u sheega madaxtooyada isaga oo isku arka in uu iibsaday wasaarada macdanta iyo biyaha iyada oo dadka ka ag dhaw ay sheegaan in uu had iyo jeer sheego lacago uu xiligii ololaha xisbiga KULMIYE bixiyey taasi oo u arko in abaal gud loo siiyey wasaarada sidaasi daraadeedna sida uu doono ka yeelayo wasaarada macdanta iyo biyaha.

La soco cadadka danbe ee qormooyinkan

Qalinka: C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured